SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada  

Deeq lacageed, shidaal iyo joodariyaal ayaa la gaarsiiyey Isbitaalada Keydsaney iyo Madiina, waxaana deeqdaani soo dhiibay jaaliyadda SOomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, gaar ahan Magaalada Washington, waxaana isku soo dubariday ururada kala ah Somali Community Washington Dc, Somali AMerican Peace COuncil, (SAPC), Somalis for Peace and Justice (SPJ), Somali diaspora Network (SDN) iyo Somali Relief Fun (SRF), waxaana loo marsiiyey Hay'adda Manhal Alkheyriya, waxaana deeqdaan loogu talagalay dadlka soomaaliyeed ay dhibaatadu ka soo gaartay dagaalada ee ku jira Isbitaalada iyo dadka soo barakacay.

Bukaanka ku jira Isbitaalka Madiin oo ay tiradoodu gaareyso 87 bukaan ayaa midkiiba la guddoonsiiyey 7000 oo shilin SOomaali ah oo u dhiganta $40 Doolar, sidoo kale Isbitaalka Keydsanay waxaa deeqdaan mid la mid ah la gudoonsiiyey dad ay tiradoodu gaareysay ilaa iyo 70 qofood.

Nuur AXmed WArsame oo ka mid ah saraakiisha Hay'adda Manhal ayaa waxa uu sheegay in deeqdaani ay ugu talagaleen dadka SOomaaliyeed ee dhibaateysan kuna barakacay dagaalada ay waxyeelado ka soo gaartay, isagoo sheegay in dad gaaraya ilaa iyo 1200 oo qoys oo ku nool deegaanka carbis ka la gaarsiiyey rasahin isugu jira Bariis, Bur iyo Saliid.

Agaasimayaasha Isbitaalada Madiina iyo Keysanay, Xasan Cusmaan Muuse (Buurane) iyo Cali Bile ayaa u mahadceliyey Jaaliyadda SOomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada WAshington, iyagoo sheegay in ay deeqdaani ahayd ugu balaarneed ee Isbitaaladan la soo gaarsiiyo.

   Dhinaca kale Waxaa maalintii Doraad ahayd deeq raashin la gaarsiyey dadka soo barakacay ee ku jira xerada Carbiska ee Deegaanka Afgooye, waxaana deeqdasi isku soo uruuriyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Washington, waxaana qaybinteeda loo xilsaaray Hay’adda Manhal Al-Kheyriya.

Ilaa iyo 650 qoys ayaa qoyskiiba waxaa la siiyey 25 kiilo oo Bariis ah, 25 kiilo oo ah Bur ah iyo 6-Liitar oo Saliid ah, waxaana raashinkaas si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha deegaanka oo sheegay in ay tahay deeqdii ugu balaarneed, iyagoo u mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Washington.

Deeqdaan ayaa waxaa ammaankeeda sugayey ciidanka nabadgelyada Degmada Afgooye, waxa uuna sheegay Agaasimaha Hay’adda Manhal Cumar Sheekh Axmed in deeqdaani ay ugu talagaleen in la siiyo dadkaasi dhibaateysan ee ay soo barakaciyeen dagaalada, waxaa kaloo uu sheegay in maanta Isbitaalada Madiina iyo Keydsaney ay gaarsiin doonaan lacago deeqo ah oo ka timid jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Washington.

Hooyo ka mid ah dadkii la siiyey raashinka oo u warameysay saxaafadda ayaa waxay tiri, ‘waxaan u mahadcelinayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, waxaana ka rajeyneynaa in deeqo noocaan oo kale ah mar kale na soo gaarsiiyaan.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha ayaa waayadan dambe waxaa looga bartay in ay deeqo kala duwan soo gaarsiiyaan ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu haysato, waxayna arrintaani laba jibaarantay sanadahan dambe, waayo waagii hore dadka Soomaaliyeed, waxay mucaawinooyin ka sugi jireen hay’ado samafal iyo Dowlado.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com