Daabaco Boggan | Print

Xubno ka
tirsan Xiriirka
Soomaaliyeed ee
K/cagta oo ka
qaybgalay
Siminaarkii
Futsalka iyo
Beach Soccer-ka
ee dalka
Marooko.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo
gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Wararkii: Sabti; July 28, 2007
Dowladda Itoobiya oo qorsheneysa in ay dhex
dhexaadiso labada Gole ee Dowladda Federaalka
Waxaa maalmahan khilaaf soo kala
dhex galay Baarlamaanka iyo xukuumadda uu hogaamiyo Cali Max’ed Geedi, waxa
uuna khilaafkaani uu sii xoogeystay markii mooshin ka dhan ah dowladda oo la
xiriira la xisaabtanka dowladda ay soo bandhigeen qaar ka mid ah
xildhibaanada Baarlamaanka. Xildhibaanada Baarlamaanka qaar ayaa waxay
sheegeen in Xukuumadda Federaalka ay ku shaqeyneyso si sharci daro ah mudo
shan bilood ah, sidoo kale waxay sheegeen in Xukuumadda looga baahan yahay
in ay soo hor fariisato Baarlamaanka, isla markaana ka hadasho wixii u
qabsoomay mudadii ay jirtay. Inkastoo xildhibaanada qaarkood ay ku kala
fikrad duwan yihiin la xisaabtanka Xukuumadda ayaa haddana xildhibaano kale
waxay qabaan in Dowladdu ay wax badan qabatay, iyagoo sheegay in xubnaha soo
jeediyey in Dowladda lala xisaabtamo ay kuwo doonaya in ay helaan xoogaa
lacag ah. Ra’isul Wasaare Cali Max’ed GEedi ayaa waxa uu shalay u ambabaxay
dalka Itoobiya, waxayna wararka qaar sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu uu
Dowladda Itoobiya ka doonayo sidii loo dhex dhexaadin la haa khilaafka u
dhexeeya Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka, waxaana la filayaa sida ay
wararku sheegayaan in Wasiirka arrimaha Dibadda ee Itoobiya uu si dhaqsi leh
ku soo gaaro Magaalada Baydhabo. Warar kale oo aynu ayaa waxay sheegayaan in
Guddoomiyaha Baarlamaanka uu isna tagi doono Magaalada Adis-Ababa maalmaha
soo socda si uu kulamo ula yeesho Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.
Dhinaca
kale maalintii doraad ahayd ayaa waxaa Magaa lada Baydhabo gaaray gawaari
siday lacago la sheegay in loogu talagalay Xidhibaanada Baarlamaanka, ilaa
iyo haddana lama garanayo halka ay ka timid lacagahaasi, balse wararka qaar
ayaa waxay tibaaxayaan in lacagahaani yihiin kuwo loogu talagalay in lagu
kala furdaamiyo Xildhibaanada. Maanta ayaa la filayaa in Baarlamaanku uu mar
kale halkiisii ka sii wato doodii la xiriirtay la xisaabtanka Golaha
xukuumadda, iyadoo Xildhibaanada qaarkood ay doonayaan in deg deg looga
taqaluso Dowladda uu hogaamiyo Cali Max’ed Geedi.
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi oo la sheegay
in Adis-Abab u tagay sidii uu Meles Zenawi uga hadli lahaa mooshinka qaar ka
mid ah Baarlamaanku soo gudbiyeen
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi ayaa shalay
booqasho lama filaan ay ugu ambabaxay magaalada Adis-Ababa ee dalka
Itoobiya, waxaana horey u sii raacay qaar ka mid ah wasiiradiisa.
Ilaa iyo hadda lama faahfaahin sababa rasmiga ah
ee uu ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ugu ambabaxay dalka Itoobiya, hase
yeeshee warar ayaa waxay tilmaamayaan in Ra’isul Wasaaraha uu doonayo in
Dowladda Itoobiya ay dhameyso khilaafka u dhexeeya Baarlamaanka iyo
Xukuumadda, kaddib markii xildhibaano dhowr ah ay soo jeediyeen la
xisaabtanka Dowladda Federaalka. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geedi uu doonayo in uu Adis-Ababa kulan kula yeesho
wasiir ka tirsan Midowga Yurub oo u dhashay wadanka Faransiiska, kadib
markii ay Midowga Yurub horey u sheegeen in madaxdoodu ay tagi Karin
Magaalada Muqdisho arrimo la xiriira ammaanka.
Ra’isul Wasaaraha ayaa marka uu soo dhameysto
booqashadaasi waxaa lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Baydhabo halkaas oo
uu ka jeedin doono khudbad uu doonayo in uu Baarlamaanka ugu faahfaahiyo
waxqabadkii Dowladda mudadii ay jirtay.
Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga oo isku
haya gacan ku haynta Suuqa Bakaaraha
Waxaa sii xoogeysanaya khilaaf xoogan oo u
dhexeeya Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska ee ka hawlgala qaar ka mid
ah Isgoysyada Magaalada Muqdisyo gaar ahaan Suuqa Bakaaraha iyo Isgoyska
Hawl-wadaag.
Dhawaan ayaa waxa uu heshiis dhex maray guddiga
Amniga qaranka iyo ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxaana lagu heshiiyey in
ciidanka Booliiska loo saaro ammaanka Suuqa iyio hareerihiisa, ciidanka
Milatariga ahna laga saaro dhamaan suuqa iyio waliba Magaalada Muqdisho.
Iyadoo arrintaasi ay socoto ayaa waxaa haddana
soo ifbaxayay khilaaf xoogan oo u dhexeeya ciidanka Booliiska iyo kuwa
Milatariga, waxayna arrintaani sii xoogeysatay markii ciidamo Milatari ah ay
damceen in ay gudaha u galaan suuqa Bakaaraha, taasna waxaa ka diiday
ciidanka Booliiska. Markii ciidankaas Milatariga dib looga saaray suuqa ayaa
waxay soo wateen taliyaashooda oo qaarkood sheegay in ciidamada Milatariga
yihiin kuwo loogu talagalay in ay sugaan suuqa Bakaaraha iyo Isgoysyada.
Shalay oo dhan ayaa waxay labada ciidan ku kala
jireen aagag, ilaa iyo haddana saraakiisha sare ee ciidamada Booliiska iyo
Milatariga xal kama gaarin arrintaasi.
Ciidamo Milatari ah oo ku hubeysan qoryo ayaa
waxay qaad xoog kaga qaateen haween ku ganacsanayey isgoyada Black Sea,
waxaana markii dambe dib uga soo celiyey ciidanka Booliiska.
C/llaahi Yuusuf oo gaaray Magaalada Garoowe
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu
hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Maamul Gobaleedka Puntland,
waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland
Cadde Muuse Xirsi iyo dadweyne aad u fara badan. Booqashada C/llaalhi Yuusuf
ee Garoowe ayaa ku soo beegmay xili uu qalalaaso la xiriira sicir barar uu
ka oogan yahay deegaanada maamul gobaleedka Puntland, waxayna dadweynaha
maamu gobaleedkaasi ku eedeeyeen maamulka Puntland in ay u damqan waayeen
shacabka isla markaana ay maalin waliba daabici jirtay lacago been abuur ah
oo keenay sicir barar baahsan, iyadoo Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse uu
qirtay in ay jiraan makiinado lagu farsameeyo lacagahaasi.
Dadweynaha ku nool Maamul gobaleedka Puntland
ayaa iyagu dhigay banaanbaxyo ay kaga bacayaan lacaga faalsada ah ee la
sameeyey, dhanka kalana cadde Muuse ayaa ku eedeeyey arrimaha Garoowe ka soo
cuboonaaday ururka Islaamiga ah ee Al-islaax iyo Maxaakiimtii Islaamiga ah
kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay qas ka sameeyeen maamulka
Puntland, hase yeeshee dadweynaha Puntland ayaa waxay isweydiinayaan halka
ay maraan daqliga ka yimaada dekedda weyn ee Boosaaso iyo canshuuraaha laga
qaado dadweynaha.
Haweenay Yuhuudiyad ah oo islaamtay, Falastiina
ugu baaqday in ay Kutubka dhab u qaataan
Haweenay magaceeda lagu sheegay Moran isla
markaana jirta 31-jir ah oo yahuudiyad ah ayaa qaadatay Diinta Islaamka,
wayna haweeneydaasi markii ay islaantay magceedii k bedeshay Magac ay ka
qaadatay Qur’aanka Kariimka oo ah Aayah.
