Soo Dhaweyntii Afhayeenka Madaxweynaha
Mudane Xuseen Xuubsireed
Xafald si qurux badan loo soo agaasimey
ayaa waxa ay ka dhacdey badhtamaha magaalada
Minneapolis, Minnesota. Xafladaas ayaa waxa
lagu soo dhaweynayey afhayeenka
madaxweynaha, mudane Hussen Xubsireed.
Xafladaas ayaa waxa isugu yimid dadka badan
300 boqol oo qofood oo isigu jirey qaraabada
Xuubsireed, masuuliyiin ka kala socdey
xafiisyada dowlada, hooyooyin,
culumaa’udiin, ardey, macalimiin, aqoon
ayahano, siyaasiyiin, iyo fanaaniin.
Waxa xafladaas soo qaban qaabiyey ururka
haweenku ay leeyihiin ee gobolka Minnesota,
Women Civil War Survivors. Xafladaas ayaa
sidoo kale waxa ka qayb galey Safiirka u
fadhiya Ethiopia Mareynkanka oo isagu kala
hadley dadweynihii isugu yimid xaflada
dhinaca telefoonka. Xafldaas ayaa waxa looga
yimid meelo ka baxsan Minnesota sida Ohio,
California, iyo Rochester Minnesota.
Xafldaas oo ay wacdaro ka dhigeen
fanaaniinta Minnesota oo halkaas ku soo
bandhigey riwaayad uu Sangub sameeyey intii
uu shirku ka socday xamar, iyagoo markaas
fanaaniintu ay ku casuumeen in ay ku soo
dhaweeyaan afhayeenka Madaxweynaha mudane
Xuubsireed.
Sidoo kale waxa hadalo qiimo kale ka soo
jeediyey siyaasiyiinta reer Minnesota,
indheer garadka oo iyaguna ka Hadley arimaha
ay Soomaaliya hada ku jirto iyo side ay uga
bixi laheyd. Ugu dambeyntii ayaa waxa
hadlaka ku soo gabagabeeyey Mudane,
Xuubsireed oo ka Hadley marxaladihii uu la
kulmey intii uu shaqadiisa gudanayey ee uu
joogey Soomaaliya iyo in uu diyaar u yahay
in uu noqdo oo uu hurayo naftyiisa sidii
Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa midnimo,
nabad, iyo dib udhisid dhamaan wadanka oo
dhan.

Hadaba hadii aad dooneysid sawiradii xaflada
oo dhan halkan ka daawo.
http://www.insideminnesota.org/images.html
Abdimalik Askar, Somali Media
aabdimalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Oct 23, 2007
Soomaalida
Qaahira iyo Tartanka Quraanka....

Naadiga aradayda somaliyed iyo jaaliyadda
qaahira
Geeddi oo
Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo

Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq
luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada
Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan
Garaad
Jaamac Garaad Cali oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Arrimaha Laascaanood
Qraal
ka soo baxay Jaaliyadda Sool, Sanaag, & Cayn ee Kuwait
Xildhibaanada
Baydhabo oo qiimohoodu gaarey $10kun
Xaflad lagu
furayay dugsiga New Amoud Secondry oo ka dhacday magaalada Borama (Sawirro).
Salad
Gaab “Isboorti iyo Qabiil meel ma wada geli karaan”
Itoobiya
oo si weyn uga carootay hadalkii Cali Maxamed Geedi…
.Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho ku dilay todobo qof..
.Maxamuud Dirir oo u kala dab qaadaya Yuusuf iyo Geedi….
.Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan oo taageerey Imaamka..
.Iska hor imaad dhex ciidamo ka tirsan Maamulka G/Banaadir..
.Ciidamada Uganad oo looga digay in ay sii joogaan dalka
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 22
C/llaahi
iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Oct 21
OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii
Itoobiya loo dhiibay
Dagaalo
Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...


|