SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

CALOOL XUMO - 1 
Axad Maarso 19, 2006

Khariidada Degmadii Xamar weyne iyo Shingani ee Muqdisho |
Isha Sawirka: www.swan.ac.uk


MUQDISHO SANNADKII 1905  | Isha sawirka: www.swan.ac.uk

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3

Mahad OO dhan Ilaahay baa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebi Muxamad Korkiisa ha ahaato: 

Markasta oo aan dhex qaado magaalada Muqdisho, intii dagaaladii sokeeye ka dambeysey, waxaan dareemaa jiriirico korkayga oo dhan saaqda.

Waxaan ku sigtaa in calooshu iga soo dhacdo. 

Markaan maro, jidkii baar 900, ama jidkii xamar weyne (café nazionale) iyo jirde xuseen, jidkii xaawa taako iyo theaterka, jidkii barlamaankii hore, mase jidkii dawladda hoose, mise ceel gab iyo afar irdood, Alla maxaa magacya jooga macnohoodu maqanyahay. 

Balse xaggaas u dhaqaaq iyo hotel curuba iyo matxafki iyo boostadii, ilaa aad kasoo wareegto xeebta iyo cisbitaal martini meeshii ahaan jirtey, wax yar kusoo leexo (via roma) meeshii la oran jirey,

Horay u soco ilaa aad gaarto dekedii Muqdisho (halkii la oran jirey) haddaad horay u socotana waxaad gaari iskuulkii la oran jirey Raage Ugaas, iyo xeryihii ciidamada daraawisshta oo dhinac midig kaa qabanaya. 

Kolba xoogaa markaad jidadkaas camirnaan jirey marto, waxaad arkeysaa, biro taagtaagan, iyo dad isku carjuumaysan, sidii hal kiish lagu cufay, oo dun dumo madow sideeda u socda, wadada intii ay ciida iyo qashinku soo reebay. War waa maxay dun dumadaas dilindilayneysa, oo dadka ah? Dee waa gaari (xaajiyad) ah, oo dad saaran yahay, ayaa laguu gu jaawabi.!!

Subxaanallaahiye, waxaan xusuustay gabagii abshir bacadle,

Dalkaba waxa ka dhaqan buushash iyo gaari daxalaystey. Waxaan filayaa abshir gabagaa wuxuu soo saaray bilawgii sagaashameeyadii. Maxaad maanta ka fili, intii oo wax ka naaqusa mooyee aan wax ku siyaadin. 

Horay isaga sii soco saaxiib, wax yar haddaad jidkaa sii qaadid waxaad ku imaan meel la oran jirey xarunta Booliska, ama (Iskoola polizia).!! War bal jooji gaariga, meeshan ma taqaanaan? Schola polizia.!!

Dhalinyarada sideetamaadkii iyo todobaatanaadka dhashay ee hadda odayaasha ahi ma yaqaanaan!! Waxaa si fiican u yaqaan oo keliya, dadka kacaankii markuu dhashay, hana qaadka dhawr iyo toban jirkaa ahaa, sidayda oo kale, macnaha waa dadkii dhashay, ilaa 1958 iyo wixii ka horreeyey.

War bal jooji, ma meeshan baa meeshii,

Kolkii idaacaddda laga maqlo heestii caanka ahayd:

Samadiidow debin baa kuu dhigan,….. lagaranayey in tiirkeeda cid la keenayo.

War meeshan baa meeshii 10 culimada ah, lagu toogtey barqa cad, iyadoo dadka, qaarkiis usoo daawasho tagaan, dilka, bacaadkan iskuulka ka dambeeya?

Subxaanallaahi waxaan xusuustay aayaddii quraanka ahayd

((فتلك بيوتهم خاوية بما ظلموا إن فى ذلك لآية لقوم يعلمون))

Maanta wey madowdahay, wey burbursantahay, wey dulaysantahay, dulmigii ayaa kazoo baxay, Alla dulmiga caaqibadiisu xumaa…

Akhri Qaybta Xigta... Guji

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

<<<... QORMADII HORE KA AKHRI HALKAN....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2006

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD