Jaaliyadda Sool, Sanaag, iyo Cayn
Ku: Dhammaan Isimada Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn
Ku: Dhammaan Bulshaweynta Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn
Og: Dhammaan Isimada Maamul Goboleedka Puntland
Og: Dhammaan Bulshaweynta Maamul Goboleedka Puntland
Og: Ummadda Soomaaliyeed oo dhan
Shir ay isugu yimaadeen xubnaha jaaliyadda ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag
iyo Cayn ee deggan dalka Kuwait maalintii Jimcihii ee taariikhdu ahayd 19
Oktoobar 2007 waxa go�aan lagu gaaray arrimaha soo socda:
1- In dhammaan dadka ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyagoo isku
duuban meel uga soo wada jeestaan gardarrada qaawan ee dhul ballaadhsiga ah ee
maamulka Hargeysa ee Soomali diidka ahi ku soo qaaday magaala madaxda Gobolka
Sool ee Laascanood iyo guud ahaan Gobolka Sool 15kii bishan Oktoobar.
2- In ragga calooshood u shaqystayaasha ah ee asal ahaan ku abtirsada degaanka
SSC ee soo hoggaamiyay Soomaali diidka ah cadowga ummadda Soomaaliyeed loo arko
cadow aan ka ood sokayn kuwa ay u adeegaan..
3- In calooshood u shaqaystayaashaas loo arko rag aan matelin beelo ka mid ah
beelaha SSC dhiigooduna xalaal yahay ciddii dishana aan loo qabsanayn.
4- In bulsha weynta gobolada SSC iyo Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed oo
dhammi naf iyo maalba u huraan xoraynta gobolada Sool, Sanag iyo Cayn ee
Soomaaliya ka dibna gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer iyo Awdal laga xoreeyo
maamulka Hargeysa ee Soomalidiidka ah ee Asmara laga hoggaamiyo.
Kala xiriir:
Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}
Kuwait
e-mail: ahmedtabaatiig@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007
Dagaalo
Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...
Geeddi oo
Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo

Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq
luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada
Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan
C/llaahi
iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Oct 21
OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii
Itoobiya loo dhiibay

