11-ka Agoosto: Maalin Murugo u ah Bahda Saxaafadda
11-ka August waaa maalin aysan hilmaami
doonin dhamaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan maadaama
maalinkaa la dilay Agaasimihii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi
iyo Cali Iimaan Sharmaake oo ka mid ahaa Milkiilayaasha Idaacadda Horn
Afrik waxaana geystay dilkooda Kooxo aan dooneyn Xoriyadda Saxaafadda ay
ka hana qaaday.
Cali iimaan Sharmaake ayaa intuusan ku
geeriyoon Qarax miino mar uu ka soo laabtay Aaska Marxuum Mahad Axmed
Cilmi wuxuuna sheegay in Mahad ay dileen Koox dooneysa in ay aamusiyaan
Idaacadda Horn Afrik iyo waliba Capital Voice, Axmed C/salaam oo ka mid
ah Milkiilayaasha Idaacadda Horn Afrik ayaa dilkaasi ku tilmaamay mid la
doonayo in lagu caburiyo Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed.
Cali Maxmed Geedi oo Ra’iisul Wasaare ka ah
Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in dilkaa ay ka danbeeyeen
kooxo nabad diid ah oo ka soo horjeeda in Soomaaliya ay ka dhalato
Dowlad, Sh. Shariif Sh. Aadan oo ah Gudoomiyaha Maxkamaddaha Islaamiga
ah ayaa waxa uu dilkaasi ku eedeeyay Dowladda Federaalka ah iyo
Ciidamadda Itoobiya maadaama ay saxaafaddu sheegeysay dhibaatada ay ku
hayaan Bulshadda.
Dilkaan waxaa canbaareeyay Ururadda
Saxaafadda Caalamka iyo kuwa gudaha, sidoo kale waxaa canbaareeyay
dhamaan hey’adaha Xuquuqda aadanaha ee ka jira Dalka iyo dibadda iyo
dhamaan Bulashadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxeyna
sheegeen in Dilkaasi uu xadgudub ku yahay Shareecadda Islaamka ah,
xeerka dhaqanka Soomaaliyeed iyo Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha
ah.
Sawiradii Aaskii Wariye Mahad iyo Dilkii Cali Iimaan
Sharmaake
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
.Gumaadka indheer-garadka saxaafada iyo
oohinta Yaxaaska | Rooble
. Dhagarta jawaasiista!!! | Aadam Xasan
. Gumaadka Saxafiyiinta, Gabrana Og Geedina
Jecel. | Fiyoore