SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya

cabdirisaqWaxaa turjumey:
C/risaq maxamed xuseen, Sweden.
habdirisak@hotmail.com


Sida ay SomaliTalk.com horay u daabacday waxaa Joornaal la yiraa realtid.se ee kasoo baxa wadanka Iswiidhan uu waraysi la yeeshay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Stockholm ee wadankan Sweden [ee la daabacay April 30, 2008].

Wareysigaas waxaa uu safiirku aad ugu gafey ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan sweden. Isaga oo Soomaalida Sweden ku sifeeyey kuwo caydh ku nool oo isla markaasna lacagtaas kaalmada ah u dira "argagixiso" ka dagaalanta Soomaaliya.


Bannanbax ay Soomaalida Sweden hore u dhigeen. June 16, 2007 | Sawirka: realtid.se

Wareysigaas aad iyo aad ayuu Soomaalida Sweden uga cadheysiiyey. Taas oo keentay in Soomaali badan oo aqoonyahano iyo ururrada Soomaalida ee Sweden ay xiriiro kala duwan la sameeyeen joornaalkii safiirka wareystay. Dhamaan Soomaalidaasi waxaa ay si kulul u canbaareeyeen wareysiga aan salka lahayn ee safiirka Itoobiya ugu gafey Soomaalida reer Sweden.

Tusaale ahaan ururka Isbahaysiga Soomaalida iswiidhan ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagaga jawaabayo hadallada kasoo yeeray safiirka itoobiya ee Istockholm. Waxaa iyaguna aad arinkan uga dooday aqoonyahano iyo siyaasiyiin Soomaali ah ee ku dhaqan wadankan Iswiidhan. Doodaas kulul ee aan loo kala harin waxaa ay ku khasabtay joornaalkii wareysiga sameeyey inuu Doodii Soomaalida ka qoro maqaal loogu jawaabayo safiirka itoobiya. Maqaalkaas waxaa Soomaalidu ku beeniyeen dhammaan qodobadii uu safiirku soo bandhigay. [Waxa wargeysku daabacay May 7, 2008]

Jawaabtii Soomaalida ee joornaalku daabacay oo kooban

"Xaq uma laha inuu soo dhexgalo siyaasada gudaha ee Sweden isla markaasna uu ku xadgudbo dad dhalasho Iswiidhish ah haysta. Kama jiraan Soomaaliya wax argagixiso la yiraa. Balse waxaa jira dhaqdhaqaaq looga soo horjeedo Itoobiya. Itoobiyaanka Soomaaliya joogaa waxaa ay fara xumeeyaan dumarka Soomaalida ah, waxaa ay dilaan oo xiraan caruurta. Ururada u dooda xuquuqul insaanka sida Amnesty iyo Human rights ayaa caddeynaaya xadgudubkaas. Soomaalida inteeda badani waa ka soo horjeedaa qabsashada itoobiya dalkayaga qabsatay. Waxaanu xaq u leenahay inaan wadankayaga difaacno. Itoobiya shaqa kuma laha Soomaaliya. Itoobiya waxaan kula dagaalameynaa aalad walba oo aan heli karno", Ereyadani waa kuwo ka mid ah doodii uu soo bandhigay Xasan Cabdullaahi oo ah siyaasi Soomaaliyeed, degan caasimada labaad ee sweden, Gothenberg. Xasan waxaa uu ka tirsan yahay golaha deegaanka ee magaalada Gothenberg, isaga oo matala xisbiga shaqaalaha.

C/risaaq Aadan oo ka mid ah Soomaalida reer Sweden isla markaasna malata urur ka mid ah kuwa Soomaalida, ayaa isna ka mid ahaa dadka dooda fikirkiisa ku biiriyey. "Waraysiga safiirku waxaa uu ahaa mid aad u tayo liita, kolka laga hadlaayo xagga saxaafada. Ma dhacdo badanaaba in barabogaanda [dacaayad] intaas le'eg loo isticmaalo joornaal. Waxaa ay ahayd in joornaalku iska hubiyo arinka safiirku sheegay isla markaasna uu xaqiiqda raadiyo."

Aniga oo ah C/risaq Maxamed Xuseen (qoraaga maqaalkan) kana mid ah aqoonyahanada Soomaalida reer Swedan ayaa ka mid ahaa dadkii xiriirka la sameeyey joornaalka iyo weliba ninkii wareysiga sameeyey. Waxaan u sheegay in waxyaalaha joornalku soo badhigay aaney Sal iyo raad toona lahayn balse ay tahay been la dhoobdhoobay. Waxaan si toos ah sida Soomaali badan u cadeeyey joornaalka in aan xaq u leenahay haddaan nahay Soomaalida inaan ka hadalo arinka safiirku sheegay. Xaq ayaan joornaalka ugu leenahay inuu na wareysto. In dad dhan oo meel degan lagu sheego argagixso iyo kuwo cayr ku nool waxaa weeyaan xadgudub iyo gaf, ayaan kusoo gabagabeeyey hadalkeygii.

Dadkii Soomaalida ahaa ee arinkan ka hadlay aad iyo aad ayey u badnaayeen, waxaa kaloo ka mid ahaa siyaasiga kale Soomaaliyeed ee la yiraahdo Hanad Cabdi. Hanad waxaa uu yiri: "Sharaxaada safiirku ma aha mid xaqiiqda ka turjumeysa. Inaanu dalkayaga difaacno ma aha argagixisanimo, balse waa taageero aan u fidineyno howlaha dalkayaga lagu xoreynaayo. Sharaxaada saxda ahi waxaa weeyaan iney Itoobiya Soomaaliya qabsatay. Waxaa ay la mid tahay ruushka oo Sweden qabsaday. Itoobiya wax u yaala Soomaaliya ma jiraan, anaga itoobiya waxaa ay noola mid tahay awood dadkayga qabsatay. Qof kasta oo Soomaali ahna waajibaad baa ka saaran inuu ka qayb qaato dadaalka lagu xoreynaayo Soomaaliya" ayuu yiri hanad isagoo hadalkiisa sii watey.

Dadka kale ee ololaha loogu jawaabayo safiirka Swedan ka qayb qaatay waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha ururka Isbahaysiga Soomaalida ee Sweden, Faarax Cabdisamad Faarax. Gudoomiyuhu waxaa uu isagoo ururka matalaaya xiriiro kala duwan la sameeyey hayądo kala duwan si arinka safiirka looga hortago. Tusaale ahaan waxaa uu Faarax wareysi siiyey qaybo ka mid ah raadiyaha sweden.

Gebagabo

Hadalku waa: SOOMAALIYEEY TOOSOO, TOOSA OO ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WELIGIIN. Murti waxaa ay ku dhan tahay oraahdaas qiimaha leh ee ka mid ah maansada calanka qaranka Soomaaliyeed. In isku tiirsanaantu fiican tahay waxaa caddeyn u ah miraha dadaalkii ay dadka Soomaalida Sweden kaga hortageen weerarkii safiirka Itoobiya ee sweden. Taasoo ugu dameyntii dhalisay in ay joornaalkii khasab ku noqoto inuu arimahayagana ka hadlo. Inuu xaqiiqsado awoodda aan la dhayalsan karin ee Soomaalida reer sweden. Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay dadaalkaan. Waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan soo wada qaadan hadaladii iyo dadkii hadlay dhamaantood.

Balse guushani waa mid usoo hoyatey Soomaalida oo dhan. Ololaha iyo doodaha loogu jawaabayo safiirka waa ay soconayaan ilaa iyo inta uu cudurdaar ka bixinaayo xadgudubka uu la yimid.

Mahadsanidin:

Waxaa turjumey iskuna duba ridey: C/risaq maxamed xuseen.
Eskilstuna. Sweden. habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008


Soomaali ka bannaan baxaya Itoobiyaanka, Sweden. Sawirka: realtid.se

Hadalkii Safiirka Itoobiya hoos ka akhri...


Safiirka Itoobiya ee Swedan: "Soomaalida Iswiidhan lacagta kaalmada loo siiyo argagixiso ayey u diraan"

Joornaal la yiraa realtid.se ee kasoo baxa magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden ayaa [April 30, 2008] waxaa uu wareysi dheer oo meelo badan taabanaaya la yeeshay safiirka Itoobiya u fadhiya wadankan Sweden. Safiirkani waxaa uu xitaa wakiil ka yahay wadamada skandanevianka oo dhan. Safiirka waxaa magaciisa la yiraa Dina Mufti.

Safiirku isaga oo ka hadlaaya Soomaalida Sweden waxaa uu yiri ereyadaan soo socda:

  • -Waxaan codsanayaa in gacan adag lagu qabto dhaqdhaqaaqa argagixiso ee Soomaaliya taas oo aan aaminsanahay in laga maalgeliyo Sweden.
     
  • - Soomaalida Iswiidhan waxaa ay dakhli ka helaan lacagaha cashuuraha ee dadku bixiyaan iyo lacagaha kaalmada caruurta. Waxaan si aad iyo aad ah u tuhmeynaa in lacagtaas qaybo ka mid ahi ay gacanta argagixisada gasho.
     
