SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Su’aalo ku wajahan Wasiiradii Xukuumaddii Cumar C/rashiid ee u ololayn jirey heshiiskii Is-afgarad ee Baylahda Gelinayey Badda Soomaaliyeed....

  • SomaliTalk.com | Nov 22, 2010

    Su'aalahan waxaan ugu talo gallay muwaadin kasta, weriye kasta, TV, radio ama website oo fursad u hela in uu la kulmo wasiiradii hore ee xukuumaddii Cumar C/rashiid, waxna ka weydiiyo heshiiskii is-afgarad ee sababay in muran la geliyo badda Soomaaliya - heshiiskaas oo sababay in hadda marlabaad lasoo rogaal celiyo sidii loo baabi'in lahaa xeerkii badda Soomaaliya (Law No. 37)..... Waana su'aalo u qoran qaab waraysi ah oo ku bilaabanya sidan:

Su'aalo la weydiiyey wasiirka_______

Waxaa waraysiga qaaday _____Magaca qofka ama raadiyaha /TV/websiteka waraysiga qaaday____

Bismilaahi raxmaani raxiim: Aslaamu Calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Waxaan maanta (_______) waraysi xiiso badan oo dhinacyo badan taabanaya idiinka haynaa Wasiirkii Hore ee _____________ ee DFMG oo magaciisu yahay _____________________ oo aan ku waraysanay isagoo jooga magaalada _______.

Sacaadatul wasiir ku soo dhawaw ________:

GOGOLDHIG SU'AALAHA:

1. Ugu horayn waxaad wax nooga sheegtaa hawshii loo igmaday ama loo xilsaaraay (MANDATE-ka) xukuumadda FKMG ee lagu soo dhisay Jabuuti Janaayo 2009 ee aad wasiirka ka ahayd?

2. Maxaa ka hirgalay hawshaas ay DFKMG u xilsaarnayd, intii aad wasiirka ahayd?

3. Maadaama aad ka mid ahayd xukuumaddii hore ee Cumar C/rashiid, Waxaan jeclahay inaan wax kaa weydiiyo su’aalo dhawr ah oo la xiriira Heshiiskii Is-Afgarad Memorandum of Understanding (MOU) ee April 7, 2009 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya, maadaama aad ka mid ahayd wasiiradii heshiiskaas difaacay ama u olaynayey:

TAARIIKH HESHIISKA (Background):

4. Ugu horayn wax ma nooga sheegi kartaa taariikh ahaan sidii is-afgaradkaasi uu ku bilowday, yaase markii ugu horeysey idinla soo xiriiray, yaa lala soo xiriiray, sideese u qaabisheen?

5. Wax ma nooga sheegi kartaa dalalka ama hay’adaha sida tooska ah ugu lugta lahaa heshiiskaas ama u ololaynayey?

6. Maadaama heshiiskaas Is-afgarad uu ku saabsanaa kordhinta ama waasicinta Aagga Ganacsiga Badda ee loo yaqaan Economic Exclusive Zone (EEZ) iyo qalfoofka qaaradda iyo guud ahaan baaxadda badda ee dal leeyahay, wax baaritaan ah ma samayseen ka hor intii aydin tegin miiska aad heshiiska ku saxiixeyseen. Haddii aydin samayn baaritaan maxaa taas kallifay?

7. Maxaa kallifay ama maxay DFKMG ka faa’iideysey in aad saxiixdaan Is-afgarad MURAN (DISPUTE) aan hore u jirin gelinaya Badda Soomaaliya?

SAXIIXII IS-AFGARADKA:

8. Maxaa adiga laguugu soo xushay in aad heshiiskaas saxiixdid, oo aad la saxiixatid wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, ayadoo DFKMG ay lahayd Wasiir Arrimaha dibadeed? Goorma ayaase lagugu wargeliyey in aad saxiixi doontid Is-afgaradkaas? Mase jirtaa cid kale oo katirsan DFKMG oo kula socotey markii aad saxiixeysey?(Waa haddii uu yahay wasiirkii saxiixay) -

9. Haddiise uu yahay wasiiradii u ololaynayey su'aashu waxay noqon kartaa: Maxaa kugu dhaliyey in aad si xoog badan u difaacdo heshiiskaas?

