SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Ururaka Aqoon yahanada Puntland

Warqad Furan kuna wajahan Maamulka Puntland (Open Latter)

Anagoo ah ururka aqoon yahanada reer puntland ee jooga dalka iyo Dibadaba waxaan aad uga Xunahay Dhibaatadii ka dhacdey dhawaan maamulka puntland taas oo ahayd in rag ka soo jeeda gobolka ogaadeemiya loo gacan galiyo cadowga soo jireenka ah ee Ithoobiya Waxaan kale oo raali galin u direynaa qoyeskii ay soo jeedeen anagoo la qeybsaneyna Dhibka maadaama ay dhalasho iyo dhaqanba nala wadaagaan.

Waxaa la yaableh Marka la dhiibo dadka aanu walaalah nahay xagee noofoyow barina soo kuwa kale oo ku dhaqan gobolka la dhiibimaayo,waxaan baaqan u soo jeedineynaa siyaadasad qalafsan ee Gen:cade ku dhaqmaayo waa yahan iyo kuwa ku jira maamulkiia.waxaan ugu baaqeynaa iney si shuruud la'aan ah masuuliyadeeda dusha ku qaadaan arintaas foolka xun ama ay cadeeyaaan in ayana wax hadal ah ka odhan karin dhibaatada ay itoobiyo ka geysaneyso puntland.

Ma jirto siyaad odhaneysa wax ha laguu qabto ee walaalka aan gawraco hadii cade muuse maskaxda kaga jirto Eithiopia gashaan ka dhigo kuu noqon meyso Puntland wax nin jeebkii gasha ka weyn dadka ku abtirasad puntland colaad adigu aad wax ku dooneyso noo sameynmeysid waxaan kale oo wax kaga xumaado ah in maamulkii Hadafkii ama qorshihii loo dhisey uu dhinac marey iyadoo wada ogsoonahay dhibaatada haysata dadka reer puntland SICIR Barar,Aman Xumo, Horumar la'aan IWM.

Hadaba xagee ayey puntland u socotaa ma dhinaca dhibka iyo haraadka mise horumar waxaa iska cad inta maamulka hada meesha jooga uu awooda hayo iney puntland noqondoonto meel dhibku kaga danbeeyo xamar waayo..? siyaasada ay wadaan raga horboodayaan waa dhib soo socda ,si arintaas Puntland uga bad-baado waa in la helaa is badel dhaqso ah reer puntland ay noqdaan dad aan eegin kuwa hada horjooga ee ay ka tashaadaan waxaanu hadalka ku soo gunaanadeynaa in marka hore arintii foosha xumeyd laga hortago si ayana mar kale u dhicin lana soo daayo walalahayaga absame ee aanu wada dhalaney .

1-Axmed Maxamed cumar (Gudoomiyaha ururka aqoon yahanad)
2-jaamac faarax cali (ku xigeen ka ururka)
3-xasan diiriye cali (xoghayaha ururka)

La xiriir: axmedxiis4@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS