SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Dhagarta jawaasiista!!!

aadam hassan abdirahman

aaden17@hotmail.com


Imisaa shacab masiirkiisa la daba gadiyay ?maxaa yeelay xaqiiqadii ayaa been loo  rogay! imisaa la niyad jabiyay mashruuc  ummadeed ama dhulka la galiyay shacab dhan noloshiisa imisaa wadani shiqrqool loo maleegay imisaa madax dadkooda doorteen qoorta loo dheereeyay imisaa dawlad dhisnayd loo rogay bahala galeen imisaa dad nabad ku noolaa colaad loo abuuray!! maxaa yeelay waxaa nagu dhex jira ugu yaraan hal Khaa in! maxa ka badan kuwaas la iibsanayo maxaa ka dhib badan xiligaan inuu qofka  wanaagsan wax barto gudaha dalka  yaa ka xarimay? maxaase looga  xarimay?

maqaalkan uma jeedo meel dhaw iyo mid fog midna  wuxuu diiradda saarayaa dhacdooyin ka dhacay guda somalia  gaar ahaan koonfurta maalin cad ama gudcurka garbihiisa iyadoo lagu duulayo  dhacdo kasta oo ka dhacday geeska afrika waxay samaynaysaa Filim masraxiyadeed dhiiladiisa xanbaarsan   waxa naga qarsoon ayaase ka wayn

ragga wararka gooba ayaa maalin iyo habayn u taagan inay soo  gudbiyaan xaqiiqada dhabta ah  kuwa la gatayna waxay u taagan yihiin habayn iyo maalinba sidii ay u curyaamin lahaayeen hawlaha saxafiga sharafta ka xigsaday inuu dano gaara u adeego  mararka qaarkood waxaa dhaca  in nafta lagula gor gortamo waxaa dhaca in xabsi loo taxaabo in la jir dilo in naftaba laga jaro

waxaan maqaalkaygan ku furayaa geed aan har lahayn ciridna lahayn xili ay  colaad tahay dagaalna  uusan taagnayn waxaana is waydiinayaa sababta?

haddiiba au jirto muxuu Taliska nabad suggida qaranka aan hadalkiisa u maqalnaa marka uu u hanjabayo warfidiyeen gudanaya hawshiisa shaqo ama uu  al baabada isugu dhufanayo xarun war faafineed oo  madax banaan

maxaan u arki lanahay iyagoo  la dagaalamaya danbiilayaasha laynaya inta ka dhaqaaqda shacabka haddii aysanba ayagu ahayn kuwa falalkaas waxashnimada ah gaysanaya

magaalda muqdisho waxay isu  rogtay  cadaab lagu shido dhiigga shacabka waa janno ay ku raaxaystaan dadka jecel inay wax laayaan Dagaal oogayaasha iyo kuwa  dib usocka nagu kalifay iyagoo ka shaqaynaya dano ay dadkale leeyihiin

waxaan ku kaxaynay  gaarigaan wadanay khadka cagaaran ee kala qaybiya magaalda xamar  maahan khad jira  ee waa wax mala awaal ah  kuse tusaysa xaqiiqada ah in  meeshii nalal doonayay aan gaarnay in caasimaddii ummadda soomaaliyeed aanay dadku si xor ah isugu kala socon karin

Ithopia iyo Kenya waxay  si  habaysan uga shaqaynayaan siday uga sii sicon lahaayeen dagaalada aan ujeedka lahayn gudaha somalia waxay ku abuuraan jawaasiis kuwa damiirkooda  la gato

waxaan ka masaxayaa ciida dhabankooda dhamaan warfidiyeenka soomaaliya kuwaasoo naftooda ku waayay  dhagarta jawaasiista iyo calooshood u shaqaystayaasha  waa dagaal lagu hayo dhamaan dadka u hadlaya dadka ku dulman guud ahaan dhulka soomaalida

waxaa la igu xiray xabsiga dhexe ee magaalada xamar waxaa la igu eedeeyay inaan ka soo  hor jeedo  dawladda itoobiya qoraaladaydana ay yihiin kuwo wax u dhimaya xariirka ka dhexeeya labada dawladood ee saaxiibka ah! Somalia iyo Ithopia !!

waxaa saaxiib ah labada maamul  itobiya iyo dagaal oogayaasha  is magacaabay waxay ku  heshiiyeen xasuuqa shacabka soomaaliyeed marna ma aragno  hal shaqsi oo ka xanuun sanaya gumaadka ka dhacaya  gudaha somalia  kaliya waxay canbaareeyaan maxadda somalida marka mid laga qado xil  uu u hayay kooxda is magacawda markaas ayuu bilaabaa inuu ka hadlo  warbaahinta isagoo ku hadlaya erayo beer laxawsi ah

shalaywaxa uu ahaa kuwii  ugu cad cadaa soo dhawaynta ciidanka Itoobiya maantana waxa uu hor boodayaa kuwii  diidanaa imaanshaha  itoobiya gudaha somalia  miyaysan nala gudboonayan inaan akhrino sadarada dhexdooda kana eegno xaqiiqada miyayna ahayn dhagarta jawaasiista

kusoo  dhawaada xuquuq dhuntay iyo mid kale oo  dhumaysa kusoo dhawaada masiir aan la ogayn meesha uu ku dhaman doono  kusoo dhawaada dad badan oo  wata magac magac, diin, luuqad, jinsiyad,dhamaantood dulsaar ah  kuwaa soo mudo badan kusoo dhex jiray siyaasada soomaaliya loona yaqaan soomaalinimo hasa ahaatee ay xaqiiqadu ka gadisan tahay    dhagarta  jawaasiista nabad iyo colaadba waxay u taagan tahay  sidii ay u  curyaamin lahayd  shucuubta dunida sadexaad

dilka loo gaystay warfideeynka magaalda muqdisho   kama foga dhaqan xumada iyo arxan darida jawaasiista  waa kuwa shacabka soomaaliyeed ka curyaamiyay wax walba oo  horu mar ah  tacliin iyo tacaba  saxaafadu waa hoggaanka horumarka dhabaha wariyaha somaliya maanta waxaa ku goglan dhibaatooyin kuwa ugu daran 

aadam hassan abdirahman

aaden17@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com