SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 4, 2006

 SOOMAALI WADA JIRTA

iyo

Socdaalkayga Nolosha!  (3) 

1aad | 2aad |  3aad |

Markaan kasoo degey Atlanta Georgia, waxaan u imid booqasho jaaliyadda Soomaaliyeed, Waxaan ka jeediyey dhawr Muxaadaro, Kadibna waxaa ii yimid odayaashii iyo shabaabkii ducaadda ahaa ee magaalada joogey, iyagoo erga ah, wexeyna igu yiraahdeen: 

((Ilaahay ayaa meeshan ku keenay. Waxaanu qabanay dhul masjid laga dhigo, waxaanuna qabnaa lacag deyn ah oo sanad lagu rabo oo gaareysa: US$ 250,000, bil walbana waxaa nalaka rabaa US$ 18,333. Marka sheekhow hawshaan nagala wareeg, Saacadaas laga bilaabana Masjidkaas adaa IMAM u ah, ama daa ama ka tag!)). 

Halkaas waxaa ka bilawday halgan Rabbi subxaanahu watacaalaa nala garab galay, oo hawla ballaaran lagaga qabtay Bulshada Soomaaliyeed ee Maraykan iyo North Amerika guud ahaan.  

Inkastoo aan dacwada Islaamka ku dhex jirey ilaa iyo maalintaan garaadsaday, muddo 30 sano ka badan, wax badan oo macaan iyo qaraarba leh aan u soo joogey, Haddana inta aan ka bartay Bulshada Soomaaliyeed, iyo sideey wax tar u noqon karto, wax u wada qabsan karto,  khayrka ugu deg degto haddii ay kalsooni hesho, maalintaa wixii ka dambeeyey, weligay horay ugama baran.  

Waxaanu bilawgii August 1999, bilawnay aniga iyo dhalinyaradii magaaladu, inaanu gacantayada ku xaaqno, gurigii, inaanu farsamayaqaanna u yeeranno, wixii shaqa ahna anagu qabanno. Mar walba waxaan ku qanacsanaa inaanu hawsha gacantayada ku qabano intii aanu qaban karno. Waxaanu guriga ka xaaqnay sanamyadii ay hinduusku ka tageen. Waxaanu u diyaarinay inuu noqdo MASJID Ilaahay lagu caabudo. Markii aanu gogolney, habaynay, dumarka iyo raggaba qaybaha ay ku tukadaan diyaar garaynay, waxaanu u furnay dadweynaha, oo si fiican ugu farxay, waxa meesha kasoo baxay. Si muuqatana u arkay wixii lacag laga qaaday meesha ay gashay.. 

DICAAYADO

Waxaan marna la weynayn dad si qaloocan wax u arka, meela qaldan wax iska tusaan, ama khayrka kasoo hor jeesta. Waa sunno Ilaahay kawnka ku abuuray. Waxaa magaalada ka dhex kacay, rag, qaar kood, odayaal yihiin, oo markii masjidka sheekadiisu socotey, suuqa geliyey dicaayad ah: (Lacagaha laydin ka ururshey Masjid laguma iibinayo, ee waxaa loo dirayaa Kooxo Soomaaliya jooga!! Masjidka beelo gaara ayaa wata!! Iwm) 

Weligayba waxaan aaminsanaa, dicaayadda waxa ugu weyn oo lagaga hor tagaa iney tahay shaqadoo lasii laban laabo, dicaayadoon dheg loo dhigin, ama hawlaha loo hakin, dabadeedna, in baadilku cidii wadata oo keliya wiiqayo, adigana aanu waxba ku yeelayn, beentuna gaabiso. Sidaas darted waxaan dhalinyarada iyo hawl wadeenada ku boorin jirey markasta inaan dicaayadaha la raac raacin, shaqana loo joojin, iyadaa iska baa bi’i doonta. 

Markii Masjidkii istaagey, ee aanu dadweynaha u furnay, waxaa durba dabaylaha raacday dicaayaddii raggaasi wadeen, balse wexeyba noqdeen laftoodu kuwa safka hore masjidka ku tukada!! Ilaahay fadligiisna wexey noqotay iney ka cudur daartaan mar dambe wixii ay ku kici jireen.

Dersi: Waxaan leeyahay, dadka doonaya ineey ummadooda Islaamka, ama bulshadooda wax u qabtaan, iney ku tala galaan, in lagu furayo: Dagaal, dicaayad, dibin daabyo, iyo jilaafooyin badan oo loo dhigo!! Waa iney ku tala galaan: Iney jiraan, dad khayrka ka horyimaada, la dirira. Iney jiraan kuwa kale oo himmad hooseeya, oo wixii far loo qaadaba yiraahda: Waa adagtahay!! Suurtagal maaha!! Iwm.  Waa iney ku tala galaan, iney waxaasoo dhan jiiraan, oo aaney shaqadooda iyo ujeedadooda wanaagsan aaney u joojin. Waa iney diyaarsadaan, Himmad saraysa, Shaqo joogta ah, iridi haddeey ka xiranto, iney dhinaca kale uga wareegaan, wexey arki doonaan toban iridood oo cusub oo u furanta. Taasi waa mid waaya aragnimo lagu arkay. Qofkii aan u jeedadiisa ka daalin, maalin wuu gaarayaa. Kii caajisa, ee dadka oo dhan ka suga iney u sacab tumaan, weligiis meeshiisa ayuu fadhinayaa.. 

FURITAAN!!

Waxaanu Masjidka xafladdii furitaanka u qabanay Sept 5, 1999. Waxaa hafladdaas oo si fiican loo soo agaasimey dadweyne fara badanina kasoo qayb galay, lagu qabtay, Masjidka dhexdiisa. Waxaa kasoo Qayb galay oo aanu ku casuuney, Dhammaan IMMAMYADA iyo masuuliinta Maraakista iyo Masaajidda ATLANTA. Wuxuu Masjid Assunnah Noqday Masjidkii 28aad ee Atlanta Georgia laga furo Ilaahay mahadiis!! 

Waxaan aad u xasuustaa nin Maraykanka madow ah, oo Masjid kasocdey, oo OOHIN is hayn kari waayey markii aanu hadalka kusoo dhoweyney. Wuxuu yiri: 

Walaalayaal: Waxaan xasuustaa Magaaladaan Atlanta oo aannaan ka heli Karin meel aanu jimcaha ku tukanno!! Oo Jaamacadda aanu (Hall) ka kiraysanno waqtiga salaadda jumcaha 2 saacadood, dabadeedna kala yaacno. Anigu waxaan ahay, qoyskayaga facii u horreeyey ee muslima, caruurtayda iyo anigu waxaanu ku nahay shisheeye. Idinku Qarniyaal ayaad Muslim ahaydeen, aabayaasheen iyo awoowayaashiin fac ka fac waa Islaam, ILAAHAY ugu mahadiya oo diinta u shaqeeya!! 

Hadalkiisu wuxuu ahaa mid laabta taabanaya.

Maalintaas laga bilaabo (Masjid Assunnah & Da’wa Center)si rasmi ah ayuu u furmay. 

BOOQASHOOYIN

Waxaan bilaabay inaan Qorshe u degsado sidii aan lacagta deynta ah ee Masjidka lagu leeyahay, oo ah, bil walba in $ 18,333 la baxsho, aan u heli lahayn,  haddii kale wuxuu milkiiluhu xaq u yeelan karaa inuu guriga gacanta mar kale ku dhigo.!! 

Waxaanu go’aansannay inaanu dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee maraykanka deggan aanu soo marno, mashruucana u bandhigno, dhaqaalahana ka ururino. Laakiin, dadka qaar ayaa cabsi ka muujiyey, sida dadka wax looga heli karo, mar waa qaxooti, mar kale waa dad dagaallo sokeeye soo maray, mar shaki ayaa geli kara waxa lacagta looga ururinayo, dadka qaar wexey cabsi ka muujiyeen awoodda ay heli karaan dadka soomaaliyeed. 

BOOQASHADAYDI 1aad!! (Virginia!)

Ururinta lacagtu wexey u baahantahay:

1)            Mabda’ saxiixa oo xaqqa oo wax loo ururshu

2)            Afhayeen Kalsooni lagu qabo oo lacagta urursha

3)            Qorshe habaysan oo loo dejiyo goobta wax laga ururinayo sida: Madasha, waqtiga, fadhiga rag iyo dumar, caddaynta mashruuca, film ama sawir ama qoraal, gaarsiinta dadka, iwm.

4)            Xisaabta iyo ku warcelinta dadka wax bixiya

5)            Kaaliyayaal fir fircoon oo tababaran (rag iyo dumar) oo ururinta iyo xisaabta qaabila.

6)            Af hayeenka oo dadka ku qancin kara mashruuca taageeradiisa. 

Hase yeeshee, anigu, waqtigaas waaya aragnimo uma lahayn, qaabka, dadka wax looga urursho, xoogaa yar oon meelaha ka bawsadey mooyaane, sidaas darted waan ku fashilmay, Socdaalkii u horreeyey ee aan u galay aniga iyo kooxdii ila socotey, dhinaca Gobolka Virginia, Soomaalida joogta, oo u badan, dadkii maraykan soo galay sideetameeyadii iyo ka hor, oo arday ama shaqaale, waa hore dalka u yimi.  

Socdaalkaas oo 3 maalmood aan ku joogey Virginia, ama aagga caasimadda oo loo yaqaan (Washington Metropolitan Area) waa: Qayb Virginia ah, Caasimadda Washington D.C. iyo qayb ka mida Maryland, waxaanu ka soo noqonay lacag aan gaarin US$ 3,500..!!

Sababtu maaha, in dadku wax bixin waayeen, ama ayan rabin iney wax bixiyaan, ama awood ayan u lahayn, laakiin, sababtu wexey ahayd: Annaga oo aan qorshayaalka iyo xirfadaha loo baahanyahay ee aan kor kusoo sheegay khibrad u lahayn, dabadeedna natiijadii intaas yar ayey noqotay..

Waxaa u daliila: Sanad kadib inaan Virginia ku soo rogaal celiyey anoo xirfadda bartay, qorshana u dejiyey, US$ 37,000 ayaan ka qaaday!! 

Dersi:

Dad kasta oo meel deggani awood dhaqaale ayey leeyihiin. Hayaraato ama ha weynaato. Tuula kasta iyo magaala kasta oo aad is leedahay wax ma haysato waxaa Ilaahay u kala qaybshey kuwa wax haysta iyo kuwa fara maran. Cilladu marka maaha, wax la’aan, sida dadka qaarkiis is moodsiiyaan, Cilladdu waxa weeye, farsamadii, kuwa wax haysta looga qaadi lahaa, si kuwa aan haysan loo gaarsiiyo.

Waa inaan Taas baranno haddaan Soomaali nahay, dabadeedna qola kasta oo meel deggan, bulsho, arday, tuulo, magaalo, waa iney bartaan, xirfadda, ay ku adeegsan lahaayeen xoogga Ilaahay iyaga geliyey, inta aaney meel kale u hanqal taagin. Han qaltaagaas oo tirtiraya wax kasta oo awooda ama farsama ah oo ay ku dhaqaaqi lahaayeen, waayo cid kale ayey ka sugayaan!!! 

AKHRI QAYBTA XIGTA >>> GUJI....

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD