SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Beesha Warsangeli ee ku dhaqan wadamada Austalia iyo New Zealand oo cambaarayn xoogan u diray Mamul Gobeleedka Puntland.

Beesha Warsangeli ee ku dhaqan dalka Australia iyo New Zealand ayaa waxa ay halka cambaarayn xoogay uga diraysaa falalkii foosha xuumaa ee Maamul gobeleedka Puntland kula kacay dadkii maganta ahaa ee ka soo cararay Gumaystaha Ethiopia.

dr ibrahimSomaliTalk oo Nairobi Waraysi kula Yeelatay Qoyska Dr. Ibrahim G. Cali,
oo ah Dhakhtar Somali-Kenyan ah oo ku xiran Maamul Goboleedka Puntland. Balqiisa Baana waxay sheegay in... Dhegeysi/Akhris...

Waxaa naxdin leh in dad magan ah (polititacal asylum seekers) maalin cad loo dhiibi cadowgii ay ka soo carareen, taas oo ah wax laga naxo, Sharciga Adduunka, Kan islaamka, iyo kan Soomaalidana uu mamnuucaayo.

Waxa kale oo shababka reer Puntland ay Jaaliyada beesha Warsangeli u diraysaa fariin in ay dhacdooyinkan wax ka qabtaan, si aan mar danbe loogu kecin.

Waxaa sidoo kale jaaliyadu eed wayn dusha uga tuurtay Maamul xumada Cadde Muuse iyo Xulufadiisa, taas oo hoos u dhigtay nabadii ka jirtay degaanka. Dhamaan shacabkana waxa lagu dar daarmi in ay adkeeyaan Amaanka iyo kala danbeeynta.

Ali A Yusuf Xawar
Alihawar@gmail.com
Afhayeenka Jaaliyada Australia/New Zealand

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2008

plShir Nairobi ay ku qabteen Jaaliyada Puntland
oo lagu Canbaareeyay DG Puntland falkii ay Itoobiya ugu gacan galisay Raggii Soomaaliyeed. Bayaan/Akhris/sawiro
May 12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS