SHUKRAN MALAYSIA – 1 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Isniin | Maarso 20, 2006 |
Isha sawirka: Google images |
Airporka
Kuwalalumpur ee cusub markaan ka soo degey 11/3/2006 - waa markii iigu
horreysaye - waxaan aad ugu bogay nadaafadda iyo designka quruxda badan leh ee
uu leeyahay. Waa mid lagu farxo, wadan muslima, oo aad aragto intuu horumar
fiican ka gaaray xagga technolojiga iyo waxbarashada, iyo horumarinta dalka.
Gabadhii
fadhiday immigrationka, oo khimaarku madaxa u saaranyahay, Markey
baabsaboorkayga aragtay, wexey la hadashay gabadh kale oo aan filayo iney ka
sarayso, oo ku tiri ( waa saan umaleeyeye): waa soomaali, kaalay ila arag, maku
jirey qoloyinkii karantiinada, dabadeedna wexey igu yiraahdeen, u tag xafiiskaas
caafimaadka (karantiinada), warad haku soo siiyaan, oo soo noqo, waayahay,
gabdhihii xafiiska markaan u tegey wey I marxabeeyeen, waxaan ku idhi, hadda
afrika kama iman, ooh.. masidaasaa, waayahay, qaado kaadhkan oo ku noqo,
alxamdulilaah, sidi ayey gabadhii immigrationka iigu dhifatay, immisaad
joogeysaa maleysia? Waxaan ku idhi: usbuuc ayaa laga yaabaa, wexey tidhi: lixdan
maalmood ayaan kuugu dhiftay maadaama aad fiiso safaaradayada kasoo qaadatay,
laakiinse, ogow, haddaad mudda intaas leeg, usbuuc iyo wax la mida joogeysid,
uma baahnid inaad safaaradda soomarto, maadaama aad soomaali tahay!! Waxaa lagaa
siinayaa bil airporka..( maashallaah) waa markii iigu horeeysey, ee aan maqlo,
dawlad qadarineysa baasaboorka soomaaliga, ee dadkiisu ku ciyaaray, oo
dawladiisi, la burburiyey!! Shukran Malaysia..intaasaa na deeqday. Inaad
dawladnimadayadii hore weli nagu tix gelisaan, inkastoo aanu maanta dugaagowney,
oo duurjoogtu qaar badanoo naga mida ka fiicantahay!!
Waxaan ku iri
rafiiqii ila socday: Bal hadda eeg dadku wadankooda sidey u dhisanayaan, oo ugu
danqanayaan, iyo adduunku meeluhuu ka shaxaayo, inaguna waxaan dhaafi kari
lanahay: Qansax oo ah Guddoomiyaha gobolka Qurac wuxuu u kicitimay Ethiopia si
uu hub iyo rasaas uga soo qaato. Canjeel oo ah wasiirka isbaarooyinka iyo
garoomaada qaadka iyo daroogada wuxuu idaacadda darxumo u sheegay inuu
dadweynaha ugu bishaaraynayo, inuusan weligiis dawladnimo aqbalayn waayo wexey
hor istaageysaa horumarka iyo hawlaha qaranka ee uu u hayo bulshada soomaaliyeed.
Wuxuu warkiisa ku sii daray, maalmaha soo socdana inuu shan isbaaro ku kordhin
doono, jidka u dhexeeya garas iyo dacar.!! Sacab…..
Markaanu isa
salaanay Dr Nur oo macalin ka ah, jamacad Malaysian ah oo ku taal gobolka
Selangor, oo Kuwalalumpur u jirta 40 km, waxaa maskaxda naga qabsaday, cadaabka
ay Somalia ku jirto, iyo adduunku meesha uu marayo. Waxa dadkeenu isku hayo, iyo
waxa dadku ku fekerayaan. Sarta weyn ee Airporka kuwala Lumpur ku dhinac taal ee
loogu talagay (Parking) meesha baabuurta la dhigto, waxaan is iri, Muqdisha,
Hargeysa, Kismaayo, Berbera, iyo Boosaaso keligeed ayaa gegooyin dayuuradu ka
dhisi karta!!
Dadka
malaysianka ah waa dad qabow, oo degan, oo aanba is lurihayn. Islaamku waa ka
muuqdaa, sida masaajidda, dumarka khimaarka sita, rag koofiyada wata, laakiin
waxaa badan inta aan ku dhaqmayn. Dumarka waxaan is iri: yaa u dar daarmay
surweelka jiniska, iyo khimarka madax la saarto. Waxaase arrin aan Soomaali
aqoon ka mida, masaajidka markaan ku tukaney, ayaan waxaan arkay dumar qaawan oo
masaajidka kasoo baxaya, iridka dumarka oo kan raga ku dhow. War gabadhan
finaanada yarta ah, iyo surweelka jiiniska wadata, ma masjidkey kasoo baxday
khayr allaha siiyee, waaba gabar fiicane? Haa ayuu igu yiri, wadaadki ila socday,
waa dhaqan meeshaan laga yaqaan. Masjidka gudihiisa ayaa waxaa u yaal mara weyn
oo ay isku duubto marka ay tukaneyso, Markey salaadda ka baxdana, meeshey
dhigeysaa, oo sideede ayey ku bexeysaa!! Dadkaas waa dad niyad fiican, waa gabar
islaanimo dareemeysa, laakiin, aqoon yare iyo dhaqan ayaa ka qaalib noqday,
iimaankuse qalbigeeda wuu ku jiraa.
Dr. Nur,
intaan airporka kuwala Lumpur, oo magaalada cabbaar u jira, kasoo soconey ilaa
hodheelka aan ku degi lahaa, wuxuu isoo mariyey meelo dhawra ee jidka ku yaaley,
si aan bal fikrad uga qaato, mindhaa wuxuu ogyahay, cudurkayga, iyo meesha I
xanuuneysa, oo ah, markaan dal dhisan, oo nabada arkaba, waxaan xasuustaa,
dalkaygi darxumada haysata, iyo dadka qimaarka ku ciyaaraya, iyo sida, dadkaygu
aaney u garan ilaa hadda meesha laga hayo, ee ay jidkii darxumada weli ku
dalanbaabiyayaan.
AKHRI QAYBTA 2aad....
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 20,
2006
INTA CAQLIGA LEH KELIYA.... GUJI HALKAN
|