SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 
Kampala iyo Commonwealth, Pakistan oo laga saaray Ururka iyo magacyada Wadamada Barwaaqo-sooranka. 

 

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

 

Kampala, Uganda

 

Email:- farahblue_545@hotmail.com

 

Mobile: +256 (0) 774228112


Xarunta International Conference Center ee  Magaaladda Kampala ee caasimada wadankan Uganda waxaa maanta oo Jimco ah ka furamay SHirka wadamada Barwaaqa-sooranka ee Commonwealth, waxaana shirka furay oo khudbada la jecleysata ka heedisay Boqoradda INgiriiska Queen Elizabeth II.

         Shirkan oo soconaya ilaa maalinta Axadda ah ee 25-ka bisha ayaa qodobkiisii ugu horeyay wuuxu noqday in Ganaax la dul dhigo Wadanka Pakistan oo ku jira wadama 53-da ah ee uu Ururkaasi ka kooban yahay, kaddib markii uu Madaxweynaha wadankaas Pervez Musharraf ka dhaga adeygay digniin loo jeediyay 10-maalmood ka hor biloowgii shirkan oo aheyd inuu wadanka ka qaado Xukunka Ded-dega ah ee Emergency Role ka, isla markaana uu ka dego hoggaanka Ciidanka, sidaas oo kale uu wada hadal la galo mucaaradkiisa, wadankana uu ku soo dabbaallo Democracy, waana markii 2-aad ee Pakistan laga ganaaxo, iyadoo sanadkii 1990-kii sidaas oo kale uu wadanku galay xaalad aan deganeyn, lagana saaray dhaq-dhaqaa Ururka, iyadoo Pakistan aysan wafdi u soo dirsan wadanka Uganda si ay shirka uga qeyb galaaan.

        Xohayaha guud ee shirka CHOGM Don McKinnon ayaa ku dhawaaqay “Guud ahaan Xubnaha ku bahoobay Ururkan Commonwealth, waxay go’aan ku gaareen in wadanka Pakistan laga saaro ururka, dhaq-dhaqaasa, shirarkiisa iyo ciyaarihiisa intaba, waayo wuxuu ku guuldareystay Madaxweyne Musharraf in wadanka uu xasilooni ku soo dabbaalo, kursigeedana wuu bannaanaan doonaa ilaa inta waajibaadka iyo sharciga ay u hoggaansamayaan”

        Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska  Gordon Brown oo isna shirka ka soo qeyb galay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii Pakistan ay ugu soo laaban laheyd xubin-nimadeed, marka ugu horeysa ee tillaabo wanaag ah uu qaado Madaxweyne Musharaff, farriin xoog lehna uu u gudbin doono.

        Boqoradda Ingiriiska ayaa khudbadeeda uga hadashay laba arrimood, kuwaas oo kala ahaa doorka dhalinyaradda iyo Xaquuqda Adanaha “dhalintu waa awood gabi ahaanba muuqata, waxay sameyn karaan is bedel xoog leh, waxaana haboon in haddii ay ahaan laheyd wadamada CHOGM iyo adduunka intiisa kaleba ay ka taxadaraan bulshada soo koreysa, ma jiro qaab kale oo lagu guuleysan karo, mana jirto bulsho kaligeed meel is gaarsiisay” ayay tiri Hooyadda Commonwealth, iyadoo sii daba dhigtay “waa in aaan wada ilaalinaa sharciga xaquuqada aadanaha, sidaas oo kale waa in aan tixgalinaa aas-aaska Xaquuqda Bini’aadamka”.

        Madaxweynaha martida loo yahay ee Yoweri K. Museveni ayaa xunbaha shirka ka soo qeyb galay ugu baaqay in ay dhinaca dhaqaalaha iyo nolosha iska hormariyaan, isla markaan deegaanka laga taxadaro. “Wadan kasta oo naga mid ah waa inuu samee is bedel Nololeed oo lagu hormarinayo faqiirka uu dal kastaahi leeyahay, sidaas oo kale,  waa in la sameeyaa qorshe wadan kasta oo naga mid ah uu isku hor marinayo, tusaale ahaan ma guuleysan kartid haddi aadan environment ka taxadarin oo ay dadkaaga heyso sabab ku xambaareysa in ay weerar  ku qaadaan geedaha si ay wax ugu karsadaan dhirta, waayo sababtu waxya tahay ma heli karaan koronto ku filay, sidaas darteeda dhinacyadaas oo dhan waa in il gaar ah lagu eegaa” ayuu u sheegay ka soo qeyb galayaashii shirka madaxweyne Museveni,.

         Boqoradda INgiriiska oo shalay ka hadleysay Baarlamaanka Uganda ayaa  dowladda Uganda ku dhiira galisay in ay wadaan dadaalkooda ku aadan arrimaha xal u helidda dagaaladda ka Somalia iyo xaaladda Bini’aadanimo ee ka sii dareysa, waxayna sheegtay in mahad ballaaran ay u jeedineyso Madaxweyne Museveni  iyo dowladiisa dadaalkiisa ku aadan geeska Africa, sdoo kale Boqoraddu waxay shalay socod ku tagtay Xarunta AIDS-ka ee lagula tacaalo dadka qaba Cudurkaaas, halkaas oo ay kula kulanta dhowr dad xanuunkaas la il daran oo ay ku jiraan carrur iyo dad waaweyn intaba.

        Magaaladda Kampala ee shirku ka socda waa degan tahay, waxaa laga dareemayaa culeyska shirka iyo martida, meel kasta waxaa la ruxmanay Calanka Uganda iyo kan INgiriiska, ammaanku waa heer sare ciidamada Military Police, Special Police iyo kuwa intelligence security  ayaa magaalada gaaf wareegaya, sidaas oo kale diyaaraha ciidanka cirka ayaa iyaguna saacado kaddib magaaladda soo dul maraya, si loo xaqiijiyo guud ahaan cir iyo dhul ammaanka Martida, waxaana jirtay in galabta ay Policku kala eryeen koox qas-wadeyaal ah oo bannaan ka qorsheynayay caasimadda.

        MAGACYADDA WADAMADA COMMONWEALTH.

53dan dal waxay u badan yihiin dalal Jaziirado yar yar ah, dhammaantoodana waxaa gumeystay Ingirtiiska, waxayna xubno ka yihiin ururka Barwaaqa-sooranka oo mideeya, waxaana magacyadooda kala yihiin”-

Antigua and Barbuda,  Australia, Bahamas,  Bangladesh,  Barbados,  Belize,  Botswana,  Brunei,  Cameroon,  Canada,  Cyprus,  Dominica,  Fiji,  Gambia,  Ghana,  Grenada,  Guyana,  India,  Jamaica,  Kenya,  Kiribati,  Lesotho,  Malawi, Malaysia,  Maldives,  Malta,  Mauritius,  Mozambique,  Namibia, Nauru²,  New Zealand, Nigeria³,  Pakistan4,   Papua New Guinea,  Saint Kitts and Nevis,  Saint Lucia, Saint Vincent and the Grenadines,  Samoa, Seychelles,  Sierra Leone,  Singapore, Solomon Islands, South Africa5,   Sri Lanka,  Swaziland,  Tanzania,  Tonga,  Trinidad and Tobago, Tuvalu,  Uganda,  United Kingdom,  Vanuatu, Zambia iyo wadanka Zimbabwe oo ganaas uga maqan xubin nimadeeda ururka. 

 

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Kampala, Uganda

Email:- farahblue_545@hotmail.com 

Mobile: +256 (0) 774228112

 

Faafin: SomaliTalk.com Nov 24, 2007  

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com