SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND

Farriin ka Timid Saddexda Wiil ee ka Tirsanaan jirey Ciidamada Puntland ee ku xiran Thailand...

  • Mid ka mid wiilasha oo dhabarka dhaawac halis ah laga gaarsiiyey intii uu ku jirey Xabsiga....

Asalaamu Claeeykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu.

Salaanta islaamka kadib ummadda Somaliyeed iyo Ehalada 3-dii wiil ee ku xiran Thailand halkan ugu soo gudbinayaa farriin ay soo tebiyeen saddexdaas wiil ee katirsanaan jiray Ciidamada Daraawishta Puntland, eeyna u xilsaartay dowlad goboleedka Puntland ilaalinta badaha Puntland, oo lashaqeynayay shirkada ilaalisa badaha Puntland ee layiraahdo Samcon, ayagoo kujira shaqadii eey uhayeen bulshoweeyenta Somaliyeed gaar ahaan reer Puntland loo qafaashay xabsi kuyaal magaalada Bangkok, ee dalka Thailand, ayagoo lagula dagaallamay xogogaal nimada eey u ahaayeen shaqada kasocota badaha puntland iyo xaalufinta aan loo meel dayin oo eey kuhayaan badaha somaliyeed marakibta sida sharcidarada ooga kalumesta iyo niman isku sheega ineey yihiin masuliyiin, intaaso dhibaato oo ka xoog badan ayaa isu kaashatay afduubkaas lagu kaxeestay sadexda wiil ee halarooro runta mooday.

Hadaba hadaan usoo noqdo ujeedaada qoralkeeyga, waxaan rabaa inaan usoo gudbiyo Ehelada 3’da wiil iyo ummadda Somaliyeed fariintii eey isoo fareen wiilashaas lagu heesto wadanka Thailand, xiriir aan lasameeyaay wiilasha Kadib:

Fariintaana iyo wilasha magacyadoodaba waasidatan.

  • Yuusuf Aadan-seed Samatar
  • Maxamuud C/hi Jaamac
  • Xuseen C/hi Aadan

"Marka hore nolasheenna aad ayaay u liidataa, maheeysano daryeelka bini’aadinimo iyo xuquuqda maxbuska, waxaa nalaku shaqeeya 12 sacadood maalinkii waxaa nalasiiya rashiin anaan cunikarin, faah faahina kama bixin karno."

"Marka labaad majiraan cid nooga warqabta xabsiga aan kuxiranahay."

"Waxaa kaloo jira mararka qaarkood in jirdil naloo geesto, oo nin naga mid ah ayaa waxyeelo kasoo gartay jirdilkaas arxan la’aanta ah, ayadoo dhabarka looga geystay dhawaac aad uweyn ayadoo u muddo bil ah usan kasocon kana kicikarin dhawacaas dartiis, mana jirto wax dhakhtar ama daryeel daawo ah oo aan helno."

"Nin kaloo naga mid ah waxaa ku dhacay xanuun xaga maskaxda ah."

"Ugu danbeentii waxaan usheegenaa ehalkeena iyo inta daneenesa nolasheena in ey jirtey mudadii ninkii Thailandeska ahaa ee hadda kahor lagu heestay wadanka (Puntland) in nala siinjiray xogaa tixgalin ah oo xitaa naloo balanqaaday sideyn iyo daryeel caafimaad, nasiib xumese markii lasoo daayaay niinkii rajadeena kuxirneed ayaa waxaa dhacay in nalaku bilaabay jirdil iyo cadaadis aad udaran."

"Waxaan kaloo ogaanay ineeysan jirin habayaraate wax warqado ah oo eey direen ama kayimid Dowladda Soomaaliyeed oo soo garay Dowladda Thailand, ama wax xiriir ah oo lala soo sameeyaay Madaxda Thailand, sidaas darteed waxaan ushegeenaa ehelka iyo inta daneeneysa nolasheena, in xaalkeenu yahay mid aad uxun."

GUJIDoodFuran: Sidee 3da wiil looga soo deyn karaa Xabsiga Thailand?  


Ciidamada daraawiishta ee ilaalada xeebaha Puntland ee ay ka tirsanaayeen 3da dhallinyarada  ku xiran Thailand....

Markey taariikhdu ahayd Isniin April 24, 2006 ayaa saddex dhallinyaro-Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Booliska Puntland oo ahaa ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed waxaa la soo taagey maxkamad ku taal magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxaana maxkamadii ku xakuntay Toban (10) xarig mid kasta.

Saddexdaad dhallinyarada ahaa waxaa xeebta Soomaaliya laga qafaalay 17kii Maarso 2005, ayagoo la socday markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Thailand oo dhallinyaradaas loo xilsaaray in ay waardiye ka ahaayeen, iyagoo ku dhex jira hawshii ay u hayeen Soomaalida, magacyadooduna waa: Yuusuf Aaden Seed, Maxamuud Cabdullahi Jaamac, iyo Xuseen Cabdullahi Aaden.

Sababta qafaalka keentay waxay ka dambeysey kaddib markii nimankii reer Thailand ee Markabka watey ay ku tunteen heshiis ahaa in xeebta Soomaaliya aan loo soo dhaafin masaafo cayiman, si loo badbaadiyo shabaagaha ay dhigtaan Danyarta Soomaaliyeed oo kaluumaysatada ah iyo ayagoo ku xadgudbay kallunkii iyo ugaxaantii kalluunka ee aan loogu talagalin in eey qataan. Markaas ayaa 3-da ka tirsanaa Daraawiishta Puntland ee ilaalada ahaa ay arrintaas ka xumaadeen, taas oo ku sababtay in la qafaashay, oo halkii laga keeni laha Boosaaso waxaa loo qaaday jasiiradda Suqadara, Yemen. [Akhri wararkii hore...]

wixii warbixin ah ee itaas dheer kala xiriir
Hassan Cubed
Nabbadon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com