Garaad Jaamac Garaad Cali oo Warsaxaafadeed ka soo
saaray Arrimaha Laascaanood
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta (Axad Oct 21, 2007) warsaxaafadeed uu
soo saaray waxa uu arrimah magaalada Laascaanood. Magaaladaas oo maanta la
sheegay in ay mudaharaadyo ka dhaceen. Warsaxaafadeedkii Garaadku waxa uu u
qornaa sidan:
BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM
KA: GARAD JAMA GARAD ALI.
21/10/2007
KU: CIDII AY KHUSAYSO.
Ujeedo: Baaq.
Kadib markaan eegay xaalada
colaadeed ee ka jirta gobolada Sool, Sanag iyo Cayn, markaan u kuurgalay
dareenka dadwaynaha iyo xiisada colaadeed ee ka aloosan deegaamadaa. Muuqashada
ay muuqato in uu bilaabmo dagaal lagu riiqmo oo dhiig badani ku daato lagana
yaabo inuu goboladan oo dhan ku fido.
Waxaan ku baaqayaa Qodobadan:
1. In ciidamada maamulka Somaliland ay ka baxaan gobolada SSCayn.
2. In Maamulka Puntland ay joojiyaan abaabulka dagaal si loo badbaadiyo
dhiig daata.
3. In Issimada iyo waxgaradku isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle.
4. In laqabto shir dagdaga oo dadyowga SSCayn ay aayahooda kaga
tashadaan.
5. In midnimada SSCayn ay muqadas tahay.
Wabilaahi towfiiq
Garaad Jaamac Garaad Cali
Faafin: SomaliTalk.com Oct 21, 2007
:::KASOO
HORJEED DAGAALADA LAGA HURINAYO SOOL
:::BAAQ WADAJIR AH:
Waxgaradka Somaliland Iyo Puntland
:::BAYAAN
TAAGEERO EE JAALIYA PUNTLAND EE JEDDAH
Dagaalo
Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...
Geeddi oo
Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq
luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada
Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan
C/llaahi
iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Oct 21
OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii
Itoobiya loo dhiibay
|