SOMALITALK.COM

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
TALO - BIXIN

Carruurtaada iyo Khatarta Intarnet-ka

Ma'Usheegtay Carruurtaada Waxa lagudboon Marka ay Dhex-Mushaaxayaan Internetka

Talobixin Kooban
. Passward : Qofna ha'usheegin, weligaa iyo abidkaa.
. Username & Email: oo qura isticmaal marka aad kujirtit qolka kaftanka (chat)
. Cinwaankaaga: Weligaa qof ha'ugusheegin Internet-ka dhexdiisa.
. Email aadan garanayn: meesha iyo qofka soodiray hadii aad hishid , tirtir adiga oo aan furin. Waxaa lagayaabaa in uu kulifaaqanyahay cudurka Kambiyuutarka burburiya.
. Qoraalka aad kuqortid Internet-ka, xusuusnow in aysan ammaan ahay ama xafidnayn oo ay dadka udhexeeyaan.
. Taxadar markasta oo aad Internetka dhex-mushaaxeysid.
. Ballan meel cidla'ah weligaa hakula dhigan qof aad ku kulanteen Internetka.
. Hubsiinyo hal baa lasiistaa ee ogsoonow. Hana Ilaawin tala saarka Rabi.
. Tababar carruurtaada si ay u ahaadaan kuwo ka badbaada khataraha Internetka.
. Click here for more about safety

. Ma Ogatahay meesha aybooqanayaa.
. Ma lasocotaa cidda internetka aykala hadlayaan.
. MaOgyihiin In aysan siin qofna wax lagugarankaro.

Haddaba Sheekadani maskaxdaada ayey kawareeridoontaa ee akhri una gudbi carruurtaada. Shannon waxay maqleysey sanqarta kabaha qofka kadambeeya mar ay u socotey gurigooda. Taasi waxay wadneheeda ku abuurtay garaac.

"Doqon ayaad tahay", nafteeda ayey u sheegtay, "Wax kudabsocdaa majiraan".

Socodka ayey boobsiisey si ay khatar oo dhanba uga fogaato, laakiin sanqartii kadambeysey aad ayey ugusoodhowaaneysaa marba marka ka dambaysa. Waxay baqdin weyn ka qabtey in ay gadaal fiiriso, waxayse kufarxsanayd dhowaanta gurigooda. Shannon iyadoo ducaysaneysa ayey tiri, " Ilaahow guriga nabad igu gaarsii.". Waxay aragtay nalka irrida hore ee guriga oo aad u dhalaalaya, orod ayey cagaha waxkadayday ilaa gudaha guriga. Markii ay gudaha gashay albaabka ayey iskutiirisay si ay unasato waayo markaan waxay dareemeysaa nabad guriga gudihiisa. Kadib Daaqadda ayey fiirisay, mase cidiba bannaanka majoogto. Buugaagtii ay wadatey ayey kursiga fadhiga kuxoortay, kaddibna intey inyar oo macmacaan ah afka kudhifatay ayay horay Intarnetka kafariisatay si ay udhexmushaaxdo.

Waxay internetka kugashay magaca ByAngle213. Saaxiibadeedii internetka ayey fiirisay bal in ay meesha kujiraan, waxay aragaty in Goto123 uu kujiro internetka. Waxay markiiba u dirtay dhambaal degdeg ah:

ByAlgel213: Iska warran, waxaan ku faraxsanahay in aad internetka kujirtid. Waxaan u malaynayey in qof idabasocdo markii aan guriga usoosocdey. Waxay ahayd arrin laga argagaxo ama baqdin badan. Goto123: Xad-dhaaf ayaad u daawatay TV-ga. Maxaa qof kuu soo dabagelaay? Miyaadan kunoolayan xaafad nabad ah.

ByAlgel213: Dabcan haa. Waxaan filayaa waxay ahay mala-awaalkayga sababtoo ah qofna ma'arkin markii aan fiiriyey daaqada.

Goto123: Haddii aadan qofna magacaaga siin internetka adigoo kujira. Taas miyaad samaysay?

ByAlgel213: Xaqiiqadii maya. Ma ahi doqon, sow ma-ogid.

Goto123: Kubad masoo cayaarateen Iskoolka kaddib?

ByAlgel213: Haa, waana guulaysaney.

Goto123: Taasi waa arin wanaagsan. Yaa la cayaarteen?

ByAlgel213: Waxaan la cayaaray "Hornets". Dharkoodu (direyskoodu) waa wasakh miiran. Waxay u egyihiin sida shinnida.

Goto123: Maxaa kooxdiina lagu magcaabaa?

ByAlgel213: Waxaan nahay "Canton Cats". Waxaan dharka kooxdanada kusawiran cidiyaha shabeelka. Aad iyo aad ayey u heer sarreeyaan (dharkayagu).

Goto123: Makubaddad ma geesaha kasoo tuurtaa?

