SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QISO LAYAAB LEH

Dahabo Isse
DahaboDowlo@aol.com


KHATARTA INTERNETKA

DIGNIIN KATIMID INTERNETKA OO KUSOCOTA AABAYAASHA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED IYO GUUD AHAAN SOOMAALIDA

 Waa Qisadii Iila Yaabka Badneyd ee Nolosheyda i soo Marta

 Waa Qiso dhab ah oo igu dhacday saddexdii Todobaad ee la soo dhaaftay (True Story).  


Dahabo Isse
DahaboDowlo@aol.com

Akhristow Qormadani waa ay ka duwan tahay qormooyinkii la iiga bartay ee dhanka siyaasadda iyo Somalida. Tani waa Qiso la yaab leh, anigey I khuseysaa, khaasna ii tahaye, wallee dumarka qaarkiis qoor gooyadaan oo kale qabribay u geli lahayaan, anigase quwad eebbe i siiyaan weli la qoslahayaa. Ceynba Ceyn Aduunyoy Cajab iyo Layaab lehe, ma anigey Caawana igu Caarisay. 

Sow Ragga qaar ma quustaan, qisaas dumar ma daayaan, Qeyrkood ma aadaan, ma anigeyba i quusiyeen oo hadda qool ila beegsadeen, tani waa qoomomo iyo ceeb ee alahayow runtu qaraara. 

Qisadani waxey na dhex martay Aniga iyo wiil dhalin yaro ah oo 28 sano jir ah sida uu ii sheegay ee ku nool dalka Norway. Qisadu waxey si rasmi ah u bilaabatay bisha June 17keedii, waxeyna soo af jarantay 6 bishan July ee sandankan 2004. Waa muddo 3  usbuuc u dhow. 

Qisadu waxey u dhacday sida tan. 

Qaybta 1: Aniga, Dumaashidey iyo Sheekadii Dubai 

Waxaa jirta gabar aan xidid nahay ee ah reer Hargeysa, oo London gees ka deggan laakiin aynan weligeen is arkin, mar aan telephone ku wada hadalay ayada iyo hooyadeeba mooyee, kadibna email ay igu soo xariirisay waqtiyo aan badneyd, laakiin Sanad iyo badh ka hor ah, maadama ay jawaab celintaydu yarayd mashquul aan ahay awgeed, halkaasna uu ku yaraaday xiriirkeenii, balse ay tahay qof wanaagsan oo qiimo badan. 

Waxaa dhacday anaga oon mudo dheer war kala helin, ayaa waqti dhow magacii aan ku aqaanay emailka gabadhaas oo wax yar laga bedelay dhowr jeer dhambaal "MSN-ka" la iiga soo diray aniga oo mashquul ah. Mar walbana waa la i bariidayaa, waxaana la ii sheega iney joogto Dubai, dalka Emaraadka Carabta, laakiin anigoo jawaabta la daahay ayaa markii mudo yar ka dib aan is iraahdaa gabadha salaanta ka qaad, mise qofku khadkaba waa ka baxaa. Arrintaas waxey igu socoto mudo aan ku qiyaasayo nusi sanad wax ka badan. Waxaan is iri walaahi gabadhaas waad ku ceebowday, waayo intaas wey ku xiriirneysaa, markastana adiga oon jawaabsiin ayey iska tagtaa, marka danbe waa inaan hore uga jawaabaa. Waxaase ilaahey ii keenay yaab aan isweydiiyo waxa gabadhani ka sameyneysaa dubai intaas waqti dheer, aaway ilmaheedii, aaway hooyadeed ayaa kaligey is weydiiyaa. Yaab ayaa ilaahey ii keenaa, arrintiina waan xiiseyey inaan ogaado sida wax u jiraan, maadaama aan gabadha ku aqaanay qof marwo ah oo qoyskeeda iyo hooyadeed dhaqaaleysa, xagga diintana ku fiican. 