Aayah ayaa iyada oo u warameysa taleefishinka
Al-jaziira waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay qaadato Diinta
Islaamka, waxayna Aayah daboolka ka qaaday in ay in badan ku taami jirtay in
ay islaanto, waxay sidoo kale sheegtay Aayah in ay cadaadis badan uga yimid
Dhaka waalidkeed, balse aysan dheg jalaq u siin, iyadoo sheegtay in ay
intaas oo dhan ka door bideyso Eebbe, isla markaana waxay sheegtay Aayah in
aysan markeedii hore jecleysan Diinta Yahuuda aysanna ka qaybgalin jiran
meelaha Yahuudu wax ku caabudaan, waxay kaloo Aayah sheegtay in ay dukan
jirtay shanta salaadoo intii aysan islaami ka hore, iyadoo sheegtay in ay
uga dayan jirtay dad islaam ah oo deris lahayd.
Aayah ayaa sheegtay in uu jaceylka Islaamka iyo
iimaanku ku sii kordhay markii ay guursatay wiil carab, isla markaana ay
dhex gashay qoyska wiilkaasi, waxyana ugu dambeyn sheegtay in ay aad uga
naxsan tahay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay kooxaha Falastiin,
iyagoo ugu baaqday in ay kutubka Alle qaataan oo ay midoobaan, isla markaana
ay meel uga soo wada jeestaan Israa’iil, oo ay tilmaameen in ay dooneyso in
ay ka faa’iideysato khilaafkaa cusub ee Falastiin ka dhex aloosmay.
Dadweynaha Muqdisho oo ka walwalsan dadka lala
baxayo xiliyadan dambe
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho
ka jiray dhacdooyin aad u fool xun oo ay ku kacayeen ciidamada Dowladda iyo
kuwa Itoobiya, kadib markii Guryo, Iskuulo iyo Goobo Caafimaad lagala baxay
dhallinyaro. Dadweynaha ayaa arintaani walwal ka muujiyey, waxayna sheegeen
in ay sii murjineyso xaaladda cakiran ee ka tagaan Magaalada Muqdish.
“falalka noocaan oo kale ah waxay dhici jireen,
xiligii dowladdii Max’ed Siyaad, hase yeeshee, dowladdaasi waa la ogaa qofka
ay qabtaan halka uu ku dambeyn jiray, bale tan ilaa iyo hadda waxaa la la’
yahay dhallinyaro fara badan oo qaarkood loo qaaday dalka Itoobiya” ayay
tiri Haweenay ka cabaneysay wiil yar oo ay dhashay oo ciidamada Itoobiya
kala baxeen gurigooda.
Maalintii arbacada ahayd ayaa ciidamo ka tirsan
Dowladda waxay galeen iskuul ku yaala Xaafadda Lambar Afar, halkaas oo ay ka
wateen 20 arday iyo macalimiintoodii, sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa
waxay iyana galeen guryo ku yaala xaafadda warshadda caanaha oo ay kala
baxeen dhowr dhallinyaro ah, waxaa kaloo Isbitaalka Banaadir lagala baxay
bukaanku jira iyo waliba qaar ka mid shaqaalihii ka shaqeynayey
isbitaalkaasi, waayna dadku sheegaayaan in arrintaani soo dedejineyso
kacdoon kale oo ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2007
Doodii
Moshinka Baarlamaanka DFKMG ee ka Dhanka
ahayd xukuumada Prof. Geedi oo weji kale
isu rogtay
(waa
Qaybtii labaad ee doodda) - July 27
AABAHA
ISBOORTIGA
SOMAALIYEED
IYO
XOGHAYAHA
GUUD EE
OLYBIKADA
SOMAALIYEED
OO SOO
GAARAY
CIYAARAHA
EUROSOM

Daawo: Video-Bannaanbaxii Garoowe
Banaanbixii shalay ka dhacay Garoowe ee looga Cabanayay sicir bararka ay keentay lacagaha Faalsadaa ee ku soo Qulqulaya Puntland
DAAWO...
Duqa
Magaalada Helsinki oo xaflad soo dhaweyn
ah u sameeyey kasoo qayb galayaasha
ciyaaraha Eurosom
Ciidamada Itoobiya oo fal aad u fool xun
ka gaystay deegaanka warshaddii hore ee
Caanaha
.Hay’adda Manhal oo deeq raashin
gaarsiisay Afgooye..
.Gudiga iskuXirka Haweenka oo lagu
doortey Baydhabo
.Qaraxyo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay
Muqdisho
.Badbaado “Nin Nambar Afar iyo Kaaraan
aan dhex dhexaad..
.Dowladda Talyaaniga oo Baydhabo ka soo
dejisay deeq ay..
.Banaanbax lagu taageerayey shirka dib u
heshiisiinta oo...
Wararkii July 25, 2007 ka akhri
halkan...


|