ByAlgel213: Maya, waxaan ka cayaaraa dhexda. Waxaan rabaa in aan tago ee nabadey. Waayo casharkayga shaqada guriga waa in aan dhamaystiraa inta aan waalidkay iman guriga, marabo in aan ka caraysiiyo waalidkay. Nabadey!

Goto123: Dibdambe ayaan isumaqlidoonaa. Nabadey. Haddase.....

Goto123 wuxuu bilaabay in uu dib u baaro hadaladii Shaannon isaga oo ka baaraya shaashadda Kambiyuutarka qaybta dadka xubnaha ka ah (qolka sheekada). Wuxuu daabacday dhamman hadaladii Shannon. Wuxuu sooqaatay qalin wuxuuna bilaabay in uu qoro intii uu kayaqaanay Sharoon; Sida dhalashadeeda oo ah Jan 3, 1985 da'deeduna tahay 13 jir. Gobolka ay kunooshahay oo ah "North Carolina ". Waxyaabaha ay xiisayso oo ay kamidyihiin kubadda, heesida (koox), barafka lagudulcaro iyo in ay jeceshahay in ay aado suuq weynaha looyaqaan "Mall".

Intaas kasokow waxa uu yaqaanay in ay kunooshahay "Canton" waayo iyada ayaa usheegtay. Waxa kale oo uu ogaa in ay guriga keligeed joogto galabkasta 6:30pm ilaa ay waalidkeed kayimaadaan shaqada. Wuxuu ogaa oo kale in ay kooxdeedu cayaaraan kubbad maalin kasta oo Khamiis ah, kooxdaas oo layiraahdo "Canton Cats" . lambarka ay jeceshahay 7 oo dharkeeda kudhegan. Wuxuu ogaa in ay tahay fasalaka toddobaad ee dugsiga lagumagcaabo "Canton Junior High School.". Dhammaan akhbaartaas iyada ayaa siisay markii ay internetka kuwada hadlayeen. Hadda wuxuu hayaa war kufilan oo uu ku raadin akro.

Shannon waalidkeed uma sheegin arrintii ay galabta lasoo kulantay markii ay soosocotey. Ma aysan rabin in waalidkeed sawirto khatar oo markaas laga yaabo in ay udiidaan in ay soocayaarto kubadda mardambe. Waalidkeed waxay ahaayeen kuwo aad utaxadar badan oo xasaasi ah. Waxay aad ujeclaysatay in aysan malaha ahaan lahayn ilmaha qura. Malaha waalidkeed sidaas ugama taxadari lahayn haddii ay lahaan lahayd walaalo.

Markii lagaaray Khamiistii, Shannon waa iska illowday arrintii sanqarta iyo kabihii gadaasheega kasoo jaqaf-jaqaflahaa. Kubadii ayaa bilaabatay, markii ay cayaartii isku bubadhacday ayey waxay aragtay qof ku dhaygagsan oo aad u fiirinaya. Markaas ayaa maskaxdeeda waxaa kusoodhacay arrintii hore. Waxay fiirisay ninkii iyada oo kubadda dhexda kacayaareysey mase si aad ah ayuu u firinayaa. Waxay iskutiirisay deyrka goobta cayaarta, markii ay fiirisayna wuu u dhoolacaddeeyey. Uma muuqan qof cabsi kujirto (ninka), markiiba degdeg ayey isu illowsiisey cabsida ay dareentay.

Markii cayaartii dhammaatay, waxa uu ninkii kufariisatay kuraasta garoonka mid kamida, ayadiina waxay lahadleysey tababareheedii. Waxay dareentay in ninkii uu markale u ilka caddaynayo. Dhinaca ayay ka dhaaftay iyada oo aan lahadlin, markaas ayuu madaxa u ruxay, iyadiina markaas ayey u ilka caddaysay. Mageceeda ayuu ka arkay dhabarka shaatiga ay gashanayd. Wuuna ogaaday in uu helay gabdhii oo ay tahay Shannon.

Si aamusnaan ah ayuu u dabagalay isaga oo aan u dhowaanayn. Guriga Shannon aad ayuu ugudhowaa goobta kubadda. Markii uu arkay gurigeeda, dib ayuu ugusoolaabtay gaarigisii oo u yaaley agagaarka jardiinada. Hadda halkaas ayuu waqti ku kusugayaa.

Waxa uu go'aansaday in uu cunto yar soo cuno inta uusan soo aadin guriga Shannon. Wuxuu tegey makhaayad halkaas oo uu cabbaar fadhiyey si uu waqtiga isugu beego. Shannon waxay goordambe iyada oo kujirta qolkeeda maqashay cod ka imanaya qolka fadhiga .

Shannon kaalay halkan, waa aabeheed oo aad u xanaaqsan. Shannon garanayn waxa uu aabheheed ugu caraysanaa. Markii ay qolkii aabeheed uguyeerayey tagyay, waaba ninkii ay ku'aragtay goobta cayaarta oo fadhiya kursigii fadhiga. Aabeheed ayaa markaas kuyiri fariiso Shannon, ninkani wuxuu noosheegay sheeko aad u cajaa'ib badan oo adiga kugusaabsane. Shannon waxay si taxadar kujiro ugu fariisatay kursi udhow kii uu ninku ku fadhiyey. Sidee waalidkay wax iigaga sheegikaraa weligayba ma'arkine? Maanta kahor!

"Ma igaraneysaa?" ninkii ayaa weydiiyey Shannon. Maya ayey Shannon kujwaabtey. Waxaan ahay askari ayuu yiri, waxaana ahay saaxiibkaagii internetka ee GoTo123.

Waad igu cayaareysaa ayey Shannon oo amankaagsani kujawaabtey. Taasi sinaba cagliga uma gelikarto. GoTo waa ilma yar oo 14 jir ah oo kunool Michigan!

Ninkii oo dhoolacadaynayaa wuxuu kuyiri Shannon " Waan ogahay in aan anigu taas kusheegay, laakiin ma'aha xaqiiqo". Ma aragtaa Shannon waxaa jira dad iskadhiga in ay yihiin carruur, waxaana ahaa mid kuwaas kamida, laakiin halka ay kuwakale rabaan in ay carruurta dhaawacaan ama halis geligaan, anigu waxaan kamid hay koox waalid ah kuwaas oo u guntadey in ay carruurta kadifaacaan cadowgooda (iyo halista kaga imankarta Intenetka.)

Waxaan halkan u imid in aan kula kulmo oo kutusaaleeyo sida ay khatarta u tahay in aan warbadan oo lagugu garankaro aad siisid dadka aad ku kulantaan internetka. Waxaad iisheegtay akhbaar aad u badan oo iifududaysay in aan kuhelo. Magacaaga, iskoolka aad dhigatid, magaca kooxdaada kubada, qaybta aad kacayaartid. Lambarkaaguna waxa uukadhigay in aan kuhelo wax aad usahlan.

Shannon oo weli yaaban ayaa tiri "Mawaxaad ileedahay kuma nooli Michigan?"

Isaga oo qoslaya ayuu kujawaabey; "Maya, waxaan kunoolahay Raleigh." Waxaan sidaas u abuuray in aad dareetid nabad oo aadan colba meesha u soodhigan, adiga oo u malaynaya in aan kunoolahay meel kaafog.

Madaxa ayey ruxday.

Saaxiibkay gadhisii waxay ahayd adiga oo kale. Laakiin nasiib iyadu mayeelan. Nin ayaa helay (sida aan kuuhelay oo kale) wuxuuna diley mar ay keligeed guriga joogtay. Carruurta waxaa labaray in aysan qofna u sheegin in ay guriga keligood joogaan, laakiin taas waxa aysameeyaan marka ay Internetka kujiraan. Dadka khiyaamada wata waxa ay akhbaartaada helaan iyaga oo su'aalaha hadba dhinac kaaga keenaya, waaba adiga oo aan ogeyn goorta ay heleen akhbaartaad oo dhan. Waxaadan ogaaneysaa arrintaas goor-gale-kahadaafey ama aan aadan waxba kaqabkaray. Waxaan rajeynayaa in aad cashar wanaagsan arrintaan kuqaadatay oo aadan dibdambe arrintaan oo kale u samayndoonin ama ugu dhaqaaqi doonin.

Masamayndoono ayey Shannon hadalkii aad ugu xoojisey.

"Ma Usheegeysaa carruurta kale arrintaan si ay u ahaadaan nabad iyo badbaado qab.?"

"Waa ballan" ballan weeye ayey shannon kujawaabtey.

Habeenkaas Shannon iyo aabeheed iyo hooyadeed waxay baryeen Ilaah iyaga oo Ilaah ugamahad naqaya badbaadada uu badbaadiyey Shannon, taas oo ay qarka u saaraan lahayd arrin aad u khatar ah oo masiibo ah.


Halkaas ayaa sheekadii naxdinta qarka u istaagtey ku dhammaatay. Waxaana waajib ku ah isla mar ahaantaana la gudboon waalidiinta in ay caruurrtooda baraan khatarta uu yeelankaro Internetku. Waxaa bulshadu nabad iyo xasilooni dareemeyaan marka carrurtoodu nabadqabaan.

Waxaa waajib ku ah waalidka in ay ogaadaan meelaha ay booqdaan marka ay Internetka dhex-mushaaxayaan, iyo cidda ay lahadlayaan ama lakaftamayaan.

Waxaan kuboorineynaa carrurta in marka ay maqlaan sheekadan ay usiisheegaan saaxiibadooda kale si ay iyaguna ugu baraarugaan khatarta ka dhallan karta Internetka.

English Version - read here

Sheekadan oo afka Injiriiska ah waxaan kasoo tarjumney bogga http://londonmosque.com/


Guji halkan si aad u akhridid waxyaaba kusaabsan qoyska iyo internetka.

Talo iyo Tusaale qormadan kusoo hagaaji: http://www.somalitalk.com/feedback/


AKHRI: Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com