  • - Waxaan rumeysan nahay inuu jiro xiriir ka dhexeeya Soomaalida Sweden iyo ururka Alshabaab
     
  • - Waxaa jooga wadanka Sweden in ka badan 40,000 Soomaali ah, Norweyna waxaa jooga ilaa iyo 18,000 Soomaali ah. Waxaa ay sameeyaan waxaa weeyaan in aaney naftooda u isticmaalin lacagaha ay ka helaan hayąda caydha maamusha.
     
  • - Dowlada Sweden waxaa ay lacagtaas u bixisaa si bulshada ay ku dhexgalaan. Jeegag ayaa la siiyaa kumanaal ah, balse lacagta looma isticmaalo howlihii in bulshada la dhex galo. Lacagtaas qayb ka mid ahi waxaa ay aadaa ujeedooyin siyaasadeed. Waxaa jira kuwo xag-jira oo lacagtaas u dira wadankii.
     
  • - Dowladda Sweden waxaa ay isku dayeysaa iney daba socoto kuwaas, maxaa yeelay kuwa xag jiraa khatar ayey ku yihiin qofwalba.
     
  • - Haddii aaney dowlada sweden arinkaas tixgelin oo la socon, waxaa dhaceysa in kuwa muslimiinta ahi ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan bulshadeena.
     
  • - Lacagta cashuurta ee Sweden waa iney aadaa ujeedadii loogu talo galay, mana aha in lagu gato hub iyo waxyaalaha qarxa.

Safiirka Itoobiya ee Sweden Dina Mufti. Iska Sawirka realtid.se
:::WARAYSI ZENAWI:::
nweek
NEWSWEEK: Itoobiya oo ku dhiiqatay Soomaaliya
Waraysi Zenawi:
Q.1aad | Q.2aad
DADKA LOO DHIIBEY XABASHI
qafaal
Dadka Puntland u gacan gelisey Gumeysiga Itoobiya... Akhri...

Safiirku waxaa kaloo uu ka hadlay sababta ciidamada itoobiya u joogaan wadanka Soomaaliya taas oo la mid ah mida ay bixiyaan madaxda sar sare ee Itoobiya. Waxaa kaloo uu ka hadlay cabsida ay itoobiya ka qabto hadii xoogaga muslimiintu ku guuleystaan Soomaaliya.

Faallo: Wareysiga safiirka

Wareysiga kor ku xusan waxaan u turjumey sida uu u yiri safiirku. Waxaadna ka heli kartaa ereyada aan turjumey oo af-swiidish ah ciwaankan (http://www.realtid.se/)

Kolkii aan tutjumaayey waxaan raacay sharciga u degan turjumaada ama soo xigashada kaas oo ah, inaad turjumaad dhexdhexaad ah sameysid. Taas oo loola jeedo feker kasta oo aad adigu ka qabto arinkaas inaad wareysiga sida uu yahay aad u turjunto. Sidaas darteed wareysiga kor ku xusani waa hadaladii uu safiirka Itoobiya ee sweden ka yiri Soomaalida ku dhaqan sweden. Haddba qaybtaan hoose waxaa aan kaga hadlayaa faallo ah qaabka aan anigu u arko wareysiga uu safiirku bixiyey.

Wareysiga qaybo badan oo ka mid ah iyo kelmadaha uu isticmaalay safiirku waa kuwo xadgudub toos ah ku ah shicibweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Sweden. Tusaale ahaan kelmadaha ah "Soomaalida Sweden waxaa ay kaalmo ka helaan lacagaha cashuuraha iyo kaalmada caruurta, lacagtaas qaybo ka mid ahi waxaa ay gashaa gacanta argagixisada". Tan ugu horeysa Soomaalida sweden oo dhammi kuma noola tabarucaad balse waxaa ay u badan yihiin kuwo muruqooda maala. Waxaana ay ka mid yihiin ummadaha cashuuraha bixiya. In la isku wada qabto oo la yiraa waa dad ku sifoobey kelmadahaas waxaa ay noqoneysaa ku xadgudub dad dhan oo meel degan. Waxaana ay arintaasi leedahay shuruuc ay dowlada iswiidhan ugu talo gashay.

Waxaa kaloo iyana qalad iyo meel kaga dhac ah in dadka Soomaaliyeed ee degan wadankan sweden uu safiirku ku sifeeyo dad taageero u fidiya ururo argagixiso ah. Haddii ay jiraan dad ka mid ah Soomaalida sweden oo iyagu taageera argagixiso waxaa ay u taalaa dadkaas iyo ciidamada nabadsugida ee dalka. Balse in shicib dhan la isku qaado laguna tilmaamo argagixiso waa mid iyadana meel kaga dhac ah shicibka soomaaliyeed ee sweden. Caddeynteedana Safiirka ayaa laga rabaa.

Turjumaada iyo Faalada:
C/risaq M Xuseen, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS