SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL
Daabaco Boggan | Print

Waraysi la xiriira Raggii Loo Gacan Geliyey Itoobiya
Radio Australia oo Waraysi la yeeshay Maxamed Ismaaciil Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee ONLF, Magaalada Sydney iyo Sh. Ciise Cabdow Iimaam Soomaaliyeed Dhegeyso ama
halkan (mp3)

Wareeysi British Broadcasting Corporation Somali La Yeelatay Gudoomiye Ku Xigeenka O.N.L.F


بسم الله الرحمن الرحيم

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmark oo cambaareyn kulul u jeedisay Itoobiya

Ku:

Ummadda Somaaliyeed ee dal iyo dibed ku nool
Beesha Caalamka
Gumeysiga xabashida ee xaqdarrada ku heysta Soomaaliya iyo
Shucuubta dunida muslimka
Og: Kooxda dabadhilifka u ah Xabashida

Annagoo ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark waxaan ugu horreyn si adag u cambaareyneynaa ciidamada gumeysiga Itoobiya ee xasuuqa waxashnimada ah ka wada Soomaaliya.

    Cidina kama qarsoona tacadiga iyo gumaadka ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed inuu yahay kan ugu ba’an xasuuqyada isir-goynta ah ee dunida ka dhacaya qarnigan aynu ku jirno.                                              

    Laga soo bilaabo xilligii ciidamada gumeysiga Itoobiya ay qabsadeen caasimadda Soomaaliya oo haatan laga joogo in ka yar sanad iyo badh, waxay ciidamada xabashidu xasuuqeen kumannaan maato ah oo isuguna jira carruur, dhallinyaro, rag, haween  iyo dad waayeel ah, iyagoo shacabka intiisi kalena ku qasbay inay u qeybsamaan wax nafta ula baxsada gobollada dalka, wax daryeel la’aan ugu dacdarreysan duleeddada magaalada Muqdisho iyo inta soo hadhay oo ay badeen iney hadba ku dhex qaxaan isla gudaha caasimadda dalka.

    Cidhibtirka iyo gumaadka qorsheysan ee ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha Soomaaliya bar-tilmaameedsanayana xaafadaha la deggan yahay iyo goobaha lagu cibaadeysto, iyagoo guryaha ku dumiya dadkoodi oo ku jira, masaajiddana ku dhex bireeya ciddii nafta kula soo cararta, ayaa ah fal-dambiyeed  ay bulshada caalamku wadaag kula tahay Itoobiya maadaama ay waxyeellooyinkaas cadowtooyada ah ka indho iyo dhega laabteen, kuna taageerayaan Itoobiya isir-goynta ummadda Soomaaliyeed. 

    Baaq

  1. Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iney ku midoobaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. soo celinta madax bannaanidoodana meel uga soo wada jeestaan, kana fogaadaan qabyaaladda iyo is kala qoqobka, sabir iyo dulqaadna u yeeshaan imtixaanka Rabbaaniga ah ee ay ku jiraan, lana yimaadaan asbaabaha lagu muteysto hiilka iyo gargaarka Eebe.
  1. Waxaan annagoo ka tiiraanyeysan ummadda Somaaliyeed uga tacsiyeyneynaa, gaar ahaan eheladii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey weerarradii dugaagnimada ahaa ee ay ciidamada gumeysigu ku laayeen qeyb kamid ah shacabkii ku dhaqnaa magaalada Muqdisho maalmihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay. Alle waxaan ka tuugeyna inuu dadkaas jannadiisii geeyo kana aqbalo shahaadada, eheladii ay ka tageen iyo innagana sabir iyo iimaan inaka siiyo.
  1. Waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka tageenba uga tacsiyeyneynaa culimadii iyo ducaaddii sida foosha xun cadowgu ugu laayey gudaha masjidka Al-hidaaya, ayna ugu magac dheeraayeen Sh. C/Laahi Maxamuud Ciise iyo Sh. Siciid Yaxye annagoo Ilaahay uga baryeyna inuu naxariistii janno ka waraabiyo shahaadadana ka aqbalo, ummadeennana ka sabirsiiyo, bedel iyaga kasii khayr badanna booskoodii u geliyo.
  1. Waxaan xasuusineynaa shacabkeenna aabi-diidka ah, in xabashi aysan ka awood badneyn gumeystayaashii reer Yurub ee ay heeryadooda iska tuureen, iyagoo intan ka tiro iyo taag yar, haatanna looga baahan yahay uun iney yeelaan si la mid ah sidii ay waagaa yeeleen, maxaa yeelay xorriyaddii ay waagaa u dirirayeen ayaa nasiib darro maanatana maqan, waxaase nasiib wanaag ah in gumeystaha maanta jooga uusan la awood aheyn kii aan iska erinay waagaas, innana innagoon intaa keliya cuskaneyn aynu ka awood, aqoon iyo aragti dheer nahay sidii aynu waagaas aheyn.
  1. Mareykanka iyo xulufadiisa kibir-ciyaaroyga ugu heellan, hurinta colaadaha iyo xasuuqa shucuubta taagta daran waxaan ugu baaqeynaa, inay ka waantoobaan taageerada millatari ee ay Itoobiya ku siinayaan baabi’inta ummadda Soomaaliyeed, annagoo ogeysiineyna, in shacabka Soomaaliyeed aysan laheyn awood khatar ku noqon karta amniga iyo masaalixda Mareykan iyo kan mandiqada toona, hase yeeshee ay Soomaalidu yihiin shacab sanado badan ay ragaadiyeen musiibooyin isugu jira kuwo Rabbaani ah iyo kuwo dad samee ah, sida abaaro, dowlad la’aan, fowdo, amni darro, sicir barar iyo faragelin shisheeye. Shacabka Soomaaliyeed ee ku jira duruufahaas ad-adag ma mudna umana baahna in dhibka heysta mid kale loogu daro iyo in lagu maalgeliyo, lagu hubeeyo, laguna eegto Itoobiya oo Soomaalida u qabta cadaawad soo jireen ah ujeedkeeduna yahay dabargoynta inta ka badbaadday musiibooyinkaas aan soo sheegnay.
  1. Gumeystaha aan ood-wadaagga nahay ee naasnuujinta Mareykanka ku jooga Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa, inay tooda ugu turaan isaga bixitaanka Soomaaliya si aysan ragaadka isugu sii fogeyn, maxaa yeelay godobta ay ka galayaan shacabka Soomaaliyeed ma aha mid xisaab la’aan la isaga illaawi doono. Waxaan xasuusineynaa Itoobiya Ilaahay idankii cidda geeska Afrika isugu soo hari doonta iney yihiin annaga iyo iyaga, marka xisaabtanka la gaarana Mareykan uusan ka saari doonin, ayna bixin doonaan labanlaabka qiimaha waxa ay maanta Xamar ka geysanayaan.
  1. Waxaan dhammaan dalalka iyo shucuubta muslimiinta ah ugu baaqeynaa iney walaalahooda Soomaaliyeed ee cadowgu gumaadayo u gurmadaan islana garab taagaan gargaar isugu jira hiil, hoo iyo Alle u bari, si ay kaalmo mooral iyo mid gacmeed uga geystaan badbaadinta jiritaanka baaqiga ka haray ummadda Soomaaliyeed.
  1. Kooxda dabadhilifka ah ee sheegata iney yihiin dowlad Soomaaliyeed kuna mushahar qaata marmarsiinyo u sameynta joogitaanka Itoobiya iyo xasuuqidda shacabka Soomaaliyeed ee ay magacooda ku dawarsadaan, waxaan ogeysiineynaa iney ummadda Soomaaliyeed dayro ka yihiin, lagulana xisaabtami doono waxa lagala xisaabtamayo gumeystaha ay u adeegayaan.

Gabagabadii bulshada Soomaaliyeed waxaan ogeysiineynaa berri imaan doonta ineysan fogeyn, xaq ninkii lahaa ku raad joogana inuusan lumin, sidaa aawadeedna looga baahan yahay inay ku dhabar adeygaan baadidoonka xorriyaddooda iyo madax-bannaanidooda maqan.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa in Soomaali iyo muslimiinta kale ee dulman uu ka dulqaado dhibaatada.

    Liiska saxiixayaasha bayaanka oo ka koobnaa 327 magacyadooda kala xiriir:

C/Qani Qorane Maxamed
+45-5130-8306
cabdulqani@gmail.com


OGEYSIIS KU SOCDO REER LONDON

KA DHIIDHI GOWRACA IYO XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED

Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan dhamaan dhamaan Bulsha waynta Soomaaliyeed ee ku nool UK in ay kasoo qayb galaan Mudaharaad balaaran oo 26 April 2008 ka dhici doonaa kazoo horjeedka xaafiiska raasu wasaaraha Ingiriiska. 10 Downing Street. Saacadu waa 12-16 pm Labiyo tobanka duhurnimo ilaa afarta galab nimo. Fadlan horey usoo qaado wax kasta oo aad ku muujineysid caradada iyo Jariimada umaada loo geeystay. Oo Sharciga waafaqsan. Wixii intaas dheer fadlan kala soo xariir.
Abdisalam Daljir Tel 07985469472

Mr A Guled

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS