SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


SHUKRAN MALAYSIA – 10

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Maarso 30, 2006

Isha sawirka: Google images

 SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


Shukran dhamaantiin!!

Waxaan aad ugu mahadinayaa dhammaan walaalaha iisoo qoray waraaqaha internetka, iyo sida tooska ahba, oo sheegay iney u bogeen qormadii silsiladda gaaban ee aan ka qoray Malaysia. Waxaanan leeyahay Jazakumullaahu khayran. Waxaan halkan ku soo gudbinayaa qayb ka mida dareenkii walaalaha akhristay maqaalada:

Mid walaalaha ka mida wuxuu yiri:
((Salaamu caleykum. Salaantaas qiimaha leh kaddib, waxaan kugu mahadinayaa qormadaadii taxanaha ahayd ee aad kaga hadashay horumarka cajiibka ah ee ay ku tallaabsatay Malaysia muddo aad u gaabban. Waxaa shucuurteyda kiciyey dardaarankii iyo taladii aad siisay ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba oo ahaa inaan si wadajir ah ugu soo jeesanno sidaan dalkeenna ku horumarin lahayn. Waxaan si taxane ah ula socday qormadaada. Goor dhoweyd markaan dhammeeyey qaybtii sagaalaad ayaan ilmeeyey anigoon u gudbin qaybta tobnaad. Iga rumeyso, qaybta tobnaad waxaan ku dhammeeyey si qiiro leh. Waxaan Alle ka baryayaa inuu Somalia ka dhigo sida Malaysia oo kale, aamiin,)).

Walaalkaas oo suxufi soomaaliya ah, waxaan leeyahay, waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu ina tuso, facyaasha dambe ee manta dhalanaya iney soomaaliya ka duwan tan manta jirta ku noolaadaan.

Walaal kale wuxuu soo qoray:
((waxaan isdhahay war yaa soomaalida oo dhan u aqriyo qoraalkaan runtii aadka & adka uhabesan)).
Walaal kale wuxuu soo qoray:

((Waxaan akhriyey dhowrkii maqaal oo ka qortay safarkaagii Malaysia, runtiina waxa uu ahaa mid aa usoo jiidasho badan sifiicana aad usoo bandhigtay, waxaa soo jeedin lahaa haddii aay kusuurta galayso in aan maqaaladaas kasamaysid buug taasnina waxay keenaysaa in dad badani kafaa iidaysan doonaan mustaqbalka danbe haddii ilaahay idmo,))

Walaal kale wuxuu yiri:

((waxaan aadulayaabay markaan aqriyay maqaaladada intii uu waqtigu ii saamaxay waxaanaruntii la muraaradilaacay waxaad kahadleeyso iyo halka aan maanta joogno waxaan rabaa inaan ku xasuusiyo inaan ahay wiil dhalinyaro ah oo muqdishu kunool waxaan ahay 28 jir aan wax arxam ah iyo naxariis toonaarkin tan ale oo ween mooyee taasoo runtii iiga filan inaan midkale raadiyo waxaan hada joogaa mogdishu waxaana ku dhibtoodaa waxbarashada oo inta badan waan kuseexdaa inaan bisha soo socoto helaayo iyo in kale .waxkastoo ay tahay waxaan rabaainaad sii wado qormooyinkaan oo runtii nagu dhiiri galinaayo inaan waxbarano oo aqli fiican yeelano lanatartano asaageen))

Walaal kale wuxuu yiri:
((Sh. muxamed Ilaahey hakaa abaal mariyo dadaalka badan ee aad wadid ee ku wajahan mujtamacan baahida u qaba hogaan fayaw oo haga. waxaad kale oo aad ku mahadsantahay sida thaqaafadu ka muuqato ee aad u soo diyaarisay maqaaladaada aadna uga horseeday culimada in ay jiraan qaabab fara badan oo umada loola khidaabi karo ))
Waxaan dhammaan walaalaha u rajaynayaa inuu Ilaahay janna ugu abaal gudo, inuu ka dhigo kuwa diintooda, dadkooda iyo dalkooda anfaca.
Waxaan Rajaynayaa inaan ajiibo arrinka ah inaan kitaab yar kusoo saarno qormada inshallaahu tacaalaa, isagoo aan wax ku daray, oo tifaf tiray ayaanan madbacadda u diray, waxaan rajaynayaa inuu soomaali badan, inta caqliga leh, gaaro, inshallaah.

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD