Burcadan , oo hubaysan ayaa xiliyada fiidka hore ee ay dadku xaafadaha u
hoyanayaan ama ay ka dhex danaysanayaan ayay waxay isutaagaan dariiqa , waxayna
ka qaadaan waxyaalaha ay wataan oo uu ugu horreeyo moobaylka.
Burcadda , ayaa iminka waxay bilowday in ay baartaan goobaha ganacsiga xiliga
habeenkii , waxayna dadka jooga goobahaasi ay ku hawl-gareeyaan qori , waxayna
ku amraan in ay keenaan lacag baad ah.
Sidoo kale , Burcadan ayaa bilowday in ay wadada laamiga ah ee dhexmarta
bartamaha magaalada ay dhigtaan Isbaaro ma jidgooyo , dabadeedna ay baabuurta
joojiyaan iyagoo baarta kana qaata lacagaha iyo waxyalaha kale ee ay wataan.
Ma jiro , wax Boolis ah oo ka shaqaynaya Caasumada Puntland ee Garoowe , taa
soo wallaac aad u xoogan ku abuurtay dadwaynaha caadiga ah.
Dadwaynaha , ayaa bilaabay in goor-hore xiliga maqribkii in ay aadaan
xaafadahooda , amaba ay koox-koox isuraacaan iyakoo ka cabsi-qaba in la
baarto.
Shirkada Ilaalada Xeebaha Puntland oo shaqadii laga joojiyay kadib
markii…Shirkada Ilaalada Xeebaha Puntland ee Al-xabaabi ayaa
waxaa lagu sameeyay shaqo joojin , kadib markii ay ka soo bixi-waysay
waajibaadkii loo igmaday.
Shirkada , ayaa waxaa la sheegay in ay dhammaan ka baxday heshiisyadii
lala galay ee muhiimka ahaa , ku waa soo ay ka mid yihiin:-
In qalab fiican oo ah Maraakiib waawayn oo ilaaliya xeebaha ay keento
In ay ilaaliso biyaha Puntland
In ay keento doonyo dheereeya
In ay ahaato shirkad hoos timaada maamulka Puntland gaar ahaan Wasaaradda
Kalluumaysiga iyo Dakadaha Puntland
Heshiisyadan , iyo kuwo kale oo muhiima ayay dhammaan shirkadu ay jabisay
, waxayna keentay doonyo duuga oo tiro yar oo aan dheerayn kuna
filnaan-karin ilaalinta xeebta dheer ee Puntland.
Iyadoo aan waxba shaqo ah qaban Ilaalina biyaha badda , iminka waxaa la
sheegaya in ay maraakiib badan oo jariifayaal ah ay ku jiraan badda Puntland
, ku waa soo aysan shirkaddu wax tallaabo ah ka qaadin , maadaama aysan
awood u lahayn in ay ka hortagto jariifayaasha.
Shirkada , ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay hawlwadeen ka noqdeen
dad aan ka mid ahayn maamulka iyo Wasaaradda shaqada iska leh.
Shirkii khamiislaha ahaa ee Xukuumada Puntland ee shalay lagu qabtay
madaxtooyada Puntland ee Garoowe , ayaa si wayn looga hadlay shirkada
Al-xabaabi , waxaana inta badan ay Xubnaha Wasiiradu dalbadeen in shaqada
laga joojiyo Shirkada illaa la saxayo khaladaadka ay shirkadu kugudajirto.
Sababta ugu way n ee ay shirkadu la shaqayn la dahay , ayaa waxaa la
sheegay in ay tahay madaxda ugu saraysa maamulka Puntland oo si gaara u
maamusha shirkada Al-xabaabi.
Waxaa la buriyay dhammaan shuruucdii Golaha Wakiiladdu ay u dajiyeen
shirkada ,waxaana iminka ay ku shaqaysaa firkirka ka soo baxa madaxda ugu
saraysa Puntland.
Si kastaba , waxaa muuqata in shirkada Al-xabaabi ay tahay mid meesha ka
sii baxaysa , mar haddii ay garab martay dhammaan shuruucdii dalka u
dagsanaa.