Si kastaba aan isu weynee, Bishan Juune bartamaheedii ayaan msnka mar kale isu helay waana magaca emailkii dumaashidey, degdeg ayaan u bariiday, aniga oo is leh bal ceebtii hore iska meyr, xaaladana u kuur gal. Markaan is bariidinay ka dib ayaan wey diiyey ka dib wax dubai intaas dhigay, anigoo u daba dhigay “walaal meesha ma nin baad ku heysataa, mise arrimo ganacsi ayaad halkaas ka heshay”, waxaana hore u maqlay naago ayaa yurub iyo mareykanka ka taga oo Emaratka Carabta u nin raadsada. Durbadiiba waxaa la iigu jawaabay haa nin aan aad isu jecelahay ayaan halkaan is la joognaa oo sida uu ii qanciyey aan weligay wixii rag I soo maray aanan weligey asaga oo kale arkin, waxaa durbadiiba la ii galay amaan ninka xagiisa ah. Waxaa hadalada sheekada ka dhex muuqday ineysan is qabin, waayo qofka hadalkiisa waa is burburinyey, waxayna oraneysay waan is arooseynaa iyo Ninkega. Waxaan ku iri maxaad ninkeyga u leedahay ismaba qabtiinee, waxey tiri “alla walaal jeceylkiisa ayaa iga batay oo waa anigaas noqon waayey”. Waxa ay ii sheegtay iney ku jirto nolol fiican oo aan weligeed soo marin, waana mid aysan rabin iney ku soo noqoto London. Waxaan kala tagnay ayada oo dhaheysa waan degdeg sanahay hadda ayuu ninkii shaqo ka imanayaa, waa sacadii la ii soo geli lahaa. 

Waxaa ilaahey ii keenay yaab, gabadha waxaan ku ogaa iney wadaad tahay, waxaa ii cuntami weyday, iney nin aan qabin la nooshahy dubai oo ay reerkeedii uga soo tagtay tumasho, waxaanse maqli jiray, dubai waa loo tumasho tagaa, waxaan is iri malaha gabadhu waa is bedeshay. 

Maalintii kale ayey hadana ii soo gashay msnka. Waxa ay ii sheegtay inuu ninku qabo laakiin aan la ogeyn, anna aanan cidna u sheegin. Markaan waxaa la igu bilaabay in la ogaado aniga xaaladey. Waxaa ay i weydiisay ragga aan xiriirka la leeyahy, waxa meesha I dhigay oon nolosha aduunka uga haray, waxaana u sheegtay inaan waqtigan wada xiriiro nin dubai jooga laakiin uu u eg yahay nin raadinaya qof uu ku soo galo yurub ama mareykanka, sidaasna aanan u aaminsaneyn laakiin aan jeclaan laha xaaladiisa dhabta ah. Sheeko badan ka dib ayaan ku iri aan ku siiyo telephonekiisa ee bal xaalkiisa iiga soo waran. Waxa ay igu tiri, ninkaan haddii aadan aminsayneyn maxaad waqtiga isaga dhumineysa, miyaad jeceshay, waxaan ku iri maya, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado xaalkiisa runta ah, maadama aan ku jaahwareeray. Waxey tiri tala fiican anigaa kuu haya, ninkaas ka tala bax, waxaa jira wiilka aan is jecelnahay saaxiibkiis oo Barawaani ah oo ninkeyga ay isku facyihiin ayaan ku barayaa, waa wiil fiican oo halkan dubai ka shaqeysta aan qarash iyo passport raadis aheyn, waxaan weydiiyey da’diisa, waxeyna ku jawaabtay waa 28 jir. Waxaan ku iri alla abaayo wiilasha iga yar ma haweysto kuwa igu faca ah ama iga weyn ayaan ka jeclahay. Waxey tiri ilaa da’dee, waxaan ugu jawaabay ilaa 45 jir aan xaas laheyn. Waxey tiri, “alla maya abaayo sidaas ha dhihin, nimanka waaweyn ma fiicna, dhabar baa i xanuunaya iyo jilib baa la iga hayaa ayey kugu dilayaan”. Hadda midkaan isla joogno waa 28 jir, kaalay is ka arag sida uu ii qanciyo, abaayo macaan waxaan aheyn ima yiraahdo, hadal aan ka xumaado ama dhegaheyga aan u rooneyn ima yiraahdo. Waxaan weydiiyey inuu xaas kale leeyahay, waxeyna ku jawaabtay haa wuu leeyahay xaas iyo ilmo buu leeyahay Holland u joogta, laakiin aniga ayuu iga jecel yahay oo intaas maalin iyo habeen ila joogaa. Waxey sii raacisay Abaayo wiilasha yar waxaan aheyn xiriir ha la sameysan, walaahi ku doorsan meysid kuwa waaweyn. Sheeko dheer ka dib maalintaas waxaan ku adkeystay iney war iiga keento bal midkii aan hore isu naqaanay oo ay wacdo, waxaana ku tabacay telephonekiisii. 

