Iyada oo uu ololaha doorashada ee Labada
xisbi Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriyintu gallay maalintii ugu danbaysay
ayaa ay adagtahay hadda in saadalba laga bixiyo ninka ku guulaysan doona
Madaxnimada dalka maraykanka sannadka 2004 Ma George W. Bush mise
Senator John Kerry, berri aroorta ayaa gobolada beriga dalka maraykanku
waxay u dareeri doonan cod bixinta, iyada oo sida la sheegay gobolada
qaar sida gobolka Florida dadka ku nool ay %40 hore codkooda u dhiibteen
iyaga oo ka hor mariyey wakhtiga doorashada caadiga ah 2 november iyada
oo laga baqanayo inay khaladaad ku yimaadan computerada tirinaya cododka
awgood sidii kal hore sannadkii 2000, Weriyayayaasha ku sugan gobolad
lagu sheegay inay doorkani yahiin gobolada dhimashada sida Gobolada Ohio
iyo Florida ayaa ku sheegaya in lagu jahawareersanyahay cododka dadka
laga qaadayo kolba Musharaxa horeeya, iyada oo saacadba saacadda ka
danbaysa ay warbaahinta dalka maraykanku sii daynayso fikrado is
khilaafsan oo hal cod oo qudhaata is dheer halka qaarkoodna ay simayaan
cododka dadka.
Iyada oo lagu jiro maalintii ugu
danbaysay ololaha doorashada labada musharax ayaa labada ninba waxay
sheeganayaan in ay la dagaalami doonan argagixisada sida la ogyahay
waxaa dhawaan cajalad video ah oo laga sii daayey televisionka afka
carabiga ku hadla ee Aljazeera cajaladda video-ga ah oo lagu sheegay
qofka ka hadlaayey inuu ahaa Osama Binladen oo doonaayey inuu saamayn ku
yeesho doorashada dalka maraykanka ayaaan la sheegin in kelmadahii Bin
laden aanay wax saamayn sidaasi u buuran ku samaynin taageerayaasha
labada dhinac iyo weliba dadka aan go'aansan cidda ay codkooda siinayaan,
Senator John Kerry ayaa wuxuu olole balaadhan ka gallay maalintii
shallaytoole ahayd gobolada florida iyo Ohio wuxuuna Kerry ku cel
celinaayey sida ay uga go'antahay inuu la dagaalamo argagixisada wax
kasta oo ay ku qaadato, sidoo kale Madaxweyne Bush ayey ahayd Fursadiisi
ugu danbaysay shallay wuxuuna ka ololaynaayey isla gobolka florida isaga
la hadlaayey taagerayaal badan oo asalkoogu Cuban ah wuxuu ku hadlaayey
luuqadda Spanish-ka iyo luuqadda Cubanics isaga oo doonaayey inuu soo
jiito dadka Hesbanics iyo Cubanics ku nool gobolka Florida.

Labada xisbi ee Jamhuuriyiinta iyo
dimuqraadiyiinta ayaa waxay tababar siinayeen labaatankii cisho ee ugu
danbaysay kumanaan Garyaqaano ah iyada oo labada dhinacba ka cabsi
qabaan inay dhacdo sidii kal hore 2000 cododkana khaladaad badan galaan,
gobolada Ohio iyo Florida ayaa labada Musharax Bush iyo Kerry ay
diiradda si weyn u saarayaan iyada oo si weyn loo filayo in natiijada
doorashadu ay saamayn weyn ku yeelan doonto labadaasi gobol.
dhinaca Electoral colleges-ka iyo
Popular vote-ka ayaa labada musharax midna aanu haysanin lana odhan
karin hadda wuxuu haysta taageero ku filan inuu ku guulaysto Musharax
kasta waxaa laga raba inuu haysto kalsooni dhan 270 electoral college,
sida saadal laga qaaday electoral college-ku tibaaxayso Bush wuxuu
haysta 133 electoral college halka kerry ka haysto 123 electoral
college, Madaxweyne Bush ayaa maanta la filaya inuu gallo ololahiisi ugu
danbaysay rajada uu ku doonayo inuu marlabaad ka arrimiyo xafiiska oval
office ee guriga cad isaga oo ka aqbali doona Kiniisadda Kaatoliga ee
gobolka florida taageero ay u fidisay waxaana halkaasi ku qaabili doona
Baadariga kiniisadaasi oo la yidhaahdo Monsignor Jude O'Doherty, sidoo
kale Senator Kerry ayaa isaguna wuxuu taageero ka aqbali doona maanta
Kiniisadda Protestantka gobolka Pennyslavenia halkaasi oo uu qudbad u
jeedin doono dad taageerayaashiisa oo iskugu iman doona barxadda
kiniisadaasi.
Maalintii Arbacada ayaa waxaa si toos
ah idiinku soo tabin doona dhammaan natiijooyinka gobolada dalka
maraykanka iyo sida labada Musharax George W. Bush iyo Senator John
Kerry ay cododka natiijadooda u kala heleen, waxaa hubaal ah in uu
labada nin mid ku fadhiisan doono oval office ka guriga cad balse waxaa
la yaableh inaan la saadalin karin cidda ku fadhiisan doonta.
Maanta oo ay bishu tahay 1-da November
sannadka 2004 haddii ay dhici lahayd dooarashada dalka maraykanku sida
uu qaaday barnaamijka CNN/US GALLUP iyada oo ay ka qayb qaadanayaan
dooarashada Madaxweyne George W. Bush oo u tartamaaya xisbiga jamhuuriga
iyo Senator John Kerry oo u tartamaaya xisbiga Dimuqraadiga iyo Ralph
Nader oo ah musharax madax banaan waxay kala heli lahaayeen sida tani
- Madaxweyne George W.
Bush %49
- Senator John F.
Kerry %49
- Ralph Nader
% 1
Sidoo kale idaacadda qaranka maraykanka
ee ABC sida ay qaaday maanta oo ay bishu tahay 1 da november saadasha
doorashada maraykanku waxay ahayd sida tani
- Madaxweyne George W.
Bush %48
- Senator John
Kerry %48
- Ralph Nader
% 1
Sidoo kale Barnaamijka Zogby Reuters
sida uu qaaday maanta
- Madaxweyne George W.
Bush %47
- Senator John
Kerry %47
- Ralph Nader
% 1
Waa xaqiiq in labada musharax ay yahiin
qaar madaxa iskula jira lana saadalin karin mid ku guulaysan doona
doorashada guriga cad balse waa eegna maalinta arbacada iyo
natiijooyinka dhabta ah.
QORAALKII HORE EE
DOORSHADA...