SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

 


CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY

 


W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com


Dalka Shiinaha ayaa hawada sare u ganay dayaxgacmeedkii labaad ee dad la socdo, iyadoo ay fuushan yihiin laba cir-maaxiyaal.

Ganitaanka dayaxgacmeedkan (Shenzhou VI) ayaa ka dhacday goob gantaallada laga rido oo magaceeda la dhaho Jiuquan, oo ku taal saxaraha Gobi, oo ku beegan dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Shiinaha.

Shenzhou VI during lift-off - 12/10/05

Fei Junlong iyo Nie Haisheng  

Telefishinka qaranka ee shiinaha ayaa si toos ah usii deynayey sawirrada dayaxgacmeedka iyo labada nin ee saaran oo kala ah Fei Junlong iyo Nie Haisheng oo fadhiyey barta hore ee dayaxgacmeedka laga wado. 

“Fiicnaan qurux leh baan dareemayaa,” sidaas waxaa yiri Mr Fei oo dayaxgacmeedka dushiisa saaran. 

Saynisyahannada joogay barta laga maamulayey dayaxgacmeedka ayaa mar qura qaylo farxad leh la istaagay, kaddib markii wax waliba ay u dheceen sidii loo qorsheeyey. 

Warbaahinta rasmiga ah ee Shiinaha ayaa sheegtay in cir-maaxiyaasha saaran dayaxgacmeedkan ay hawada sare soo joogi doonaan qiyaas ahaan muddo shan (5) maalmood ah, iyaga oo dhulka ku wareegi doona ilaa 80 jeer, isla markaasna si iskood ah u dhex mushaaxi doona dayaxgacmeedka gudihiisa, waxayna samayn doonaan tijaabooyin kala duwan, ka hor inta aysan soo caga dhigan gobolka Mongolia. 

Barnaamijka dalka Shiinaha ee hawada sare, ayaa ah mid sare u qaadaya sumacaddooda qaranannimo (national pride) iyo maqaamka ay caalamka ka joogaan (international prestige). 

Wax yar kaddib, markii dayaxgacmeedka la ganay ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Shiinaha, Wen Jiabao, uu ugu hambalyeeyey dhammaan inta ku hawlan barnaaminka hawada sare, isaga oo sheegay in duulimaadkii dayaxgacmeedku uu u dhacday si guul ah. 

Dayaxgacmeedkii ugu horreeyey ee Shiinuhu ay dad saaraan ayaa waxay direen muddo imminka laga joogo laba sannadood, wuxuuna shiinaha ka dhigay dalkii saddexaad ee dad geeya hawada sare, kadib markii Midowgii Soofiyeeti ee hore iyo Mareykanku ay dayaxgacmeed dad saaran yahay hawada u direen. 

Cir-maaxiyihii Shiinuhu u doortay in uu duuliyo dayaxgacmeedkii kan ka horreeyay (Shenzhou V), Mr. Yang Liwei, ayaa xilligiisii lagu maamuusay in uu noqday geesi garan markii uu dib ugu soo noqday dhulkan aynu ku nool nahay.

Shiinuhu waxa kale oo ay qorsheynayaan in ay xarun ka sameeyaan hawada sare muddo shan (5) sano gudohood ah, iyagoo marka dambana damacsan in ay cirmaaxe dhigaan dayaxa guudkiisa. 

W.Q.: C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com 

=======================================

Related Articles:

Cirbixiyeenkii Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday
http://www.somaliatalk.com/2003/oct/16oct503.html

 

1. Forward orbital module - crew live and work in this section, which contains scientific equipment. In future missions, this module may remain in space as part of a Chinese space station
2. Re-entry capsule - contains seats for three crew
3. Propulsion module - contains spacecraft's power unit and liquid fuel rocket system
4. Solar panels - spacecraft carries two sets with a total area of 40 square metres, which generate an average 1.5kW of power

 

W.Q. C/fataax M. Cabdulle

Ottawa, On. Canada
abdulfatah@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2004

Dayaxgacmeedka Cassini oo Sawirro kasoo Diray Meeraha Raage

 

.Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed

.Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada

.Cirbixiyeenkii Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday

Dayax Gacmeedkii Columbia ee Maraykanka oo Burburay
Toddobadii cirbixiyeen ee saarnaa dayaxgacmeedkaas waa dhinteen kadib markii uu ku burburay hawada Texas GUJI

. Science & Technology News & Macluumaadka Engineering

 

 

  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great
 

 



HTML CD