SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY GOLAHA MIDNIMADA SOOMAALIYEED

UJ: CANBAARAYN XADGUDUBYADA, XASUUQA LOO GAYSANAYO UMMADDA
SOOMAALIYEED IYO U GACANGALINTA CADOWGA DADKA SOOMALI GALABEED

KU : UNta, EU, OIC, JAAMICADDA CARABTA, AU, Dowladaha, Hay'adaha xuquuqul-
Insaanka, Warbaahinta dunida iyo dhammaan dadweynaha aduunka.

OG: Dalalka Maraykanka & Itoobiya
OG : Dadweynaha Soomaaliyeed

Golaha Midnimada Soomaali Weyn wuxuu si adag u canbaaraynayaa dilka, xasuuqa iyo xadgudubyada joogtada ah ee loo gaysano ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana falalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo ciidamada Ethiopia & Mareykanku ay ku dileen dad badan oo ay ku jireen caruur, haween iyo waayeel aan waxba galabsanin.

Sida la warqabo 18, 19 & 20 April 2008 waxay ciidamada Ethiopia ku dileen dad rayad ah oo gaadhayey 80 ruux oo ay ku jireen Culamaa-U diin caan ahaa oo lagala baxay Masaajidka Al-Hidaaya, isla markaana la gowracey. Sidoo kale 29 /04/08 magaalada Baydhabo ayey ciidamada Xabashidu ku 15 ruux oo rayad ahaa, kuna dhaawaceen tira intaas ka badan. Ciidamada Mareykanka ayaa iyana duqayn ku diley magaalada Dhuusamareeb 25 ruux oo caruur & dumar ku jireen, isla markaana waxay ku dhaawaceen in ka badan 30 ruux oo kale.

Waxaan iyana la moogeyn in xubna gaadhaya 10 ruux oo isuga jira qaar ka tirsan ururka ONLF & dhalinyaro rayad maamulka Waqooyi-Bari [ Puntland] ay dhamaadkii April iyo 02/05/08 ay gacanta u galiyeen cadowga Xabashida, taas oo xadgudub ku ah xuquuqul-insaanka, isla markaana dhaawaceysa sharafta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba madaama cadowga Soomaaliyeed iyo dabadhilafyadiisuu ay kula kacayaan dadweynaha Soomaaliyeed falalkan foosha xun ee kor ku xusan ayuu Golaha Midnimada Soomaaliweyn wuxuu hay'adaha caalamiga ah, gobaleedka, hay'adaha xuquuqul-insaanka, dowladaha iyo aduunkaba ka codsanayaan in la canbaareeyo falal- danbiyeedyada lagula kacayo ummadda Soomaaliyeed, waxna laga qabto.

Ugu danbeyntii wuxuu Goluhu u tacsiyeynayaa eheladii dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku dhacday iyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed.

XAFIISKA WARFAAFINTA & QORAALADA
GOLAHA MIDNIMADA SOOMAALI WEYN,
02/05/08

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS