Qaabiilba Haabiil Markuu Qoonsaduu Dilay:-
Qabriga Haabiil Sidee U Eeg Yahay?.
Asad
Cadaani Ibraahim
Suuriya Dimishiq.
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Dimishiq:-Saacaddu
waxay ahayd 4:30 galabnnimo xilliga magaalada Dimishiq markii aanu go’aan ku
gaadhay in aanu booqdo Qabriga Haabiil
oo ku yaalla goob buuro ah oo loo yaqaano waddada Zabadaani una jirta
magaalada Dimishiq 33km, isla markaana ah dariiqa loo maro magaalada Beyruut
ee caasimadda Lubnaan.
In badan ayaan maqlayey Qabrigii Haabiil
ayaa ku yaalla duleedka magaalada Dimishiq, hasa yeeshee muddo sannad
iyo bilo ah oo aan joogay Magaalada Dimishiq, iyada oo aanay niyaddayda
ka maqnayn in aan booqdo, haddana ma ay suurta galin maalintaas ka hor.
Muddo 20 daqiiqo ah markaanu sii soconay
ayaa waxa aanu gallay goob buuralay ah, aadna u bilicsan, dhir kaymo
ahina aad ugu badan tahay, markaanu cabbaar sii socanay buuro dushood
waxaanu soo gaadhnay goobtii qabrigu ku yaallay oo iyadu ahayd buuraha
dhexdooda meel qar (jar) ahna saaran.
Goobtaas qabrigu ku yaallo waxaanu ugu
tagnay dad u badan Iiraaniyiin oo tiro badan oo dhammaantood qabriga ka
barakaysanaya, qaarkood Ooyayaan (Booyayaan), qaarna loo sharraxayo
taariikhda qabriga, kuwo kalena dhagax dhulka iska xejinayaan oo
tukanaya, kuwo taataabanay, waxaana cidhiidh noqotay goobtii qabriga.
Qabriga Haabiil oo ahaa qabri aad u
dheeraa, nalooguna sheegay 5 mitir ayaa ahaa mid marmar lagu
xardhay, Aayado qur’aan ahna gidaarradiisa lagu taxay, oo si wanaagsan
loo habeeyey, dhulkana ka kacsan 1 mitir, waxaana markiiba
indhahayagu ku dhaceen qabriga dhererkiisa oo aanu isweydiinay ma dadkii
horaa intan dherer le’ekaa, oo sidan u dheeraa?.
Qisada Qaabiil iyo Haabiil oo iyagu ah
carruurtii Hooyadeen Xaawa iyo Aabbeheen Aadan ayaa iyadu caan ah
quraankeena kariimka ahna lagu xusay in badanna lagaga sheekeeyey.
Waxayna ka bilaabmatay haddaynu yara kor
maro markii aabbeheen Aadam iyo Hooyadeen Xaawa Jannadii laga soo saaray
ayaa waxa bilaabmay tarankii dadka, mar hadday ahaayeen labadooda oo
kaliya, waxaana ay dhali jireen wiil iyo gabadh mataano ah, markii ay
koreena waxaa laysugu ladhay labo labo, wiil iyo gabadh, iyada oo
labadii mataano ahaaba la kala duwayey, waxaana dhacday in gabadhii la
mataanka ahayd Qaabiil ay ahayd qabadh qurux badan lana odhan jiray
Kaliima, ayna noqotay in loo guuriyo Haabiil, gabadhii la mataanka ahayd
Haabiilna loo guuriyo Qaabiil.
Halkaa marka ay marayso qisadu ayuu
Qaabiil diiday in uu guursado gabadhii lamataanka ahayd Haabiil, wuxuuna
damaaciyey in guursado Gabadhii isaga mataanta la ahayd, arrintaaasi
sidii markaas la jideeyey waa ay khilaaftay, waxaana la amray si loo
kala saaro labadooda looguna Garnaqo in mid waliba uu qurbaan, ama
had'yad soo qaddimo, had’yaddaas ama qurbaankaas oo xagga Ilaahay loo
hibaynayo, waxaa jirtay xilligaas in naar(Dab) soo dagi jirtay oo hadba
qurbaankii Ilaahay aqbalo oo ogolaado naartaasi qaadato.