Maalintii ku xigtay, waxey ii soo gashay, ayada oo leh, abaayo ka tala bax, ninkaas mar haddii adan jecleyn, oo aadan aminsaneyn, aniga ayaa waxaan kuu hayaa wiil fiican oo runtii aan kuu soo xulay. Waxaan weydiiyey inay marka horta wacday lambarkii telephoneka een siiyey, waxey tiri haa lama qabaneyn. Laakiin abbaayo ninkaan aan kuu soo xulay, ninkeyga ayay is ku reer yihiin, waa nin fiican. Waxaan ku iri abaayo waan ku xishmeeynayaa ee ha barin wiil iga yar. Waxay iigu jawaabtay wax dhib ah kama imanayaan, waa nin passport heysta, oo yurub ku nool, oo aan dal ku gal kaa rabin, waa nin wanaagsan, iska dhaaf ninkan qaarad kale jooga, kuma soo gaari karo, ee midkaas aan soo xulay bal asaga la xiriir; wuxuuna yiri walaahi haddaan is fahmno waan guursanayaa, da’na wax ay qiimo ku fadhido ma jirto, waxaan u muujiye calaacal badan oonan jecleyn da’ da iga yar inaan la sheeko gaar ah la yeelan iyo inuu burbur ka iman karo, mana jecli inaan qof dumaashidey I bartay xumeeyo, waxey tiri abaayo anigaa kaa balan qaaday inaan dhib ka imaanin, waa nin degan ee wiilka ha iga xumeynin, haddana laba maalmood wuxuu ku laabanayaa dalka Norway ee ha iga Xumeyn wiilka waa nin wanaagsane.  Haddana asaga ayaan uga baxayaa computerka ee si fiican ula sheekeyso. Walaahi kan hadaad hesho aad baad u nasiib badan tahay. Calaacal badan kadib oon muujiyey iimo badan ayay warkii iigu soo gabagebeysay, waxaas adinku ka wada hadla. Hadana computer asaga ayaan uga kacayaa ee la soco. 

...Wixii aan ku sheekaysano yaan qof kale ogaan.....

Waa laga baxay emailkii magaca gabadhu ku qornaa, waxaana wiilkii iga codsaday inaan u ogolaado inaan emaikiisa ku darsado liiska MSNkeyga, waana ka aqbalay, markuu isku key sheegay ka dib, ayuu haaswe iyo hadal macaan ila galay, asaga oo sheekada ku daraya ineysan fiicneyn wixii aan ku sheekeysano inuu qof kale ogaado, anna kama waalin ee waa lawaday, goor 8deedii fiidnimo tahay ayuu yiri abaayo waan sii baxayaa, halkaas ayey sheekadii oo meel fiican mareysa aan ku kala tagnay, welise waxaan la yaabanahay gabadhii dumaashiday aheyd iyo sida xaal ka noqday. 

Maalintii labaad ayaa haddana wiilkii ii soo fadhiistay, waxaan ka wada sheekeysanay wixii qof walba soo maray si daacad u muuqata. Hadana goor abaarihii 8deedii ama sagaalkii fiidnimo ayuu igu yeri waan ka baxayaa guriga oo magaalada ayaan u dhaadhacayaa, maadama aan rabo inaan berito baxo oo Dubai aan ka tegayo, waxaan ku labaanaya Norway, markii aan tago ayaan kula soo xariiri. Anna Waan ka Aqbalay. Waxaase iga yaabisay sagaalka (9-ka) fiidnimo marka ay annaga noo tahay oon dubai seddex saac naga sii horeyso, magaalada furin oo uu aadayo. Labadan qof sheekadooda aad baan uga shakisanahay waxaana is weydiiyey "tolow maxay maagan yihiin" [“what they are after”]. Waxaan ku fekerey iney wax maagan yihiin, laakiin waan fahmi waayey waxa ay daba joogaan, anna ma rabin inaan waqti isaga dhumiyo oon ku fekero. 

Maalintii seddexaad ayaa hadan la igala soo xariiray emailkii gabadha magaceedu ku qornaa, ayada oo war la iga raadinayo, bal inaan wiilka ka helay oon daacad u ahay iyo inkale. Waxeyna I weydiisay sida aan aniga iyo wiilkii isku afgaranay, anna waxaan u sheegay in wax walba wanaag ku socdaan, ee haddii arrinti si fiican ku dhamaato in ilaahey ajar ka siin doono, ayaduna waxey igu tiri waan isku leenahay. Dhowr kelimo oo xasaasi ah ka dib, sidii caada u aheyd waxa ay ii sheegtay inay deg deg santahay ee ay tahay waqtigii ninkii shaqo uga imaan lahaa, ayna ka baxeyso. 

