OLOLE-NADAAFADEED KA
BILLOWDAY XARUNTA G/GADUUD EE DH/MAREEB.

Ololahan
nadaafadeed oo ay ka qayb qaadanayaan ururada bulshada rayidka ah, iyo Qaybaha
kala duwan ee bulshada ku nool degmada dhuusamareeb ayana taaageerayaan
Ganacsatada degmada, hay’adaha wadniga ah ,ururada aan dowliga ahayn ee ka
howl-Gala gudaha degmada dhuusamareeb ayaa looga gol leeyahay sidii dib loogu
soo celin Lahaa bilic-samida iyo muuqaalka degmada dhuusamareeb oo sidii ay u
dhaceen Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka soomaaliya aan si buuxda loo
wajihin sidii wax Looga qaban lahaa qashinka iyo wasaqda buux dhaafiyey gudaha
iyo agagaaraha faras-magaalaha dhuusamareeb.
Howshan
nadaafadda iyo la dagaalanka qashinka ayaa ka billaabatay daafaha waddada
laamiga ah ee dhexmarta dhuusamareeb oo kamid ah meelaha sida weyn uu qashinku
ugu baahay, iyadoo gubidda iyo guridda qashinkani ay billaabeen xubno ka kala
socday Maamulada degmada,nabad gelyada, ururada haweenka iyo ganacsatada oo
dhammaantood ka qayb qaadanayey ololahan nadaafad soo celinta degmada
dhuusamareeb, sidoo kale ololahan ayaa lagu dabar goynayaa geed aan wax-tar
lahayn oo siweyn ugu baahay bartamaha magaalada iyo daafaheedaba kaas oo koboc
iyo koritaanba u diiday geedihii kale ee waxtarka iyo nafcigaba u lahaa dadka
iyo duunyadaba.
Ganacsatada
degmada dhuusamareeb iyo xubno ka tirasan ururada waddaniga ee Dhuusamareeb ayaa
ka geystay gacan dhaqaale oo lagu dhiiri gelinayo dadka ku howllan Soo celinta
bilicsamida iyo nadiifinta oo muddo ka soconaysa guud ahaan xaafadaha
Dhuusamareeb, waxaana kamid ah ururada iyo shaqsiyaadka illaa hadda taageeray
Qorshahan oo ah mid rajo soo celin ah: ururka waddaniga ah ee ILEYS iyo
shaqsiyaad Muwaadiniin ah oo ka dib markii ay arkeen sida wax u socdaan
go,aasaday in ay Caawiyaan isla markaana ka qayb qaataan dhiiri-gelinta ku
dhowaad 80 qofood oo qalab Qaatay sidii looga hortegi lahaa qashika iyo
fayo-dhowr xumida ka taagan degmada Dhuusamareeb oo xiligan u muuqata mid halis
ah marka la eego xaaladda taagan.
Dhinaca kale
arintan ayaa shaqooyin looga abuuray haween danyar ah oo kamid ah Qoysaska ka
soo barakacay coladaha ka soconaya caasimadda kuwaas oo an karti iyo Awood u
lahayn in ay helaan noloshooda maalinkii ka dib markii ay ka soo barakaceen
Deegaanadoodii ay nolol-maalmeedkooda ka raadsan jireen.
Haweenka loo
abuuray shaqadan oo maalinkii ay ka shaqeeyaan guridda iyo gubidda Qashinka
helaya laca dhan:2$ ayaa si wannaagsan u soo dhoweeyey qorshahan oo ay ku
Tilmaameen mid gacan kaamo siinaya qoysaska soo barakacay ee aan wax shaqo ah
ku Haysan degmada dhuusamareeb, taas oo dhibaato badani kahaysatay qoysaskan.
Sidoo kale
ololahan ayey iyana wax ka helayaan dadka iyana danyarta ah eek u noolaa Gudaha
degmada dhuusamareeb oo aan ka itaal iyo awood roonayan qoysaska soo Barakacay
balse ku noolaa dhuusamareeb, qoysaskan ayaa lagu daray kuwa shaqada loo Abuuray
kagadaal wadahadal dhexmaray guddiyada howshan wada oo gartay in dadkani Mudan
yihiin in la caawiyo ama shaqo loo abuuro.
Abdulkarim
Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Hay'ada wadaniga ee Ileys foundation ayaa ku guulaysatay mudo
17 sano kadib inay dib u furto dugsiga sare ee Gobolka Galgaduud.
Hay'ada wadaniga ee Ileys foundation ayaa ku guulaysatay mudo 17
sano kadib inay dib u furto dugsiga sare ee Gobolka Galgaduud, iyadoo qeyb ka
mid ah dayactirtey iminkana waxbarashadii lagu bilaabey.
Furitaanka Dugsiga sarre
ee gobolka galgaduud ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyey dhaman shacabka degan
gobolka kuwaasi oo u aadi jirrey meelo fog fog inay wax ka bartaan hadana ay u
fududaatey inay gobolokooda waxbarasho dugsi sarre ka helaan.
Sidoo kale furitaanka
dugsigaan ayaa u muuqanaya mid ay guul u tahay dadkii sida aadka ugu soo
barakacay gobolka galgaduud iyadoo ay u suurogashay inay dib u bilaabaan
waxbarashadii ay ka wateen magaalada muqdisho oo dhibaatooyin ba'ani hada ka
socanayaan.
Ardey aad u farabadan oo
ka mid ah dadkii soo barakacyy ayay arinkani farxad galisey, iyagoo helay wax
barashadii ay muqdisho ka dhiaganyeen mid lamid ah.
Iskuulkaa oo ka koobnaa
Qaybta Waxbarashada, Qaybta Jiifka ardayda, Qaybta Maamulka
ayaa hada waxaa laga dacaytirey qayb yar marka loo fiiriyo dhismaha iskuulka oo
ka koobnaa in ka badan 70 qol.
Hay'ada
wadaniga ee Ileys foundation ayaa codsanayasa in cidii dacaytiri karta qeybaha
dhiman ee isuulka ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan, iyadoo tilaabadano loo
arko horumar uu ku tilaabsadey gobolka Galgaduud.
E-mail:
info@ileys.org ama
ileysfoundation@hotmail.com
Taariikhda dugsiga
sare ee Gobolka Gal-Gaduud
Dugsiga
sare ee degmada dhuusamareeb waxaa la dhagax dhigay bishii Augusto Sanaddii
1976-dii, Akhri
warbixintii C/Kariim
Abdulkarim Mohamed Jim'ale
Mail:
muxsin55@hotmail.com
TeL: 00252 50 913093
00252 1 5507457
Galgadud,Somalia.
Faafin: SomaliTalk.com Nov | 24, 2007

