SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

IBTILO

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com


Tixdaan magaceeda la yiraahdo “Ibtilo” waxaa curiyey Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon taariikhdu markay ahayd 01/04/07. Tixdu waxay tilmaan kooban ka bixinaysaa xaaladda dalkeennii ku suganyahay.

  1. Indhow-garad baa na helay
  2. Asluubtaa laga arraday
  3. Inkaar baa nagu dhacdoo
  4. Ilaah baa nagu salladay
  5. Dadaan arxan noo galayn 
     
  6. Amxaar baan wada rabnaa
  7. Annagu ways diidannahay
  8. Ikhyaar iyo oday ma jiro
  9. Indheer-garad waa la cunay
  10. Dhammaan iilkaa la dhigay
  11. Ibtilo baa nagu dhacdaye
  12. Alloow talo noo ekaa!! 
     
  13. Anaa adi kaa tol weyn
  14. Itaal baan kugu marsiin
  15. Waxaan anigaba iqaban
  16. Ayaa lagu doodayaa
  17. Ummad lagu laynayaa
  18. Qaran lagu aasayaa
  19. Inkaar baa nagu dhacdoo
  20. Ibliis baa noo tashaye
  21. Alloow talo noo ekaa!! 
     
  22. Koluu Afrikaan ku yahay
  23. Adduun waa naga hormaray
  24. Annagu waan qaybsannahay
  25. Bal eegoo eegga daya
  26. Halkaan aayaha ku furay
  27. Qofkiinnii aragti lihi
  28. Ilmadu saw kaama quban
  29. Inkaar baa nagu dhacdoo
  30. Ibliis baa noo tashaye
  31. Alloow talo noo ekaa!! 
     
  32. Agoontii baa ka badan
  33. Kuwii aabbaha lahaa
  34. Iskuul cidi uma dhigtoo
  35. Aqoon li’i bay koraan
  36. Xeryaa lagu oodayaa
  37. Waxaa lagu oranayaa
  38. Askari baad noo tihiin
  39. Iyana weeyey ku odhan 
     
  40. Illeyn waa duul Ibliis
  41. Dhammaantood ababiyoo
  42. Asxaan aan loo galine
  43. Aa-kee bay wada sitaan
  44. Dadkay ku afuufayaan
  45. Iyana ways laynayaan
  46. Ibtilo baa nagu dhacdaye
  47. Alloow talo noo ekaa!! 
     
  48. Ayey baa layska nacay
  49. Aroor xero looga tagay
  50. Awoowana waa la dilay
  51. Ummulahaa orad ku dhala
  52. Waxaas arxan goys la dhigay
  53. Ilaah waa nala ogyahay
  54. Abaal marin baa ka iman
  55. Inkaar baa nagu dhacdoo
  56. Ibliis baa noo tashaye
  57. Alloow talo noo ekaa!! 
     
  58. Islaamkaan cadow u nahay
  59. Ilxaadkaan wada rabnaa
  60. Annagu ways diiddannahay
  61. Illaa ceelkii Berbera
  62. Dhammaan eed baan qabnaa
  63. Uurkaan ka colleysannahay
  64. Amxaar urayoo baqtiyey
  65. Ayaa loo abasaxyahay
  66. Inkaar baa nagu dhacdoo
  67. Ibliis baa noo tashaye
  68. Alloow talo noo ekaa!! 
     
  69. Haddii Xamar aan gubnoo
  70. Abbaajaha Mililik iyo
  71. Amriikaan lagu fasaxo
  72. Halkii laga ooyi laa
  73. Badhkiin alalaasayaan
  74. Ogaadoo maahan tani
  75. Angoola iyo Barasafiil
  76. Inkaar baa nagu dhacdoo
  77. Ibliis baa noo tashaye
  78. Alloow talo noo ekaa!! 
     
  79. Intaan nalakaba adkaan
  80. Intaan nala aayo tidhin
  81. Alloow talo noo ekaa
  82. Inaan is-uruursannoo
  83. Adkeyno wadajirkoo
  84. Idleyno Ilaaqtankiyo
  85. Anaaniyadaan xuntaa!! 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com