Maalintii afaraad ayaa haddana qadkii gabadha magaceedu ku yaalay la igala soo xariiray, waxaana sheekada lagu bilaabay wiilkii ma kula soo xariiray, anna waxaan iri maya labadaan berri wax war ah kama helin. Waxey tiri malaha safarkii iyo daalkii ayaa ka batay ee walaahi aad buu kuu amaanayey wuxuu yiri, markaan tagaba hore ayaan kala soo xiriirayaa oo Telephonekeyga ayaan u soo diri doonaa. Cabaar markii aan sheekadii sii wadnay oo ay ii muujisay sida ay ugu kalsoon tahay wiilkaas iyo in jaceylkaasi mira dhali doono, ayey I tiri markuu baxayey wuxuu iga codsaday inaad sawirkaaga u dirto ee walaalay u dir, waxaa ku iri maba aqaan ee sideen walaal ugu diraa sawirkeyga wiil iga yar oo anan garanaynin. Waxey ku jawaabtay, annaa aqaana, kaana balan qaaday wax dhib ahi inuusan kaaga iman, ee walaal wuxuu yiri markii aan guriga gaaro waxa ugu horeeya een rabo inaan arko waa dahabo sawirkeeda, waa inaan ka helaa emailkeyha. Waxaan iri waa hagaag, laakiin sidaas ma sameeyo, haddiise ay adiga xagaaga (arintu ka timid); maadaama aan aad kuu xushmeeyo darted ayaan u yeelayaa. Waan ka yeelay, waana isku afgaranay inaan wiilkaas si fiican ula sheekeysto oon wanaajin doono, sawirkana degdeg ugu dirayo. 

Qaybta 2: Aniga, wiilkii la i baray iyo sheekadii Norway 

Maalintii 5aad ayuu ila soo xariiray wiilkii, waxaana ku iri laba maalmood war kaama helin, wuxuuna iska dhigay nin soo daalay oo safar soo maray, halkii ayuu sheekadii afgobaadsiga iiga bilaabay, iyo sidaa uu haddiiba ii jeclaaday, wuxuu ii sheegay inuu sawirkeygii helay, uuna ku farxay, wax aan hadalka sii wadnaba oo sheekadu meel wanaagsan u martaba, waxaan u muuqanay dad iska helay, jacelna dhex marayo. Markii ay 8deediii fiidnimo la gaaray ayuu ii sheegay in wiilaal meel aad uga fog uga yimaadeen, uuna ka baxayo khadka, waana is macasaalaameynay, wuxuuna ii sheegay inuu khadka soo gali karo maalin kasta 12 ka duhurnimo ilaa 8deeda fiidnimo.  

Maaliintii lixaad iyo maalintii todobaad ayaan hadalkii halkii ka sii wadnay, waxey sheekadii isugu soo biya shubatay inuu rabo inaan is guursano, waxaan u sheegay inuu aad iiga yaryahay, wuxuu ii sheegay si la mid ah sida ay igula hadlaan wiilal asaga kaba sii da’da yar oo ayaguna iga soo hajuuma MSNka, wixii ay igula hadli jireen oo kale, ineysan da’du dhib laheyn, uuna balan qaadayo inaan cidna na soo kala dhexgelin Karin, waxaa laga wada hadlay sida rasuulku (CSW) uu u guursaday Khadiijo oo ka weyn, iwm. Waxaan isweydaarsanay dhambaalo jeceyl ah iyo ubaxyo kala duwan oo uu wiilku igu bilaabay anna aan uga jawaabay. Wiilku markuu khadka soo galo waxa uu ka hadlaa siduu u jecel yahay dumarka iyo wixii la mid ah, anna marmar ayaan la jiibiyaa. 

Wuxuu hadalkii ku soo gebagebeeyey inuu rabo inuu ii dhigo aroos fiican oo dadku la yaaban lagana maseyro, ayna fiican tahay in Somaliya hotelada ku yaal sida Hotel Shaamow ama Suxufi in lagu dhigo, ayna kharash yar tahay in meherka iyo arooska hal mar la is raaciyo. Sidaas darteed uu rabo inuu ku baxo ugu yaraan kharash gaaraya $10,000 oo Dollar, uuna jecel yahay inaan kala qeyb qaato oo barkeyga bixiyo, waxaan ku iri anigu ma shaqeeyo, lacagta Ceyrtana ma qaato oo ilmo yar yar ma lihi. Wuxuu ku jawaabay ma qof yurub jooga ayaa lacag waaya, ma Somaliya ayaad joogtaa, yurub ayaaba Somaliya wax looga diraa. Muran badan ka dib ayaan waa yahay iri ayada oo aysan uurka iga jirin, wuxuu ku daray sheekadii inuusan passport weyn heysan, oo uu heysto travel document uusanna imaan Karin UK viso la’aan, uuna ka cabsanayo in documentigiisa laga sawirto ama faro laga qaado. Waxaan ku iri gabadhii dumaashiday aheyd ee I kaa bartay waxa ay ii sheegtay inaad passport leedahay, wuxuuna yiri maba aysan arrkin ee sidey sidaas u tiraahdaa. Anna waxaan iri haddee wey I qiyaantay marka, haddiba ay ii sheegtay wax aysan hubin. Wuxuu yiri waan ku abaal gudayaa haddii aad ii timaadid, waxaan kawada hadli laheyn arrimaha guurkeena maadaama aanan anigu soo bixi Karin oo duruuftaas aan kuu sheegtay ay I heysato, waxaana kugu soo dhoweynayaa hotelka ugu sareeya Oslo, waxaan kaa bixinayaa kharashka tickitka. Anna waxaan u sheegay inaan u tegi Karin nin aan i qabin, oo aan ahay qof aan sidaas ka suurtoobin. Wuxuu yiri anigu qof ma xoogo diintana wax waa iga bilaaban yihiin, laakiin waxaan ku geynayaa meel bulsho ku nooshay haddii aad aniga iga cabsaneysid, waxaana u sheegay hadduusan taas joojin in wada sheekeysigeenu xirmi doono, maadaama aanan aheyn naagaha u safra nimanka. Si kastaba ha ahaatee wuxuu ogalaaday inuusan ka hadlin inaan u tago, laakiin uu jecelyahay inuu muuqaalkeyga arko mar kasta oo uusan sugi Karin inta aan iska guursaneyno. 

