SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GURBIYE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri


Taxanaha "Gurbiye iyo 100 Su'aal"..exculisive

gurbiyeAbdi Aziz Ahmed Gurbiye,
Commentator & Author
Email: gurbiye@hotmail.com


Cali Jabiin"Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,meelay Soohdin kuu taal ma jirtaa ku simantahay"?!!

    Soomalida waa dad Cilmi dhagoodka aaminsan, dhaxal soo jireen ah ayuu noqday,qofka soomaliga waxaa uu si sahal ah ugu murmayaa Cilmi walba,ma jiraan waxa loo yaqaano Ixtiraamidda Takhasuska,waxaa soo baxay Ummad wada Culuma u diin ah,20 jir Iftoonaya!,Ummad wada Dhkhaatiir ah,kalkaaliye qaliin sameeya!,Saxaafaddii waa la wada bawsaday!,ma jiro Cilmi laga xishooday.....Siyaasadda ayaa ka mid ah culuumtaas la boobay,barasho ma jirto oo  waa dhaxal..!

   Waxaad si fudud ku noqon kartaa Siyaasi waase hadii:Maka dhalatay Qoys Halgamaa ah?!,Xaq u dirir iyo Mujaahidiin?!,Ma taageersantahay dadka Xamar baarashuudka ku yimid?!,Culuma u diinka mala dirir santahay?!,Makaa nabad galayaan wadamada aan walaalaha nahay ee Dariska?!,maku qanacsantahay in la iska cabo dhiiga shacabka?!,Ma Ilaalinee danaha wadama aan Saxiibka nahay ee Reer Galbeedka?!,Ma Ilowday Ereyga Soomaliweyn?!,Sow Argigixiso ma ahan qokii wali ku dambeyso Wadaniyad,Diin jacayl....?!

    Cali Axmed Qaasim(Jabiin) oo ah Gabyaa Soomaliyeed ayaan mar wax ka waydiiyay bal hadii uu  Qeexid u heli karo Ereyga siyaasadda ee  Madaxa naga cunay,haduu  jiro Gabay ama geeraar uu ka mariyay Siyaasadda ,waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qeyb ka mid ah sheeko dheer oo dhex martay Gabyaaga iyo Siyaasad,isagoo hadlakiisa ku bilaabay:

  Cali Jabiin:"Siyaasay: Somali aan ahay,seef kuma Islaamine,saldhigaada waa maxay?,Saxiibkaa Ma jeceshay?,Sadbursiga ma neceb tahay?,Saqda dhexe ma Hurudaa?Sabar iyo dulqaad iyo saamaxaad ma leedahay"?!

 Siyaasad:Waxaan ahay Sir iyo Been,waxaan ahay Sun iyo Cudur,Saacado nin ila jiro,Sakaraatul mowd iyo Su'aal kuma Xisaabtamo.

Cali  Jabiin:"Siyaasay sumaysanaay,aduunyadan  Ilaah kama Sariigane,inaay arintu saas tahay Sax miyaa ma Sugan tahay"?!

 Siyaasad: "Ninka igu Sirmaayoow sadex Saan gadaal u bax,Sooryadeydu waa dhiig,Sabab iyo Wadaan ahay"!

Cali Jabiin:" Saldhig ma leh adduunyada,Safaraan ku joogaa,Socodaan ku marayaa,Sahay inaan ka qataan rabaa seen wax yeelaa"?!

Siyaasad:"Saliga iyo Quraanka iyo Sabar yaan lagaa badin,Salaadana ka dhigo Sahay,Saacadda su'aasha iyo Siraadka uga gudbeysaa".

Cali Jabiin:"Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar Sabankoodi joogtaye,meelay soohdin kuu taal,ma jirtaa ku simantahay"?!

Siyaasad: Intey Dunida saan tahay,Aadanaha saqaafaa,Suurka laga afuufaa,Saan iyo kasii daran,Saban Aakhiro i Saacido.

Cali Jabiin"Hadaad tahay Sir iyo Been ha i sugin Siyaasay,Hadaad tahay Sun iyo Cudur ha i sugin Siyaasay,...Seef kuma Islaamine ha i sugin Siyaasay!

Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,
Commentator & Author
Email: gurbiye@hotmail.com

Mise Xal Sadexaad ayaad Haysaan?!!: 16-sano oo dagaalo, 16-shir iyo 6- madaxweyne... Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com