Sen. Coleman oo la
gudoonsiiyey biladda "Saaxiibka
Soomaalida"

Maanta oo ku beegan June 16,
2007maalinta caruurta Africa Senator Coleman –(MN) waxaa uu la kulmay Murayo Nur
Ali iyo aabaheed Nur Ali Hudow iyo qoyskii soo sponsarey ee soo damaanad qaaday
Mudane Abdicasiis Gaal iyo xaaskiisa Sahro Maxamuud. Senator Coleman ayaa
gudoonsiiyey bilad qoyskii keenay Murayo iyo aabaheed ugana mahad celiyey
dadaalkii iyo isxilqaamkii ay qoyskaasi Soomaaliyeed sameeyeen kuna tilmaamay
mid ku dayasho mudan.
Waxaa isla goobta kulan
Joogay salaadiin iyo hogaamiye dhaqameedyo Soomaaliyeed oo uu horkacayey
gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Pfofessor Omar
Dhalxaa. Odayaashaas Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Haaji Koogaar oo ah nin
lagu yaqaan ka shaqaynta nabadda Banaadir (Peace activist), Suldaan Yusuf Cali
Sokor, Suldaan Caliyow Ibrow, sidoo kale waxaa goobta joogay Ugaasyo, Islow,
Islaam iyo nabadoono badan.

Professor Dhalxaa oo ku
hadlaya magaca umadda Soomaaliyeed , tan dawladda soomaaliyeed, qoyka Muraayo
Nur Ali iyo Nuur Ali Hudow iyo magaca salaadiinta/ hogaamiye
dhaqameedyada/haweenka shirka joogay ayaa senator Norm Coleman gudoonsiiyey
bilad sharaf qaali oo la yiraahdo “Saaxiibka
Soomaaliya” Professor Dhalxaa ayaa yiri “ Senator Coleman maanta oo
ah maalinta Caruurta Afica 2007 waxaa sharaf weyn ii ah in aan ku dhawaaqo inaad
tahay maanta laga bilaabo Saaxiibka Soomaaliya Soomaalida Minnesota ayaa kuu
garatay kaana mahadinaysaa kaalinta aad ka gaysatay keenista gabadhan yare ee
Soomaaliyeed oo u baahnayd daryeel caafimaad, marlabaad maanta oo ah Maalinta
caruurta Africa anigoo ka faaiideyasanaya waxaan kula socodsiinayaa inay haboon
tahay in dalwdadda maraykanku kordhiso taageerada dhaqaale oo lagu maalgelinayo
mashaariicda caruurta soomaaliyeed lagu daryeelayo
Wararka aan ka soo xigtay
soomaalida Minnesota ku nool waxay ii sheegeen in Senator Coleman wax badan u
qabtay bulshada soomaalida Minnesota una qalmo “Saaxiibka Soomaalida”
waxyaabaha ay ii sheegeen ee ay ku xasuustaan Senator Coleman waxaa ka mid ah:

Balantii ahayd
in haddii la doorto 90 beri gudaheed uu Somalida kula kulmi doono oo uu fuliyay
halka senatorada kale aanan la arag ama ka aamuseen arrimaha Soomaalida.
In xafiiskiisa
looga hadlo af Soomaali
Markii
la gubay qaybo ka mid ah masaajidka Islaamic Center of Minnesota (Fridley)
telefoonkii uu imaamka kula xiriiray 2004
Markii
la gubay qayb ka mid ah Masaajid Abubakar Al Sadiiq –qoraalkii uu ka soo saaray
2006
Dhaqaalahii uu ka caawiyey mid ka mid ah jaaliyadaha bulshada Confederation of
Somali Community 2006
Qoraaladii uu ka soo saaray tacadiyadii Human Rights ee Soomaaliya, Oromo.
Ogaden, iyo Soomaalida South Africa.
Adeega
guud ee uu bulshada u hayo sida isu keenista qoysaska Somaaliyeed ee kala
firirsan (Family Reunion)
Amendment uu soo dhex dhigay US Congress immigration bill oo ku saabsanaa in FBI
la taageero dhaqaale ahaan lana xakameeyo waqti ahaan oo waxa loogu yeero Name
Check uusan ka badan 6 bilood (Amendmentigan waa laga diiday nasiib darro)
Dadaalkii uu ka soo qaatay soo jeedinta US Government inay ka qayb qaadato
nabadaynta Soomaaliya.
Dhawaaqa
codka soomaalida oo uu gaarsiiyey US Congress/State Department.

Si kastaba ha ahaatee
Senator Coleman ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee hela biladda “Saaxiibka
Soomaalida” Arrintaasna waxaa uu ku mutaystay markii uu noqday Congressmanka
keliya ee Minnesota oo aad ugu shaqeeya bulshada Soomaalieed isla markaana
noqday Congressman keliye ee Minnesota ka hadla had iyo jeer arrimaha murugsan
ee Soomaalida meesha kuwa kale dhegaha ka furaysteen arrimaha Soomaalidii u
codeysay.
Abdirahman
Mohamed
Minnesota, USA
Timos@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2007


|