Salad Gaab “Isboorti iyo Qabiil meel ma wada geli
karaan” Waxaa inoo suurta gashay in aan
wareysi la yeelano Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka
Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Salaad Macalin Maxmed
(Salaad Gaab) oo muddo dheer ku soo dhex jiray
isboortiga gaar ahaan K/cagta.

Salaad haddii aan dib u qooraansano
Taariikhdiisa wuxuu ahaa Macalin ka mid ah
Macalimiinta Soomaaliyeed wuxuuna maamul ku xigeen
ka soo noqday Dugsiga hoose dhexe 21-November iyo
Dugsigga Hoose Dhexe ee Axmed Gurey wuxuuna ahaa
Macalin si weyn ugu soo dhex muuqan jiray bahda
waxbarshada, wuxuuna si aad ah u jeclaa Isboortiga
gaar ahaan K/cagta wuxuuna ka mid noqday Junyariska
Qaranka Soomaalyeed.

Salaad Gaab waxuu abaabulay Tartamo badan
oo dhanka K/cagta ah gaar ahaan kuwa Dugsiyadda mar
aniga oo u shaqeenaya Taleefishinka Jamhuuriyadda
Soomaaliya ayaan waxaan Barnaamij ka sameeyay Tartan
ka socday Dugsigga 21-November wuxuuna ahaa
Tartankaa mid uu si weyn u soo abaabulay Salaad Gaab
waxaana u soo daawasho tagi jiray Tartanka dad aad u
fara badan oo xiiseynayay Tartankaa,
Dagaaladii sokeeyay markii ay dhaceen
Salaad Gaab kama uusan hari n Isboortigii wuxuuna
tartankii ugu horeeyay Ka abaabulay Garoonka Horseed
ee Degmadda Hoddan kaasoo si weyn u soo jiitay
Dadweynaha Soomaaliyeed oo markaasi xoogaa ka yare
nestay Dagaaladii sokeeye.

Salaad Gaab waxuu ka mid noqday xubnihii
boorka ka jafay Garoonka Muqdisho oo xiligaasi ay
xireen dagaalo ka socday Muqdisho wuxuuna halkaasi
ka abaabulay Tartankii loogu magac daray Tartankii
Xiddigaha, wuxuuna xiligaasi Salaad Gaab Kharash
badan ku bixiyay Tartamo ka dhacay Garoonka
Muqdisho, Salaad Gaab kama uusan harin dhinacii
waxbarashada wuxuuna Garoonka Muqdisho ka furey
Dugsi dhinaca waxbarashada ah.
1997-dii Salaad Gaab wuxuu ka mid noqday
Xiriirka Soomaaliyeed ee K/C agta, wuxuuna ka mid
noqday Xubnihii ugu firfircoonaa ee Xiriirkaasi,
2001-dii Salaad Gaab wuxuu noqday Gudoomiye ku
xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta,
2003-dii Salaad Gaab wuxuu noqday
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaalyeed ee K/Cagta, 20-kii
May 2004-tii Salaad Gaab wuxuu hogaamiyay Wafdi ka
tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qeyb
galayay Baqol Guuradii ka soo wareegtay markii la
aas-aasay Xiriirka K/Cagta ee Aduunka, waxaana
Salaad Gaab la gudoonsiyay Bilad Dahab ah.
2004-tii Bisha October 8-dii FIFA waxey
Salaad Gaab iyo xubna kale oo la socday ku marti
qaaday Dalka Switzerland, wuxuuna halkaa kula kulmay
masuuliyeen ka tirsanaa Xiriirka K/Cagta Aduunka,
isagoo markaa kala hadlay sidii loo hormarin lahaa
K/Cagta Dalka Soomaaliya isla markaana loo qalabeyn
lahaa Kooxaha Soomaaliyeed iyo kuwa Gobalada Dalka.
Salaad Gaab waa nin aaminsan in K/Cagta ay
qeyb ka qaadan karto dhinac nabadda, wuxuuna sheegay
inaysan meel wada gali Karin Isboortiga iyo
Qabiilka, isagoo sheegay inay haboon tahay in la
kala madax banaaneeyo Qabiilka iyo Isboortiga, taa
ayaana lagu gaari karaa hormar la taaban karo oo
dhinaca Isboortiga ah.

Salaad waxuu ka qeyb galay doorashadii
Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta ee Magaalada
Beydhabo 16-kii May 2006-dii, waxaana mar kale loo
doortay Gudoomiye ku Xigeenka Xiriirka Soomaalyeed
ee K/Cagta, isagoo Bishii hore hogaamiyay Wafdi iyo
cayaartoy oo ka qeyb galeyay Tartan ka dhacay Dalka
Burundi, kaasoo ay ka soo hoyeen Guul la taaban
karo.
Salaad Gaab waxa uu haatan wadaa qorista
Buug uu kaga h adlayo wixii dhacay 17-Sano ee
Dagaalka Sokeeye ee dhinaca Isboortiga, isagoo
Buugaani kaga hadli doono arrimo badan oo ka dhacay
Dalka iyo Dibadiisa , mar aan wax ka weydiyay waxa
ku kalifay Buugaasi wuxuuna sheegay Salaad Gaab inuu
doonayo inuu ururiyo siyaabaha lagu hormarin karo
Isboortiga iyo Nabadda.
Salaad Gaabo oo Dalka Gudihiisa iyo
Dibadiisa ku leh sumcad weyn ayaa waxa uu halkaan ku
soo bandhigayaa Ciwaanadiisa si ay ula soo xiriiraan
Ardaydii uu Macalinka u ahaan jiray oo haatan ku
nool Dalka Dibadiisa, waxaana lagala Xiriiri karaa
Salaad Gaab.
Tel: 2521-0762270048 ama 2521-5566149, ama
2521-219998.
Email:
Saladshort@hotmail.com.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
Email:
amiinkhasaaro@hotmail.com