SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Gabdhaha Soomaaliyeed ee Ciidamada Xabashidu kufsadeen...

  • Ciidamada Itoobiya oo Xamar-Bile ku kufsaday Gabar Kale oo Soomaaliyeed...
  • Ciidamada Itoobiya oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay.
  • Shan Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed, Kuna Kufsaday Gudaha Soomaaliya...

Ciidamada Itoobiya oo Xamar-Bile ku kufsaday Gabar Kale oo Soomaaliyeed...



April 15, 2007: Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya deegaanka Xamar Bile ku kufsadeen gabar da’deedu lgu qiyaasay 15 sano (ilaa 18 sano) oo lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xaashi.

Afhayeenku waxa uu sheegay in gabadhaasi la kufsaday 12-kii Bishan mar ay damacday in ay gurigeeda u doonato alaabo, waxa uuna sheegay in ay kufsadeen ciidamo fara badan.

AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

Fardowsa oo haatan taala Isbitaalka Xaawo Cabdi ee Deegaanka Lafoole ayaa waxa uu afhayeenku sheegay in ciddii dooneysa inay gabadhaasi soo eegto ay halkaasi ugu tagi karto.

Axmed Diiriye waxa uu sheegay in kufsigaani uu qayb ka yahay dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haatan ciidamadaasi ay haystaan guryo ay lahayaeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo uu ku jiro Isbitaalka Xayaat.

Dhawaan ayey ahayd markii Haweenay 30-jir ah ay kufsadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku suganaa xerada Darmooley, Haweeneydaas oo haatan u xanuunsaneysa kufsigii loo gaystay.

Faafin: SomaliTalk.com | Faafin: April 16, 2007


Ciidamada Itoobiya oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..

March 14, 2007

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Darmooley ee Ceel-Cirfiid ayaa kufsaday Hooyo-Soomaaliyeed oo da’deedu tahay 37 jir oo dhashay sideed carruur ah mar ay ku soo socotay Magaalada Muqdisho, wadatayna Gaari Dameer u saarnaa xoogaa Caws ah oo ay dooneysay inay ka iibsato Magaalada Muqdisho.

Hooyadaas Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa shalay shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho, waxayna ku faahfaahisay qaabkii ay Ciidamada Itoobiya u kufsadeen, waxayna sheegtay in ay goor barqo ah ay ku soo baxeen labo nin oo Itoobiyaan ah kadibna inta ay gaarigii ka dejiyeen ay u geysteen garaacis, kadibna ay u jiideen meel hawd ah halkaas oo ay ku fara xumeeyeen.

Suuban waxay sheegtay in waqti dambe halkaasi laga soo qaaday iyadoo aad u xanuusaneysa, waxaana la keenay Isbitaalka Kaydsaney, waxayna Taakhaatiirtu sheegeen in Hoyadaas Soomaaliyeed si xun loo kufsaday, waxayna ku wargeliyeen ninkeeda in uusan u tagi mudo lix bilood ah, dhanka kalana aysan nuujin Karin canugeeda, mudadadaas kadibna dib loogu soo celiyo Isbitaalka si looga baaro cudurkaq Aidska.



Ninkeeda oo lagu magacaabo Axmed Cali Xasan ayaa waxa uu sheegay in Xaaskiisa lagula kacay wax ka baxsan Bini’aadannimada, waxaa uuna u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay gacan ka gaysato sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa labadii nin ee Itoobiyaanka ah ee kufsaday Xaaskiisa.

Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin kufsiga loo gaystay hooyadaasi Soomaaliyeed, dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa iyana aad uga carooday falkaas lagula kacay hooyadaas Soomaaliyeed ee dhashay 8-deeda carruurta ah.

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2007


Shan Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed, Kuna Kufsaday Gudaha Soomaaliya...Axad, Jan 14, 2007: Sida ay qortay jariidada ka soo baxda dalka Ingriiska ee Telegraph caddadkeedii maanta (14/1/2007), shan nin oo ah Ciidamada hubaysan ee Itoobiya oo ku lebisan dereyska askarta ayaa qof dumar ah oo Soomaaliyeed ku kufsaday meel u dhow xadka ay Soomaaliya la leedahay dalka Kenya, sidaasna waxay jariidadu ka soo xigatey shaqaalaha gargaarka ee reer Galbeedka.

Warku waxa uu intaas ku daray in dhacdadaasi aysan ahayn kufsigii ugu horeeyey ama kan keliya ee ay ciidamada Itoobiya u geysteen dumarka Soomaaliyeed, balse ay jiraan warbixino badan oo taas la mid ah. Jariidada oo arrintaas ka hadlaysey waxay tiri, ayadoo soo xiganeysa shaqaalaha gargaarka: "Dhacdadani ma ahayn tan keliya ee lagu soo waramay. Waxaa nasoo gaaraya warbixino badan oo noocaan ah," Waxana shaqaalaha gargaarka ee reer Galbeedku intaas ku dareen "Dagaalku marmarsiinyo uma aha ficilladan, mana aha guul."

Waxaa warku intaas ku daray in ciidamada Itoobiya si bini aadaminada ka baxsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed. Dhacdo kale arrimhaas ka mid ah ayadoo xuseysa waxay Telegraph tiri: Ciidamada Itoobiya waxay istaajiyaan basaska bannaanka Muqdisho, dadka basaska saarana si xun ayey ula dhaqmaan oo camcaminaya oo isku deyaya in ay ugaarsadaan qof kasta oo taageeray dagaalkii Maxakamdaha Islaamiga ah, sida laga soo xigtey Qaramada Midoobey.

Dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah ihaanada ugu weyn ee u dheer in dhulkooda xoog lagu gumeysto waxay tahay in hortooda lagu kufsado hooyooyinkood, gabdhahooda iyo xaasaskooda iyo gabdhaha Muslimaadka ah ee Allah dartiis u xijaabtey, waana sida muuqata ee ay hadda sameeyeen ciidanka xabashidu mar haddii shan nin ay hal qof oo dumar ah Soomaaliyeed sidaas u galeen ayadoo aysan jirin cid ka hadli karta oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed, DFKMG ahna ay tahay mid shacabkeeda laga ilaaliyo oo ciidamada xabashidu ku hor joogaan Villa Soomaaliya qaybtii ay qurxiyeen Maxkamadaha Islaamiga ah, warbixinada ka qaadata ciidamada ficilladaas geysanaya, askarigii Soomaaliyeed ee arrimahaas ka dhiidhiyana xabsiga loo taxaabayo.

Britain: Zenawi ama aamus ama caddayn keen in dad reer Britain ah aad dagaalka Soomaaliya ku qabateen

Dhanka kale jariidada Telegraph waxay qortay in Itoobiya ay wax cadayn ah u keeni weydey in muwaadiniin reer Britain ah lagu qabtay dagaalkii ay la galeen maxkamadaha Islaamiga ah. Jariidadu oo arrntaas ka hadleysa waxay tiri:

Itoobiya waxay sheegatay in ay xirxirtay dad haysta dhalashada dalka Ingriiska oo ay ku qabatay dagaalkii ay la gashay dagaalyahaniinta Islaamiga ah Soomaaliya gudeheda arrintaas oo si isa soo tareysa ugu muuqatay mid mugdi weyni ku jiro kadib markii xalay uu xafiiska wasaarada arrimaha dibada Ingiriisku uu Itoobiya weydiistey in arrintaas cadayn u keenta balse ay jawaab ka soo bixin weydey

Meles Zenawi, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayey tiri jariidadu, oo ciidamadiisu awoodii ka tuureen Maxkamadihii Islaamiga ah bilowgii sannadka cusub, ayaa Talaadadii waxa uu yiri in dad British ah ay qayb ka ahaayeen kooxda caalamiga ah ee mujahidiinta kuwaas oo Maraykanku uu Isniintii ku duqeeyey Koonfurta Soomaaliya.

Jariidada uu warkeedii sii wadata waxay tiri: Markii dambe Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday aaggii ay ku andacoonayeen in ay joogaan toddoba haysta baasaboorka Ingriiska oo ku dhaawacmay duqaynta. Nimanka la qabtay waxay ku sheegeen Soomaali degganaansho ku leh Britain kuwaas oo Soomaaliya ugu laabtay in ay Maxkamadaha Islaamka u dagaalamaan. Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo muddo shan maalmood ah la weydiisanayey faahfaahin dheeraad ah, London ilaa hadda lama soo siin magacyada ama lambarada Baasaboorada si looga fiiriyo xafiiska diiwaan haynta Ingriiska iyo diiwaanka la dagaalanka argaggaxisada.

Jarididdu waxay tiri: Maalinti Jimacadii ayey ahayd markii ugu dambeysey ee Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Britain ay Itobiya u dirtay dhambaal ah xogta aad haysid keen ama iska aamus, taas oo  ilaa shalay galab aan wax jawaab ah laga helib. Waxa kale oo warku sheegay in Britain oo arrintaas ka welweshan ay baaritaan gaar ah oo arrintaas ku samaysay iyadoo adeegsaneysa safaaradeeda Kenya iyo M16, laakiin aan la helin wax muujinaya ama cadayn u ah waxa ay Itoobiya ku andacooneyso.

Jariidada oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: Dawladda Itoobiya ku guul daraysashadeeda in ay keeni weydey cadayn wixii ay ku andacooneysey waxay kor u sii qaadeysaa shakigii laga qabey in Mr. Zenawi ay hadal tiro iyo marmarsiinyo ka ahayd sheegashadiisa  mujaahidiinta ajnabiga ah si uu cadayn ugu helo duulaankiisa. Waxayna jariidadu intaas raacisay: Itoobiya waa cadawga taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Waxaa warku intaas ku daray in Khamiistii uu safiirka Maraykanka u fadhiga Kenya, Michael Ranneberger, uu qiray in duqayntii Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya aan lagu dilin xubno ka mid ah al-Qaeda ee la raadinayey. Hadalkaas oo buriyey sheegashadii xubno ka tirsan DFKMG.

Waxaa warku intaas raaciyey in duqayntii ay ku dhinteen 70 qof oo xoola dhaqato ah sida ay sheegtay hay'dada gargaarka ee fadhigeedu yahay dalka Ingriiska ee Oxfam.

Waa kan markii ay Telegraph ka hadelysey kufsiga hadalkii ay qortay:

  • Five men in Ethiopian army uniforms also allegedly raped a woman near the Kenyan border, Western aid workers said. "This is not the only incident. We are receiving many of these reports," said one. "War is not an excuse for these actions, nor is victory." http://www.telegraph.co.uk

Jariidadda EritreaDaily oo faallo ka bixineysey in Zenawi uu cadayn u keeni waayey in ay Soomaaliya ku qabteen dad haysta dhalashada Ingriiska, waxa ay tiri: "Once a liar, always a liar" oo ah qofkii hal mar been sheega, weligsiis been sheeg iskama daayo.

Faain: Jan 14, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com