SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Xaggee Ku Dambeeyeen Dhallinyaradii Ka Tirsanaa Daraawiishta Puntland ee laga Qafaashay Xeebta Puntland...

In ka badan Laba sano ayaa ka soo wareegtey markii laga qafaashay xeebta Boosaaso, waxaa kale oo Hal Sano ka soo wareegtey markii saddexda Muwaadin ee Soomaaliyeed lagu xakumay min 10 sano....

Markey taariikhdu ahayd Isniin April 24, 2006 ayaa saddex dhallinyaro-Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Booliska Puntland oo ahaa ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed waxaa la soo taagey maxkamad ku taal magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxaana maxkamadii ku xakuntay Toban (10) xarig mid kasta.

Saddexdaad dhallinyarada ahaa waxaa xeebta Soomaaliya laga qafaalay 17kii Maarso 2005, ayagoo la socday markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Thailand oo dhallinyaradaas loo xilsaaray in ay waardiye ka ahaayeen, iyagoo ku dhex jira hawshii ay u hayeen Soomaalida, magacyadooduna waa: Yuusuf Aaden Seed, Maxamuud Cabdullahi Jaamac, iyo Xuseen Cabdullahi Aaden.

Sababta qafaalka keentay waxay ka dambeysey kaddib markii nimankii reer Thailand ee Markabka watey ay ku tunteen heshiis ahaa in xeebta Soomaaliya aan loo soo dhaafin masaafo cayiman, si loo badbaadiyo shabaagaha ay dhigtaan Danyarta Soomaaliyeed oo kaluumaysatada ah iyo ayagoo ku xadgudbay kallunkii iyo ugaxaantii kalluunka ee aan loogu talagalin in eey qataan. Markaas ayaa 3-da ka tirsanaa Daraawiishta Puntland ee ilaalada ahaa ay arrintaas ka xumaadeen, taas oo ku sababtay in la qafaashay, oo halkii laga keeni laha Boosaaso waxaa loo qaaday jasiiradda Suqadara, Yemen.

Markii qafaalkaasi dhacay eheldaii dhallinyaradaas loomasheegin meel loo qaaday, waxaana la sheegay in muddo aan laga warhayn halka ay dhallinyaradaasi ku dambeeyeen. Kaddib meeshii dalka dib loogu soo celin lahaa ayaa waxaa loo qaaday dalka Thailand, halkaas oo la geeyey jeel. Muddo kaddibna waxaa la soo taagey maxkamad, taas oo April 24, 2006 ku xukuntay 10 sano mid kasta.

Xilligii dhallinyaradaas ay maxkamada Thailand ku xukuntay xabsiga waxaa ka soo wareegtey in ka badan hal-sano, xilligii la qafaashayna waxaa ka soo wareegtey in ka badan laba sano, mana muuqato ilaa hadda wax waanwaan ah oo ay waddo Dawlad Goboleedka Puntland si dhallinyaradaasi looga soo daayo xabsiga, waxayna u muuqataa in DGPL ay indhaha ka qarsaneyso dhallinyaradaas oo ay u xilsaareen ilaalada xeebaha in markii xabsiga lagu xukumay aysan isku deyin sidii xabsiga looga soo deyn lahaa.


Gen. Sonthi Boonyaratglin

Dadka Soomaaliyeed ayaa u hanqal taagey in DGPL ay la xiriiri doonto markii Thailand uu inqilaabku ka dhacay oo ay dalkaas qabsadeen hoggaan cusub 19kii September 2006. Hoggaankaas cusub oo uu hoggaaminayey Gen. Sonthi Boonyaratglin, oo hadda ah madaxa sare ee Miletariga Boqortooyada Thailand iyo madaxa Ammaanka Qaranka Tahiland, waa nin Muslim ah oo ah Muslimkii ugu horeeyey ee dalka Thailand hoggaankiisa sare ka mid noqda. Mar haddii maamulka sare wax iska bedeleena ay arrintaasi ahayd fursad cafis loo weydiin karo dhallinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran. Sidoo kale waxaana xusid mudan in boqorka dalkaas Thailand, boqor Bhumibol Adulyadej, uu ogolaaday inqilaabkaas, sidaas daraadeedna Gen. Sonthi Boonyaratglin uu yahay nin kalsooni sare ka haysta boqortooyada Thailand sidaas daraadeedna dhallinyaradaas cafis loo weydiin karo.

Haddaba, haddii xukuumadii dhallinyaradaas u xilsaartay ilaalada xeebaha aysan u muuqan mid dan ka leh meesha ay ku dambeeyeen dhallinyaradaasi, maxaa markaas shacabka reer Puntland maxaa la gudboon? - Xaq shacabku ma u leeyihiin in ay maamulkooda weydiiyaan sababta ay wax uga qaban weyeen arrintaas?.

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 27, 2007


Sawirada hoose waa ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland oo saaran markab SOMCAN. Ciidamadaas ayey ka tirsanaayeen dhallinyarada ku xiran Thailand.



...Bosaso: Nin u dhashay dalka Thailand oo lagu Afduubay Magaalada Bosaso ...

»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso] Halkan Halkan Dhegeyso

Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......