10. Immisa waqti ah ayay DFKMG haysatey in ay heshiiska ku akhriyaan ka hor intii aysan saxiixin, waayo waraaqaha Heshiiskaasi MOU ay ku qoran yihiin ee DFKMG saxiixday labada nuqul midkoona ma laha calaamadda Soomaaliya, waxaa si cad ugu muuqda summadda Kenya?

11. Hadda ma qirsantahay in saxiixaasi uu khalad ahaa, ama is-afgaradkaas khaldanaa in DFKMG ay sidaas degdegga ah ku saxiixday?

SAXIIXII KADDIB:

12. Is-afgaradka ka bacdi, kaddib markaad aragteen raadka uu reebi karo heshiiskaasi, oo aad xog badan iyo macluumaad badan hesheen, maxaa DFKMG ku kallifayey in ay sii wado difaaca heshiiskaas?

GO’AANKII BAARLAMAANKA KADDIB:

13.  Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu Agoosto 1, 2009 si aqlabiyad ah heshiiskaas uga dhigay WAXBA KAMA JIRAAN. Haddaba maxaa Golahiinii Wasiiradu aad bayaan cad u soo saari weydeen aad ku taageereysaan go’aanka Baarlamaanka? Maxaase kallifay in xukuumaddu ku sii dheganaato Heshiiskaas?

14. In golaha wasiiradu ku sii dheganaayeen Heshiiska waxaa cadaynaya Warqad uu Prof C/raxmaan Aadan Ibbi oo ahaa wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo ra'iisulwasaare xigeen oo Agoosto 19, 2009 u qoray Qarammada Midoobey (inkasta oo warqadda lagu qoray magaca Ra’iisul wasaarahii hore ee DFKMG Cumar C/rashiid Sharmaarke , laakiin uu saxiixay Ibbi), waxaa warqaddaasi gacan siineysey Is-afgaradka. Intee in leeg Golaha Wasiirada lala tashaday warqaddaas Ibbi qoray?

15. Ma jirtaa in warqaddaasi khilaaf ka dhex dhalisay masuuliyiinta ugu saraysa DFKMG ama golahii wasiiradda, iyo madaxweynaha ayna sababtay sii xoojinta khilaafkii madaxda sare ee DFKMG ilaa uu is casilay Cumar C/rashiid?

16. Maxaa kallifay in go’aankii baarlamaanku ku diidey Heshiiska Is-faham uu degdeg u gaari waayo Qarammada Midoobay (Baarlamaanku wuxuu heshiiska diidey Agoosto 1, 2009 – Waxaana Qarammada Midoobey sheegeen in go'aankaasi gaarey March 2, 2010 (Waa 7 bilood kaddib: Agoosto, Sept, Oct, Nov, Dec, Jan, Feb, Mar) – Markii horena heshiiska Is-fagarad waxaad ku gaarsiiseen maalmo.

QARAMMADA MIDOOBAY KADDIB:

17. Kaddib markii Qarammada Midoobey Aqbaleen go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ku diidey Heshiiskaa Is-fahamka, maxaa kallifay in qaab kale idinkoo u xagal daacinaya aad ISTANBUL (May 2010) ka sheegtaan in badda Soomaaliya aysan cabbirnayn?

  • FG: Wasiirkii Xannaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa May 22, 2010 waxa uu Shirkii Istanbul ka yiri "Aagga Ganacsiga EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee Qarammada Midoobey"

18. DFKMG ee aad ka tirsanayd ma aaminsanayd in Soomaaliya lahayd xeer badeed oo ay u cabirnayd 200 mayl badeed (Waa xeerka Lambarkiisu yahay 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972). (200 mayl badeed waa AAGGA DHUL BADEEDKA SOOMAALIYA oo Soomaaliya hore ugu calaamadsanayd.)

19. Markii Norway ay (June 11, 2010) sheegtay in ay Soomaaliya u samaynayso CABIRKA aagga ganacsiga EEZ oo ah 200-mayl badeed, sow taasi ma aha mid ka dhalatay wixii DFKMG ee aad ka tirsanayd u ololaynaysey ee ahayd in badda Soomaaliyeed la yiraahdo malaha cabbir la yaqaan oo hadda ayaa loo samaynayaa? Norwayna sow danteedii ma gaarin?

HADDA iyo 350 mayl badeed:

20. Arrintan badda waxay ku bilaabatay in Qarammada Midoobay ay fidinayaan aagga ganacsiga EEZ oo ahaan jirey 200 mayl badeed oo la gaarsiiyo ilaa 350 mayl badeed. Haddaba ma jiraan cid khubaro Soomaaliyeed oo arrimahan daacad ka ah ee xukuumaddii DFKMG ee aad ka tirsanayd ay kala tashaatay sidii arrintaasi u dhaqan geli lahayd? Haddii ay jiraan cid ma nooga magcaabi kartaa? Haddii aysan jirina maxaa kallifay in taas lagu dhaqaaqo oo muran la geliyo wixii hore inoogu cabirnaa ee ahaa 200-mayl oo ka mid ah dhulkeena?

21. Adigu shakhi ahaan maadaama aad ka mid ahayd golahii wasiirada ee Heshiiskaas MOU saxiixay, ma jiraan wax khaas ah oo la xiriira heshiiskaas oo aan ka tagnay oo aad shacabka Soomaaliyeed u sheegeysid?

22. Maxay xukuumaddii aad ka tirsanayd kala socotey in mar haddii qorshihii hore ee heshiiska is-faham uu fashilay in markan Soomaalida laga  soo maro xagga sharciga, taas oo la doonayo in xeerkii 1972 ee badda Soomaaliya la yiraahdo waa waxba kama jiraan, oo markaas la yiraahdo badda Soomaaliya cabirkeedu waa 12 mayl ee ma aha 200 maly, oo aanba laga hadlin 350 mayl ee adduunka kale loo kordhinayo?

23. Sidee u aragtaa hadalkii October 27, 2010 ka soo baxay Barwaaqa sooranka Yurub oo ay tababarka siinayeen Kenya sidii ay markale Soomaalida ugala xaajoon lahaud badda Soomaaliya?

24. Gabagabadii adigoo fursadan ka faa’iidaysanaya maxay u sheegi lahayd dadweynaha ku dhegeysanaya?

25. Hay'adda wararka ee AP waxay sheegtay (Sept 21, 2010) in la isla dhexmarayey Muqdisho in ra'iisul wasaarahii xukuumaddii aad ka tirsananayd (Cumar C/rashiid) in lacag la siiyey si uu aamusnaan ugaga dego xilka - taas oo dadweyne badani u qaateen in la doonayey in uusan ka hadlin  wixii uu ka ogaa heshiiskii badda - hadaba malaga yaabaa in shacabka Soomaaliyeed ay xaqiiqo ahaan ogaadaan waxyaabihii xukuumadda FKMG ku kallifay heshiiskii is afgarad - tankale waxaan adiga markale fursad kuu siinaynaa in aad dadweynaha Soomaaliyeed u bayaamisid wixii aad ka ogeyd heshiiskaas, wixii xukuumadda ku kallifay iyo sida looga gaashaaman karo halis noocaas oo kale ah oo badda Soomaaliya la geliyo?

Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay.

Kaasi waxa uu ahaa __________ oo maanta oo taariikhdu tahay June___ u waramayey__________, isagoo ku sugan magaalada _________. Waxaana waraysiga qaaday aniga oo ah ________________ oo ka tirsan radio/website/tv ________________. Insha Allah inta aan markale hawada ku kuli doono waxaan idinkaga tegeynaa nabad gelyo.

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

###

  • Su'aalahaas iyo wixii aan ka tagnay oo lagu daro waxaa haboon in la weydiiyo golahii hore ee wasiirada ee xukuumaddii la bedeley ee Cumar C/rashiid, si wixii ay ogaayeen ay taariikhda u gasho...

Aragtida dadweynaha: Fadlaan fikradaada ku qor HALKAN (FG. Jawaabta ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIXDID HALKAN)

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2010


Qoraalladii Wareeggii hore ee Ddifaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: