TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii 1-aad
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
Hordhac
Sida la wada ogyahay, sanooyinkii ugu dambeeyay, waxay soomaalidu aad ula jaanqaaday war-isgaarsiinta casriga ah ee Internet-ka, hadday noqon lahayd Paltalk-ga, MSN-ta, E-mail-lada, Shabakadaha Internet-ka, Cell Phone-nada, wararka lagu baahiyo qalabyada war-laliska iyo suxuunta satellite-ka (raadiye iyo taleefishin), adeegyada boostada, iwm. Haddaba, waa lagama maarmaan in aan wax ka ogaanno waayaha iyo heerarka kala duwan ee ay soo mareen qalabyada war-isgaarsiinta; taasina waxay keeneysaa in aan si habboon oo waafaqsan ujeedooyinkii loo ikhtiraacay qalabyadaas kala duwan ee war-isgaarsiinta aan uga faa’iideysanno. Taxanaha qormadan, qaybtiisa 1-aad waxaan kusoo qaadanayaa afka iyo dhigaalkiisa iyo kaalinta uu kaga jiro war-isgaarsiinta.
War-Isgaarsiintii
Hab Qoraalka
Afafka lagu hadlo ama la qoro waxay kamid yihiin qalabyadii ugu horeeyay ee war-isgaarsiinta. Sida taariikhda qoran lagu hayo, muddada u dhaxaysay 3500 Nabi Ciise Hortiis (C.H.) ilaa 2900 (C.H.) waxaa si dhab ah bani’aadamku ula qabsaday xirfadda qoris-akhriska. Qolo magaceeda la yiraahdo Faynaqiyah (waa magacii asalka ahaa oo ku qoran kutubta taariikhda ee af-Carabiga ku qoran, laakiin
Greek-gu wuxuu magacaas u qoray “Phoinikia”, af Ingiriisiguna wuxuu u qoray “Phoenician”) oo ku noolaan jirtay dhulka iminka laysku yiraahdo Lubnaan (Lebanon)
ayaa markii ugu horeysay sameeyay
hab-qoraal muujinaya dhawaaqyada ama codadka afkoodii ay ku hadli jireen;
waa waxa iminka loo yaqaanno alifba’da oo ah tiirka ugu muhiimsan ee af waliba uu ku taagan yahay (alphabet). Qoladaas reer
Faynaqiyah ummado ay ka mid yihiin Lubnaaniis, Maltiis,
Liibiyaaniis, iyo qaar ka mid ah Soomaalida ayaa qaba in ay kasoo farcameen sida taariikhaha qadiimiga ah (pre-historic) ay sheegayaan. Si kastaba ha ahaatee, qoladaasi waxay nasiib u heleen in ay noqdaan dadkii ugu horeeyey ee sameeya alifba’ ay uga faa’iidaysteen in ay ku wada xiriiraan, ummadaha kale ee adduunkana ay u gudbiyaan adeegsiga alifba’da ay ikhtiraaceen. Waxa xusid mudan in alifba’dii ay ikhtiraaceen qoraladaasi ay ka koobnayd shibbaneyaal keliya oo ma ay lahayn shaqallo markii ugu horeysay ee la adeegsaday. Reer Faynaqiyah waxay ahaayeen dad tujaar ah oo ka beec-mushtara kuna safra dhammaan Mediterranean-ka, xeebta Atlaantika ee Yurub, iyo qaybo ka mid ah Afrika.
Alifba'dii Reer Faynaqiyah
Sida ku xusan kutubta ay qoreen taariikhyahannadii reer Giriig, tariikhdu markii ay ahayd 1775
(C.H.)
dadka Giriigga ah (Greeks) oo ku noolaan jiray dhul weynihii Giriigga (Greece) (waa dhul ku yaal dhanka koonfur-bari ee qaaradda Yurub) waxay isticmaali jireen alifba’da ay dejiyeen qoladii reer
Faynaqiyah, sida Soomaalidii horeba u isticmaali jireen alifba’dii af-Carabiga ka hor intii aysan reer Yurub imaanin dhulkii ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba, hab-qoraalka aan maanta naqaanno waxaa la daah-furay muddo iminka laga joogo 5 kun oo sannadood. Qoraalku markiisii hore kuma iman in kor loo qaado habka layskula xiriiro oo keliya, hase ahaatee, wuxuu ku yimid oo kale in uu kor u qaado garaadka iyo kasmada aadanaha naftiisa. Qof kasta oo bartay xirfadda qoris-akhriska ee maanta ku nool adduunka wuxuu si daacad ah u qirayaa in hab-qoraalku uu sugay in dadku ay yihiin makhluuq taariikh leh oo dib u xusuusta waayihii soo maray, si ay ugu cibra qaataan, cashar iyo fikrado cusubna uga helaan waayaha noloshooda, wuxuuna markii dambe dadka ku abuuray fikir iyo maskax-tuujin, iyo in ay ku tallaabsadaan dadaallo ay ku wanaajinayaan hab-qoraalka naftiisa. Waxa xusid mudan in hab-qoraalku uu markiisii hore ku billowday calaamado iyo sawirro wax lagu kala garto oo qayb ka ah taariikhda war-isgaarsiinta.
Qoladii la oran jiray Alkiimiyiinta (Alchemists) waxay isticmaali jireen sawirro kala duwan, oo intooda badani ay ahaayeen sawirrada waxyaalaha ay uunka ku arkaan.
Tusaale ahaan, sawirrada hoos ku xusan waxay u taagnaayeen micnaha aan ku hoos qoray.
|
|
|
|
|
madax |
cag |
cadceed "maalin" |
gacan |
haweeney |
Curashadii hab-qoraalka kadib, waxaa soo if-baxay ereyga dhambaal oo ah war qoraal ah oo laysu diro si laysu gaarsiiyo wax kasta oo la doonayo in laysla ogaado. Haddaba, war-isgaarsiintu waxay soo martay marxalado iyo heerar kala duwan. Marba marka kasii dambeeyeyna waa la sii hormarinayey habka war-isgaarsiinta.
War-Isgaarsiintii Durbaanka
Waxaa jiri jirtay xilli dadku ay warka isugu gudbin jireen durbaanka. Wararka laysugu gudbin jiray Durbaanka waxaa kamid ah dhalashada, dhimashada, dagaallada, iwm.; nooc walbaana wuxuu lahaan jiray hab iyo dhawaaq u gaar ah oo durbaanka loogu tumo, dadkuna marka ay maqlaan dhawaaqa durbaankaas way ogaan jireen warka uu xambaarsan yahay, hadday noqon lahayd dhalasho, dhimasho, dagaal, iwm.
War-Isgaarsiintii Dabka
Sidoo kale, waxaa jiri jirtay xilli dadku ay warka isugu gudbin jireen dab la shido. Wararka laysugu gudbin jiray dabka waxaa kamid ah dagaallada, siiba colka isugu baaqaya guul, jab, iwm.
War-Isgaarsiintii Habkii Lugta, Fardaha iyo Maraakiibta
Waagii hore inta aan la helin qalabka dhambaallada laysugu gudbiyo waxay dadku isticmaali jireen dad lugeeya ama faras ku jooga, ama maraakiibta raaca oo dhambaallada isugu gudbiya; dadku waxay xilligaas aad ugu tiirsanaan jireen war-isgaarsiinta noocaas ah mar haddii aysan jirin wax kale oo dhaama.
C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | August 12, 2004
|
QAYBTA
2aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|