Haabiil waxa uu soo bixiyey Wan weyn,
markaas adhigiisii kan ugu wanaagsanaa ahaa, Qaabiilna wuxuu bannaanka
soo dhigay hadhaa beereed yacni Caws iyo Bal ,waxa marka beerta la gooyo
xoolaha la siiyo, labadooduna midna xoolo dhaqato ayuu ahaa midna
beeralay.
Ilaahay waxa uu ka qablay oo xaqa ku
taagnaa Haabiil, neefkii Wanka ahaa ee uu soo gudbiyey ayaa naartii
(Dabkii) soo degtay oo ay qaadatay, Qaabiilna halkii ayaa gartii lagaga
Helay, laga-mana aqbalin wuxuu keenay, Qaabiil waxa uu ku yidhi Haabiil
waan ku dilayaa Haabiiloow, Haabiilna wuxuu ku yidhi Qaabiil anigu ku
dilimaayo, haddaad gacanta iisoo fidisidna mid gacantiisa kugu soo
taagay ma ihi, waxaan doonayaa ayuu yidhi Haabiil in aad danbigayga iyo
kaaga xanbaaratid, taasini waa abaal marinta daallimiinta.
Ilaahay waxa uu qu’aankiisa S,W ku yidhi
marka Af Soomaali Lagu micneeyo (naftiisu waxay ku addeecday (Qaabiil)
inuu dilo walaalkiis (Haabiil), wuxuuna noqday mid khasaaray).
Waxa ay dadka reer Shaam (Suuriya)
aaminsan yihiin in goobta lagu dilay Haabiil ay tahay buurta Dimishiq ku
dhextaalla ee la yidhahado Qaasiyuun, wuxuu Qaabiil ka xambaaray
maydkii walaalkii buurta Qaasiyuun sida uu nagu yidhi nin joogay goobta
qabriga Haabiil, waxa uu xambaarsanaa afartan maalmood, markuu marayey
goobtan hadda uu ku aasan yahay ayuu arkay Tukke Aasaya
(Xabaalaya) Tuke kale, waxaana lagu tusayey sida maydka loo aaso, wuxuu
yidhi Qaabiil hoogayga iyo shalaytadaydii ma waxaan garan waayey waxa uu
gartay Tukuhu, markaas ayuu xabaal u qoday walaalkiis oo uu aasay.
Akhri Aayadaha Suuradda
Al-Maa’idah 26 ilaa 32
Ilaahay S.C waxa uu kitaabkiisa kariimka
ah ku sheegay in qofkii qof dilaa uu la mid yahay sidii qof dadkaba
laayey, qofkii qof noloshiisa badbaadiyaana uu la mid yahay sidii qof
nolosha dadka badbaadiyey, waxaana la xukmay in Qaabiil dil kasta oo ka
dhaca dunida uu danbi ku leeyahay ilaa iyo maalinta qiyaamaha, sababtoo
ah waxa uu jideeyey sunne (waddo) xun, qof kasta oo waddo wanaagsan
jideeyaana waxa uu lee yahay Ajarka waddadaas uu jideeyey ilaa iyo inta
lagu camal falayo.
Waxaa hadhay oo kaliya labada arrimood oo
ah goobta lagu dilay Haabiil ma Qaasiyuunbaa?., goobta uu ku
aasan yahayna ma meesha qabriga lagu tilmaamaa?, labadaas arrimood
Ilaahay ayaa Og, Hasa yeeshee waxaa jirta in dadka ku dhaqan (Shaam)
Suuriya ay aamminsan yihiin Arrintan, waxaa iyana jirta in Dimishiq ay
tahay magaalada ugu horraysay ee dad dego aduunkaba, taas oo taariikhdu
aad u xusto.
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya