SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - MAQAAL

Waa Arin lagu farxo, jawaabta ay reer Puntland bixiyeen 

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta baddan iga gudooma salaanta Islaamka ( A.C.W.W). 

Dulmigu yar yareysi malaha,  waana xaq in laga horyimaado cid walboo dulmi inay sameyso u bareerta. Marna raali haka noqon dulmi loo geysanayo walaalkaa Soomaaliga ah, marna kula muslinka ah.  Xadiiski rasuulkeena ayaa wuxuu ahaa, haddii aad aragtaan munkar isku daya inaad ku suulisaan gacantiina, haddii aad kari weydaan afkiina, haddii awoodi weysaana  Uurka ka karha, waana halka ugu hooseysa iimaanka. Marka maanta ugu yaraan afka inaad ka hadashaan waa wax dhan oo aad runta u sheegtaan maamul ku sheegan meesha noo fadhiyo.  

Runtii aad iyo aad baan ugu farxay markaan artkay dadka reer Puntland meel walboo ay joogaanba inay bari ka noqdeen ficilkii foosha xumaa ee uu maamulka sida ula kaca ah u sameeyay, markii danbana isku dayey inay inkiraan. Mar inay dadku arkaan waxa meesha ka jiraa waa wax aad iyo aad u wanaagsan.  

Waxaan la yaabay war maamulu Miyuusan xitaa xishooneyn, isagoo ay badatay fashilaadiisa, oo meel walba ay dadku amkaag uu kasoo haray, kadib markey arkeen waxyaalaha foosha xun ee ka dhacaya gobolka, sida:-

  • Ammaankii oo faraha ka baxay.

  • Lacagta faalsada ah ee leyska daabacayo.

  • Sicir bararka.

  • Dilka, dhaca.

  • Musuqmaasuqa foosha xun ee ay wasiirada caadeysteen.

  • Puntland oo qarka u saaran inay kala googo’do.

  • Magaalooyinkii qaar oo lagaqabsaday.

  • Tahriibta lagu dhamaaday.

  • Afduubka loo geysanayo maraakiibta iyo Doonyaha.

Intaas iyo in ka baddan oo aynu la yaabaneen, ayuu hadda ku daray in muwaadiniintii Soomaaliyeed ay ka iibsadaan dowlado shisheeye. Runtii waa ayaandaro nasoo foodsaartay, laakiin waxey u baahan tahay in lagu xaliyo caqli fiyoow, Allahna la talo saarto lana sabro. Ma ayidayo in khalad khalad lagu saxo ee wax walba halala kaashado sabir iyo dulqaad iyo sidii maamulkan qaldan loo toos toosin lahaa. 

Ummadda walaalaheena ah ee Ogaadeen, waxeynu leenahay hanoo qabanina arintaa khaldan ee uu geystay maamulkaa fashilka ah. Mar walba eega walaaltinimada iyo qadarinta ay idiin hayaan ummadda reer Puntland meel walboo ay joogaanba. Waxaan aaminsanahay inaanay jirin cid idinka xigtaa dhulkaa Puntland, dadkuna ay dadkiinii yihiin, ee ruux khaldamay ama maamul laheyste ah, ha eegina khaladkey sameynayaan. Runtii waa wax qalbiga ka oohiya, indhahana ka ilmeysiiya arintaas foosha xun ee uu maamulka puntland galay, waxaan ugu wacan waayaha oo u hiilinayo, ee waxaan idiin leeyahay waa la doogiyee yaan la dacaroon. 

Mar labaad ummadda reer Puntland waxaan leeyahay ha u dulqaadanina dulmiga lagu sameeynayo dadka walaalaheena ah ee had iyo jeer martida ku ah deegaanadeena ama ka shaqeysta ama wax ka barta amaba degan. Waxey naga mudan yihiin soo dhaweyn ee nagama mudna in cadow gacanta loo galiyo. 

Intaas ayaan mowduuceygan yar kusoo gabagabeynayaa wixii khalad ah oo aan sameeyay waa nafteyda iyo sheydaan, wixii aan asiibayna Allaah ayeey ka sugnaatay. 

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac jooje. 
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

plShir Nairobi ay ku qabteen Jaaliyada Puntland
oo lagu Canbaareeyay DG Puntland falkii ay Itoobiya ugu gacan galisay Raggii Soomaaliyeed. Bayaan/Akhris/sawiro
May 12

:::Beesha Warsangeli ee ku dhaqan wadamada Austalia iyo New Zealand oo cambaarayn xoogan u diray Mamul Gobeleedka Puntland

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS