SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood

Waxaa isku soo dubarridey
Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com

Minneapolis, MN

State Department:

 

Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya Passport ay ku safraan ayaa waxaa la soo deristay daahitaan lama filaan ah iyo wareer. Arrinkan waxaa uu soo baxay markii sanadkan 2007 bilowgiisa dadweynaha maraykanka lagu soo rogay sharci cusub oo aanay badankood laba socon ama aysan u diyaar garoobin.  Sharciagan cusub ayaa amraya in dadka maraykanka ah oo u safraya dalalka dhow dhow sida Canada, Mexico, Bermuda iyo Caribbeankuba looga baahan yahay inay qaataan ama haystaan US Passport haddii kale aanan la ogolaanay inay ka soo safraan ama u safraan USA. 

 

 Arrintaas waxaa ay dhalisay in hal mar dad aad u badan wada codsadaan US Passport taasoo dhalisay in waaxda baasaboorada ee State department madax isla gasho oo waxba kala socon waayaan.  Ilaa lacag dheeraad ah iyo shaqaale dheeraad ah loo qoro.  Laakiin  baahidii zaaidka ahayd ee dadka u qabeen US Passport weli ma aysan daboolin.  Halkii ay mudada lagu helo US Passprt ahaan jirtay 30 hadda dad ayuu ka maqan yahay 90 maalmood.  arrintan waxaa ay culeys ku noqotay state department iyo xubnaha congresska oo ay soo gaartay cabasho badan.  Dadka dhibta ugu badan soo gaartay waa kuwa degdegsanaa ama waqti dheer qorshaystay inay meel aadaan oo ay u suuroobi weydan.

 

Haddaba haddii aad US Citizen tahay oo danacsan tahay inaad safarto ama US Passport dalbato dhaqso u dalbo oo ha sugin ilaa maalmaha u danbeeya, Waqti badan sii State Depaerment.

 

 Homeland Security:

 

Ma maqashay wax la yiraahdo "FBI name check"?   Ma dalbatay Green card ama US Citizenship oo malagu yiri Name Check baad ku jirtaa?

Arrintan wax caadi aha ayey iska noqotay oo dad badan ayay xanibaad ku haysaa.  Wixii ka danbeeyey September 11, 2001 Immigratation waxaa uu noqday mid dhib badan oo aad loo adkeeyey.  Waxaa la sameeyey mashruuc gaar ah oo la yiraado FBI name check Special Project Unit.  Waxaa aad loo baaraa oo la isbarbar dhigaa magacyo badan.  Taas waxay keentay in dad badan magacooda loo gudbiyo sidaasna qofka ku xanibnaado waqti dheer.

 

Ma keligaa baa?  maya dad aad u badan ayaa loo gudbiyey name check.  Maxaad galabsatay?  Waxba ma aadan galabsan ee waa wax la isku soo rogay iyo baaritaan.  Maxaan ka samayn karaa? Yaase ii soo dedejin kara?  Wax aad ka samayn karto ma jirto awoodda Ilaahay waa gooni laakiin arrintan cid kuu soo dedejin kartaana ma jirto haddii aanad ahay askari ama dhaqaalaha dadka jiran/ curyaamiinta/waayeelka la siiyo (SSI) uusan kaa go'ayn ama sabab kale oo aad u xoogan aadan la iman FBI name check waxba kama qaban kartid, 

 

Inkastoo ay jiraan gudoomiyeyaal maxkamadeed oo isku dayey inay arrintan wax ka qabtaan  haddana waxaa haboon in aadan ku deg degin in aad lacag siiso lawyer ama abukaato waayo arrintan waa go'aan siyaasadeed oo ka yimid xukuunadda Bush loona cuskaday amniga qaranka.  Wax sahlan maahan ee haddii ay ku qabsato FBI name check sabir baa ugu fiican.  

 

USCIS  (Immigration):

 

Sicir barar ku soo socda qiimaha qidmadda arjiga dalbashada jinsiyadda maraykanka US Citizenship Application N400 ama N600

Bisha Juune ee sanadkan 2007 waxaa la kordhinayaa qarashka qidmadda oo hadda ah $400 waxaana laga dhigayaa $600 waxaa lagu kordhinayaa $200 ayadoo looga dan leeyahay in 20% la dedejin doono adeegga marka lacagta la kordhiyo.  Haddaba hadii aad doonayso ama aad go'aansatay inaad qaadato dhalashada Maraykanka oo aad buuxin karto shuruudiha lagu xirey dalbo hadda si aad u baaqsato $200.

Sidee dadka aanan haysan jinsiyadda maraykanka u heli karaan passporka ay ku safraan oo dhaqso ah? Travel Document?

 

Express Travel Document waxaa lagu helaa:

Marka hore qofku waa inuu buuxiyaa arjiga saxda ah ee loogu talo galay weliba raaciyaa qarashaka qidmada iyo masawir iyo dhamaan waxa loo baahan yahay.  Waa inuu qofka ku diraa express mail waana inuu baqshadda ku dhexridaa express return envelop oo ah baqshadii laguugu soo diri lahaa dhaqso.  Waxaa kale oo lagu taliyey in baqshadda korkeeda lagy qoro Express.  Haddii warqad dhaqrar ama warqad sharaxaad ka bixinaysa inaad raaciso kaba sii fiican. 

 

Xafiisyada US Congresska:

 

Marka u horeyso dawladda weyn ee maraykanka 3 qaybood ayay u kala baxdaa.  Garsoorka, dawladda fulinta, iyo sharci dejinta.  Intaba mid mid soo faragashan kartaa ma leh.  Sidaa darteed xubnaha congresska awood kuma leh labada qaybood ee kale sidaas ayaanay waxba uga qaban karin marka uu gudoomiye maxkamadeed qof ku xukumo tarxiil ama diido codsigiisa magangalyo doonka ah ama qunsul diido visa dal ku gal iyo wax la mid ah,  inkastoo ay u banaan tahay inay soo hordhigaan bill ama sharci qof ku saabsan congresska haddana waa hab dheer oo dhib badan oo adag oo u baahan inuu gudbo.

 

Hadaba hubi danta aad kaleedahay xafiiska congreeska inay tahay federal oo keliya  wax ku lug leh oo aanay ahayn wax dawladda dawlada goboleedka ku shaqo leh iyo dowladaha hoose.  Ma ubaahan tahay inaad qof ka taqaan xafiisyada congresska?  jawaabtu waa maya sababtoo ah waxaa loogu talo galay adeeg dadweyne  haddi xafiis ku qancin waayo waxaa kuu banaan inaad aado xafiisyada kale ee congresska.  

 

Mahamoud Wardere

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 22, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com