 

 

Wiilkaasi wuxuu ii sheegay inuu maalinta oo dhan gelinkeeda hore jiifo ilaa 2 galabnimo laga gaaro inta kale uu internetka diyaar ku yahay ilaa 8deed fiidnimo oo ay u yimaadiin wiilal saaxibadiisa ah oo ay Naxwe wada bartaan, habeenkiina ay ilaa waqti danbe internetka cashar ka qaataan, uuna jecel yahay inuu barto islaamka, jaamacadna uga soo baxo; laakiin markuu kula sheekeysanayo nin islaam ah sidiisii uma dhaqmo, ee wuxuu jecel yahay inuu ka sheekeeyo fal xumo aan afka la soo marin karin, wuxuu aad isugu taxalujiyey inuu webcamka ka arko jirkeyga oo dhan ama qaarkayga hore. Waxaan u sheegay in Internetka Police la socdo maadama ay jiraan niman ilmaha yaryar kala xiriira netka, ka dibna dhibaato u geeysta khaas ahaan gabdhaha da'da yar (teenage ka ah), wuxuu yiri taas annaga nama khuseyso, waa inaan jacelkeena daacad u noqonaa, waxaan u sheegay in haddii aan camalkaas ku kacno police na xirxirayo. Muran kadib wuu ogolaaday in kastoo uu jecalyahay inuu I arko aniga oo jiifa, iwm.  

Calaa ayi xaal wiilku wuxuu jecel yahay inuu khadka internetka soo galo labada duhurnimo, kana baxo sideeda ama sagaalka fiidnimo waqtigaas oo ah marka uu ii sheegay iney saaxiibadii ay casharka wada qaadan jireen ay ugu imanayaan gurigiisa ayna ku gaarayaan waqti danbe habeenkii ilaa 1da. 

Waxaa dhacday inaan u sheegay iney igu adagtahay inaan maalmaha shaqada soo galo internet, weekendka xitaa aan marmar mashquul ahay, weliba inaan mashquul noqon doono usbuuca soo socdo, ayna igu adag tahay inaan soo galo maalintii maadama aan u mashquulsanahay maalinimada, wuxuu ii sheegay inuusan iga maarmi Karin inuu I sugo usbuuc dhan maqal iyo muuqaal la’aa, wuxuuna iga codsaday inaan subaxa hore isla sheekeysano, uuna darteey hurdada uga soo kici doono 9ka subaxnimo, anna si fudud ayaan uga yeelay, walow aysan  aniga suurtagal iga aheyn.

Subixii aan balansaneyn ayaan u soo xaadiri waayey internetka, wiilkii markuu I waayey, wuxuu soo diray dhowr email oo ii sheegayo inuu maanta oo dhan I sugayey, anna kama jawaabi Karin, ileen maba tegin meel computer yaalo, oo howl ka culus ayaa ii taalay. Fiidkii aan isku dayey inaan ka cadurdaarto wixii dhacay, dhowr qoraal oo kooban "text messagena" waan u diray aniga oo is leh armay gabadhii dumaashidaa aheyd eed ka balan qaaday inaad wiilka u wanaajineyso aad meel uga dhacday, laakiin kama uusan soo jawaabin. Waxaan u qaatay inuu xanaaqay, maadama aanan ku jecsaneyn waxaan ka saaray liiska MSNkega. 

QISADII PALTALK

AKHRI QISADII PALTALK

Seddex  maalmood ka dib ayaa waxaa laygala soo xariiray emailkii uu ku qornaa magaca gabadha dumaashida ii ahayd oon ka baqayey xushmona aan u hayey walool aanan weli fahmin waxa ay u danleedahay, waxaana ay i weydiisey inaan uga waramo meesha xaal marayo aniga iyo wiilkii ay i bartay, waxaan u sheegay inaynan beryahan war iska helin, waxeyna i wey diisay sida wax u jiraan, waxaan u sheegay sidii wax u dhaceen inaan waqti u waayey inaan la sheekeysto, markaas ayey is xanaajisay, sideebuu kuu xumeyn karaa, waan ku qeylinayaa, waxaan ku iri bal horta asaga weydii ee arrinta ha ka hordhicine. Waxey tiri hadda ayuu leynka ku jiraa sow uma jeedid, waxaan ku iri maya oo liiska iiguma jiro waan ka saaray, waxeyna tiri waan la hadlayaa oon canaanayaa. Hadana isla markii ayey ii soo jawaabtay waxay tiri waan ku xanaaqay ee walaalo wuu oynayaa, oo calaacalkii ayaa ka dhamaaday ee iska dhaaf, Anna waan ka diiday, waxaana u sheegay inaanan dhalinta yar is sheeko aqoonin ee awalba adiga ayaan kugu ixtiraamaye iga dhaaf uma hayo waqti badan; waxey I barisaba waan ka diiday, waxeyna ii sheegtay iney sii baxeyso oo la sugayo sidii caadada u aheyd waa waqtigii ninkeedu iman jiray, ee haddii aan diiday inaan la hadlo wiilkaas ayna I qasbeynin oon dooqa leeyahay. Sidaas ayayna msnkii kaga baxday, aniga oo weydiiyey inaan beri soo geli doonto, haa haddii ay ii suuro gasho ayey ku xirtay, waana is baqtiiyey geedkii. 

Maalintii ku xigtay ayaa magacii gabadhii haddana la iigu soo galay, waxaa mar kale la I weydiiyey inaan la heshiiyey wiilkii iyo in kale, waxaana u sheegay inuu mowqifkeygu yahay kii hore. Waxey i tir alla walaalo iska dhaaf, walaahi calaacalkii iyo oohintii ayaa ka dhamatay, siduu awal dubai uga tegay xitaa maalina ima soo wicin haddan addiga jaceylkaas uu kuu qabo darteed ayuu seddex jeer I soo wacey, walaal aniga darteey ku dhaaf, walaahi wuxuu leeyahay jeceylkeygii waan isweynay. Waxaan ku iri walaal iga dhaaf, runtii waa igu adagtahay inaan la sheekeysto wiil iga yar. Waxey ku jawaabtay Alla walaal sidaas ha dhihin, alla walaal sow aniga walaashey ma tihid, walaal dartey ku yeel. Walaal iska cafi wuu calaacalayaa ee haddana qadkuu kuu fadhiyaa, wuxuu leeyahay walaashaa igala hadal, mar ha ila hadasho. Haddana waan sii baxayaa oo waa la I sugayaa ee walaal fadlan la hadal oo ha xumeyn. Anna baariyad ayaan iska ahaye waan ka yeelay. 

Markii khadkii ayaa la bedelay, Aniga iyo wiilkii waan wada hadalay, sheeko kala duwan ka dib aysana ka marneyn sheekadii muuqaalka webcamka, ayaa la gaaray 8deedii fiidnimo oo ah waqtigii ay dhallinta ay wax wada bartaan u iman jirtay waa sida uu ii sheegaye, waxaana ku kala tagnay si deg deg ah. 

Maalintii xigtay ayaa anigoo ku jira internetka, hadana wiilkii ii soo galay, sheeko ka dib iyo inuu jecel yahay inuu igu arko inaan webcamka soo galo, wuxuu iiga sheekeeyey inuu xiriir la lahaa gabar miskiin ah waqtigii uu dubai joogay, ayna si aad ah u tunteen, waxaan ku iri sow adigii igu yiri waxaan ahay nin diinta ku dheer oo 7 sanno naag ma arkin, wuxuuna sii waday hadalo aan la xusi karin oo uu gabadhaas ka sheegay. Waxaan wey diiyey, inuu la xirriray siduu u soo noqday, wuxuu yiri waxey I siisay emailkeeda laakiin lama xiriirin haddii aad beentay moodo waa kan emailkeedu ee adigu la xiriir, wuxuuna ii soo qoray magaca naciimo oo xisaabta 5ta ah la socoto oo ah hotmail, wuxuuna sheegay ineysan gabadhii I bartay la socon arrintaas oonan weydiin, haddii kale ay asaga soo weydiineyso . Waxaan hadalka sii jiidjiidnaba waxaa la gaaray waqtigii uu ii sheegay inay dhallinyaradu i iman jireen. 

MA'OGTAHAY
Ma Ogtaya in aad ogan kartid Computerka emailka  lagaaga soo diray meesha ama wadanka uu yaal; haddii laba email oo kala duwan la adeegsadey waa la garan karaa in isla hal computer laga soo diray... GUJIl...

Aniga intii aan wiilkaas iyo gabadha magaca dumaashidey ah wada sheekeysaneynay ee ah seddex todobaad mudo ku dhow, aad baan u shakisanaa. Waxaan kala garan waayey in wiilka iyo gabadhu ii heshiiyeen oo ay yihiin dad lacag raadis ah, ay isla af garteen inuu wiilku jecel iyo halaasi ii galo, oo ay u fekereen in la iga sad caleeyn karo, halkaasna ay iiga qaadi karaan kharashkii arooska ku bixi lahaa barkeyga, maadaama uu cadeystay oo uu yiri bar bixi, lana sheego in naago is aroosiyaan oo ay kharashka iska bixiyaan; iyo in wiilku gabadha xiriir la lahaan jiray oo uu ka maqlay dadka ay qaraabada yihiin, halkaasna emailkeeda gabadh kale u isticamaasho. 

Intii labada magaca la igula xiriirayey waxaan dersay inuu luqada wax la iigu soo qorayo ay isku mid tahay ama isku dhowdahay, taasna waxey I sii kordhisay shakigii aan qabay, oo ah inuu wiilkani gabadha aad uga dhowaa oo uu ku sheeko bartay. Waxaan kaloo liqi waayey gabadhaas oon ku ogaa iney tahay wadaad oo ka sheekeyneysa waxyaabo aan u cuntamin gabadha Muslimadda ah iyo iney ilmaheedi dib ugu noqon weydey oo ninka ay dubai kula kulantay dartiis ay ilmaheedu ku ilaawdo, iyo ninka ay leedahay waan la noolahay oo asaguna xaaskiisii ku noqon la mudadaas dheer. Waa Sheeko aan marnaba qaadan waayey. 

Waxaa ilaahey ii keenay amakaag, waxaan waqti u waayey shaqadeyda awgeed si aan arrinta ku baaro, waxaanse iska niyeystay war jiraaba asagaa cakaaro iman doono [WAR JIRAABA CAKAARUU IMAN]. Mudo ka dib ayaan is iri maad emailkii ugu horeeyey oon ku aqaanay gabadha dumaasheyda ah, bal hal sadar ku qor oo u dir, iney emailadu is leeyihiin iyo in kale. Waxaana ku iri "abaayo waxaad ku mahadsantahay wiilka wanaagsan eed I bartay", laakiin waxaad ii sheegtay inuu dal-ku-gal ama passport leeyahay, mana laha laakiin wuxuu leeyahay Travel document

Laba maalmood ka dib ayey ii soo jawaabtay dumashidey, waxeyna igu tiri abaayo goormaan wiil ku baray. Markaas ayey sheekadii igu dhamaatay. Waxaan weli la yaabay sida uu wiilkani ku ogaaday inaan is naqaano dumaasheyday, iyo sida uu magaceeda u isticmaalay iyo inuu naag kale adeegsadey iyo xitaa sida uu ugu fekeray inaan ayada wax ka maqlidoono. 

Waxaan u diray email iyo text message wiilkii, waxaana ku iri aboowe hadda waan ku jeclahay oo waxba kama bedeli karto jeceylkeena wax kasta oo dhacay, waxaadse ii sheegtaa gabadha I kaa bartay midda ay tahay. Wuxuu ii cadeeyey inuu asagu magacaas isticmaalo oo markii loo diro email ay asaga ku soo noqoneyso, uuna rabay inuu igu barto. Waxaan ka loo ogaaday emailkii kale ee naciima5 inuu asaguna isticmaalo haddii aan la xiriiri laha asaguna iska dhigi lahaa gabadhii kale ee uu yiri waa la tuntay, wixii uu ii sheegayna uu iigu soo celin lahaa si warku run isugu ekaado, uuna emailada kala duwan ku qaldo dumarka. Waxaana iigu cajiibka badan sida uu u yaqaano sheeko naageedka, sida uu hadalka kaaga raadinayo, sida uu u jawaabayo, asagoo naag iska dhiga habdhaqankiisaba iyo sida uu alifayo riwaayad. Waxaad moodaa kuwa filimada dhiga. 

Gebagebo

....anigu hadda ka hor ma ogeyn inay Soomaalida ku jiraan wax saas u akhlaaq xun, oo mayiikoole ah; isla markaasna dabin u qoolaya gabdhaha si ay u xabaal nololoodiyaan.

Akhristow inaan sheekadan dhabta ah soo qoro, waxaa igu kaliftay inaan Soomaalida uga digo ninkan iyo kuwa la mid ka ah, aniga oo uga cabsaday gabdhaha yar yar, aana jecleystay inaan sida wax loo qaldi karo gaar ahaan waalidiinta, khaas ahaan abayaasha iney la socdaan marka gabdhahoodu internetka ku sheekeysanayaan iyo cidda ay la haasaawayaan, anigu hadda ka hor ma ogeyn inay Soomaalida ku jiraan wax saas u akhlaaq xun, oo mayiikoole ah; isla markaasna dabin u qoolaya gabdhaha si ay u xabaal nololoodiyaan. Waxaan aad u soo xasuustay sida ninkani isugu dayey inuu safar iigeliyo Norway, haddii aan gabar yar ahay sow igama seed caleeyeen, waxaan ka loo soo xasuustay sida uu iigu adkeeyey inuu jirkeyga ka arko webcamka asaga oo leh ma seexan karo, haddii aad I jeceshay waxaan kaa codsado ii yeel anna waan kuu yeelayaa, waxaa kaloo la yaab ah sida uu u isticmaalo emailo magac gabdheed ah oo uu marka hore dumarka ku dabo, marka danbana uu isaga dhigayo ninkii la baray gabadha asaga oo marka hore aad isugu amaana marka uu isticmaalaya emailka magac gabdheedka. Waxaa weli la yaab ah nikaas marna naagta iska dhigayey inuu weli isla sax sanyahay oo uu leeleeyahay waxaan been kaaga sheegay magaca gabadha aan isticmaalay ee aan isla xirrirno, ina cafi ha ila mid noqone. Taas jawaabteeda khristayaasha ayaan u deynayaa!! 

Hore ayaan qormooyin ugu sheegay in qurbaha laga bartay dhaqamo kala duwan, loona isticmaali doona dhexdeena, ayna ka iman doonto dhaqan guur lala yaabo [cultural shock]. 

TALOOYIN!

COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA ... AKHRI HALKAN

Marka waalidiintu waa iney taxadar xoog leh siiyaan ilmahooda, oo laga yaabo isticmaalka internetka (MSNka iyo PALTALK) iney khatardeeda wadato oo ay ku dhicin karaan dabinka dadka lagu sheego inta ay dabin gabdhaha u qoolaan kaddib kufsadaan hadana xabaal nololoodiya.

 Sheekadu waa dheer tahay oo Buug ayaa laga qori karaan, laakiin soo gaabiyey si aysan akhristayaasha qormooyinkeyga jecel aysan u dareemin niyad u heyna la’aan (boring).

Wa Bilaahi towfiiq 

Dahabo Isse
DahaboDowlo@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan.

Afeef: Waxaa qoraalka dib u turxaan bixiyey bahda SomaliTalk

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

LIFAAQ: Codsigii ay Dahabo u dirtay Wesbiteyada: "Asaxaabta websiteyada waxaan ka codsanyaa ineysan ku soo daabicin maswiradeydii hore ee meelo ka banaaneyeen sida Ragga diinta ay iiga codsadeen inaan sawiradaas soo bandhigin anna aan ka balan qaaday." 

Talobixin Kooban
. Taariikhdii Imaamul Bukhaari
. Taariikh-dii Imaamul Muslim
Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi
. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]
. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda
. Passward : Qofna ha'usheegin, weligaa iyo abidkaa.
. Username & Email: oo qura isticmaal marka aad kujirtit qolka kaftanka (chat)
. Cinwaankaaga: Weligaa qof ha'ugusheegin Internet-ka dhexdiisa.
. Email aadan garanayn: meesha iyo qofka soodiray hadii aad hishid , tirtir adiga oo aan furin. Waxaa lagayaabaa in uu kulifaaqanyahay cudurka Kambiyuutarka burburiya.
. Qoraalka aad kuqortid Internet-ka, xusuusnow in aysan ammaan ahay ama xafidnayn oo ay dadka udhexeeyaan.
. Taxadar markasta oo aad Internetka dhex-mushaaxeysid.
. Ballan meel cidla'ah weligaa hakula dhigan qof aad ku kulanteen Internetka.
. Hubsiinyo hal baa lasiistaa ee ogsoonow. Hana Ilaawin tala saarka Rabi.
. Tababar carruurtaada si ay u ahaadaan kuwo ka badbaada khataraha Internetka.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD