SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


DOORASHADA MADAXTINIMADA MARAYKANKA OO GALLAY TOBANKII CISHO EE UGU DANBEEYE

Waa barnaamijyo taxane noqon doona oo ka hadli doona doorashada dalka maraykanka ee sannadka 2004, waxay si toos ah ugu soo bixi doonta Somalitalk.com, waxaana soo diyaariyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 
pop E-mail: diridhaba@myfastmail.com

 

Will FBI contacts keep fearful Somalis away from the ballot box?
Minneapolis City Pages, MN 
Waxaa todobadii  Maalmood ee ugu danbeeyey gallay ololaha Madaxtinimada Dalka maraykanka Sannadka 2004, iyada oo Sannadkani doorashada maraykanku ay leedahay xiiso gaar ah, doorarkii horana ay kaga duwantahay waxyaabo badan, Lacagta ku baxaysa Ololaha doorashada ee labada xisbi ee ugu waaweyn dalka maraykanka Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta marka la isku daro ayaa lagu qiyaasaya lacag gaadhaysa 4 Bilyan oo dollar, taasi oo laba jeer ka badan doorashadii kal hore afar sanno ka hor ay iskaga horyimaadeen Madaxweyne George W. Bush iyo Madaxweyne Ku xigeenkii maamulkii Madaxweyne Clinton, Algore, Labada xisbi ayaa mid weliba wuxuu ku kharash garaynaya lacag u dhiganta 5 Milyan oo dollar maalin kasta ololahooga doorashada, Sannadkani ayaa musharaxiinta Labada xisbi waxay xooga saarayaan dhawr gobol oo lagu tilmaamay gobolada dhimashada (Dead Heat States), goboladaasi oo kala ah Florida,Ohio, Iowa, Wisconsin,New Mexico, New-Hampshire, Nevada, Missouri, Maine,Michigan,Mennisota, iyo Colorado.

 

Labada Musharax ayaa ka dib doododii ugu danbaysay ee lagu qabtay Jaamacadda Arizona 13 october aan salka dhulka dhigin, Madaxweyne George W. Bush iyo Senator John Kerry ayaa mid weliba wuxuu isku dayaya inuu soo jiito cododka dadka aan weli go'aanka ka gaadhin cidda ay u codaynayaan, waxaana ay Labada musharax xoogga weyn saarayaan gobolada aan kor ku soo sheegay, Senator John Kerry oo culays badan saaranyahay Maadama oo doodii ugu danbasay wallow ay saxaafaddu si weyn u shaacisay inuu guul balaadhan ka gaadhay hadana cododka laga qaaday dadka maraykanku bildhaaminayaan inuu dib u dhac ku yimid, Maalintii shallaytoole ahayd ayaa Senator Kerry wuxuu shan jeer ka ololeeyey gobolada Florida, iyo Ohio, Maanta barqadiina wuxuu olole balaadhan ka gallay gobolka Wisconsin oo la sheego in taageeradiisu ku badantahay Madaxweyne Bush, shallay gelinkii danbe wuxuu olole balaadhan ka gallay gobolka Florida isaga oo qudbad dheer u jeediyey Haween badan oo iskugu soo uruuray hoolka dimuqraadiyiinta ee magaalada Miami, Maanta aroortii Senator Kerry wuxuu olole balaadhan ka gallay gobolka Ohio.

 

Hadaba waxaa muhiimadda koobaad tahay in la fahmo waa maxay Baahiyaha ay shacabka maraykanku sannadkani ku qiimaynayaan musharaxiinta, dhawr qodob ayaa ugu waaweyn dooroshada sannadkani 2004 ee dalka maraykanka waxaanay kala yahiin

  • Dhaqaalaha
  • Ammaanka
  • Shaqooyinka
  • Siyaasadda Ciraaq
  • Caafimaadka
  • Waxbarashada
     
  • Dhaqaalaha: waa qodobka ugu muhiimsan ee doorashadani ka qaadan doona qaybta libaax sida warbixin laga soo saaray ururka midawga shaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka maraykanku sheegayaan waxaa dhaqaalaha maraykanku hoos u dhicii ugu weyna gaadhay muddo ku siman 72 sannadood, iyada oo dhaqaalaha maraykanku uu cel celis ahaan hoos u dhacay %10 afartii sannadood ee Madaxweyne George W. Bush uu xukunka dalka maraykanka hayey, Senator John Kerry ayaad mooda inuu qodobkaasi si weyn uga faa'iidaystay wuxuuna keenay qorshayaal wax ku ool ah oo uu dib ugu habaynaayo dhaqaalaha maraykanka, wuxuu sheegaya inuu muddo 1 sanno iyo   badh gudahood ah ku samayn doono dhaqaale dakhligiisu dhanyahay 4.5 trillion dollars ( afar tirlyan iyo badh dollarka maraykanka ah) isaga oo qeexaya sida loo samayn karo dakhligaasi wuxuu sheegay in uu cashuuraha ka yarayn doono dadka dakhligoogu sannadkii ka yaryahay 200,000$ dollar (laba boqol oo kun oo dollar), dadka dakhli sannadeedkoodu ka badanyahay 200,000$ Wuxuu Senator Kerry sheegay inuu ku dalacaayo cashuuraha laga qaado Sannadkii, wuxuu kale oo uu sheegay in lacagta badankeed lagu maal gelin doono hawlaha Caafimaadka iyo waxbarashada.
     
  • Caafimaadka: Mudadii uu xilka hayey Madaxweyne George W. Bush waxaa waayey damaanadoodii caafimaad 5 Milyan oo qof oo maraykan ah, muddo 40 sannadood ah taariikhda dalka maraykanka may soo marin in dad tiradoodu gaadhayso shan milyan oo qof ay afar sanno gudahood ku waayaan damaanadooda caafimaad, Waxaa kale oo uu Madaxweyne Bush joojiyey dawooyinkii jabna ee dalka maraykanka uga iman jiray waddamada europe iyo Asia isaga oo ku bedelay shariikado kooban oo laga leeyahay dalka Canada, wuxuuna cashuuro farabadan dul saaray Shariikadaha dawooyinka ee dalka maraykanka, qodobkaasina waa mid faa'iidooyin weyn u kasbaday ololaha uu Senator Kerry ku jiro, Senator Kerry wuxuu ku doodaya in ay khalad tahay in cashuuraha faraha badanleh la dul saaro shariikadaha dawooyinka ee dalka maraykanka iyada oo shariikado ajanabi ah loo ogolanayo inay dawooyin soo geliyaan dalka maraykanka, Senator Kerry wuxuu damaanad buuxda ku qaadaya qorshayaal uu sheegayo inuu dib ugu soo celin doono muddo laba sannadood gudahood ah 5 milyan ee qof ee waayey damanadooda caafimaad (health Insuraces)
     
  • Shaqooyinka: Waxaa shaqooyinkoogii waayey 2 Milyan oo qof oo maraykan ah mudadii afarta sannadood ahayd ee uu xilka hayey Madaxweyne George W. Bush, iyada oo shaqooyinkaasi badankood ahaayeen kuwa ugu muhiimsan ee wax soo saarka (Manufacturing Jobs), shaqo la'aanta ayaa la sheegay inay sabab weyn u tahay dhaqaalaha dalka marykanka oo hoos u dhacay intii uu bilaabmay dagaalka uu Maamulka Bush ugu yeedho dagaalka lagula jiro argagixisada (War Against Terrorism) wixii intaa ka danbeeyey dhaqaalaha maraykanku wuxuu badankiisu ku xaroonaayey guriga Pentogon-ka ama guriga gaashandhiga ee dalka maraykanka, lacag gaadhaysa 87 Bilyan oo dollar ayaa labadii sannadood ee ugu danbeeyey ka baxday qasnadda dhexe ee dalka maraykanka iyada oo lagu maalgaliyey dagaalka uu Maraykanku ku qaaday ciraaq iyo Afghanistan, qodobka kale ee shaqo la'aanta u sabab ah ayaa lagu sheega shariikadaha wax soo saarka ama technology-ga oo shaqooyinkooda u raray waddamo ay ka helayaan shaqaale jaban, sida waddanka india, hanaankaasi ay shariikadahu ku raadsanayaan shaqaalo jaban ayaa waxaa loo yaqaana (Out-Sourcing), taasi oo qofkii maraykanka ahaa ee tusaale ahaan ka shaqaynaayey shariikad wax soo saar sida shariikadda ugu weyn ee Software-ka Computer-ada samaysa ee Microsoft ama shariikadda maraykanka ah ee gawaadhida samaysa MERCEDES, ee qaadanaayey bishii lacag u dhiganta 30,000$ ilaa 40,000$ dollar ayaa waxay shariikadaasi ka doorbidday inay hesho seddex boqol oo shaqaale ah oo ka jajaban shaqaalaha maraykanka oo hindi ah ama Pakistaniyiin ah oo qaata mushahar u dhigma qof maraykan ah mushaharkii, waxaanay shariikadahaasi badankood usoo rareen hawlahooda wax-soo saarka waddamada India ama Pakistan oo kale, taasina waxay dhabar jab weyn ku tahay shaqaalaha dalka maraykanka oo ku shaqo beelay,

Senator Kerry wuxuu ballan qaadaya inuu joojin doono nidaamkaasi ay cadaysteen shariikadaha maraykanku wuxuuna ballan qaadaya inuu soo celin doono shaqooyinkaasi ay dibadda uga saareen dalka maraykanka, taasina runtii waxay u tahay guul weyn ololaha uu John Kerry ugu jiro

Akhristayaal todobaadka soo socda ayaan halkaa ka sii ambaqaadi doona haddii alla idmo waxaan ka hadli doona qodobada Ammaanka iyo waxbarashada oo Madaxweyne Bush u ah faa'iidooyin badan dadka maraykankuna la dhaceen sida uu Madaxweynahu u maaraynaayey afartii sannadood ee ugu danbaysay, waxaa kale oo aynu ka hadli doona codka dadka islaamka maraykanka ah iyo saamaynta uu sannadkan leeyahay, balse waxaan maalin kasta soo qaadan doona halka ay marayso saadasha cododka laga qaado dalka maraykanka, sida maanta uu qaaday barnaamijka CNN/US GALLUP POLLS, waxay u dhignayd sidani:

Haddii ay dhici lahayd Maanta oo bishu ku beegantahay 26 October doorashada dalka maraykanku iyada oo ay ku tartamayaan Madaxweyne George W. Bush oo u tartamaaya xisbiga Jamhuuriga iyo Senator John Kerry oo u tartamaaya xisbiga Dimuqraadigu waxay kala heli lahaayeen sida tani

  • Madaxweyne Bush                      %49

  • Senator John Kerry                    %47

Cododka kor ku xusani waxay isku bedbedalayaan maalin maalin, la soco maalin kasta.

OLOLAHA DOORASHADA MARAYKANKA OO CIRKA ISKU SHAREERAY IYO CLINTON OO KU BIIRAY OLOLAHA SENATOR KERRY.

Warbixintii Labaad:

Waxaa Ololaha doorashada ee dalka maraykanku uu hadda maraya xilli xasaasi ah, wuxuu ololahu la gallay madaxa todobaadkii ugu danbeeyey iyada oo Musharaxiinta Labada xisbi Madaxweyne Bush iyo Senator Kerry ninba wuxuu hayey uu badka soo dhigayo waxaan maqlay jiray Maah Maah Soomaaliyeed oo ahayd "Ninba Ceesaantii Ceelka keen", Warbixintani oo ah mid si toos ah ugu soo bixi doonta SOMALITALK.COM waxaan todobaadkani ku eegi doona ololaha Senator Kerry oo gallay waji cusub, iyo Madaxweyne Bush oo ku soo jiidanaya shacabka Maraykanka ee aan go'aanka ka gaadhin cidda ay codkooda siinayaan Adayga diintiisa iyo wakhtiyadii adka ee uu maraykanka ka soo saaray waa dhacdooyinkii 11 September, iyo weliba codka Muslimiinta maraykanka oo u xagliyey xagga Senator John Kerry.

Aan ku horayno Ololaha Senator Kerry, Shallay waxaa ololaha Senator Kerry uu ku doonaayo inuu ku fadhiisto Xafiiska guriga cad ee loo yaqaano "oval office" ku soo biiray Madaxweynahii hore ee dalka maraykanka Bin Clinton, inkasta oo Madaxweyne Clinton uu ka soo kacay qalliin lagaga sameeyey wadnaha seddex todobaad ka hor hadana waxay tani u muuqatay shallay mid looga maarmi waayey inuu Saaxiibkii Kerry gacan ku siiyo sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha 44-aad ee dalka maraykanka, Madaxweyne Clinton waxba ulama uu hadhin inuu saaxiibkii Kerry uu barbar istaago, wuxuu shallay olole balaadhan kala gallay Magaalada Philadelphia, wuxuuna ugu baaqay dadka ku nool gobolka Pennyslavenia in ay codkooda siiyaan Senator Kerry, waa xaqiiq Madaxweyne Clinton inuu hilib badan ka dhacay hadalkiisuna daciif ahaa, balse waxaa hubaal ah in kelmadahii uu yidhi ay ahaayeen qaar warran ku ah ololaha Madaxweyne Bush Madaxweyne clinton wuxuu qudbad uu ka hor jeediyey boqolaal taageerayaal u ah xisbiga dimuqraadiga u sheegay "Waxaa ayan darro ah in nin qudhaata uu Maskaxdiina ku rido jawahareerin isaga oo ku doodaya inuu idinka difaaci doona argagixisada, waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aynu fahmi lahayn macnaha xorriyadda dhabta ah iyo barwaaqada taasi oo runtii ay gacanta ugu jirto hadda idinka gacmahiina, waxaana aan idinka codsanaya inaad taageeridiina siisaan saaxiibkeen Madaxweynaha cusub John Kerry" clinton markii uu lahaa Madaxweynaha cusub waxaabad moodaysay in Kerry loo caleemo saaray Madaxtinimada balse waxaa aan shaki ku jirin in salaasada soo socota ay shacabka maraykanku go'aansan doonan cidda ay doonayaan inuu xukumo afarta sanno ee soo socota, Ma Bush mise Kerrry,  saadasha ayaa u muuqata mid runtii lagu dawakhsanyahay mid noqon doona madaxweynaha maraykanka 2 november, Saxaafadda maraykanka ayaa mid weliba waxay soo saareeyen 72 saacadood ee ugu danbeeyey saadalo kala duwan, balse waxaa xaqiiq ah in tartanku yahay mid madaxa la iskula jiro oo ay labada musharaxba haystaan taageero isleeg oo isku mid ah.

Madaxweyne Clinton wuxuu ku soo dhaweeyey Microphone ka ninka doonaya inuu hanto xilka ugu weyn america Senator John Kerry, Kerry ayaa wuxuu dhaleecayn badan dusha ka saaray Madaxweyne Bush oo wakhtigaasi wararka ka soo baxaya ciraaq aanay u ekayn mid madaxweynaha u fiican, sida jariiradda New-York Times soo warisay waxaa 3500 oo tone oo waxyaabaha qarxa ah lagana ictiraaqi karo hubka nuclear-ka in laga waayey mid ka mid ah xeryaha keydka ee hubka ciraaq, taasi oo hubaal ah inay gacanta u gashay qolooyinka dagaalyahanada reer Ciraaq, Senator Kerry oo warkaasi si diiran usoo dhawaysanaya ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa "Waa hubaal Saaxiibadayda Maraykanka ahow inuu Madaxweynahani inbadan idiin sheegay inuu idinka difaacayo argagixisada, waa ayaan darro in maanta aynu arkayno hubkii noocii ugu khatarsana oo gacanta u gallay argagixiso, Madaxweynahu ma mid aan yaxyaxinba, eega nidaam darrada ka muuqata Maamulkiisa, hadda iyo markii hore kee ayeynu khatar ugu jira in waxaynu gacanteena ku sababnay ay inaga khatar inoo noqdaan, waxaa hubaal ah inaynu u baahanahay madaxweyne og argagixisada dhabta ah iyo cidda dagaalku ku waajibay"

  

Dhinaca ololaha Madaxweyne Bush haddaynu jaleecno, Madaxweynahu 24 Saacadood ee inna dhaafay salka dhulka muu dhigin wuxuu dareen weyn ka qaba wajiga cusub ee uu gallay ololahu, Maanta oo ay Salaasa ahayd bishuna ku beegantahay 26 October wuxuu Madaxweyne Bush olole aan joogsi lahayn ka gallay gobolka Wisconsin oo saadasha cododka laga qaaday sheegayso inuu ka mid yahay xagga horana kaga jiro gobolada dhimashada (dead heat states), kal hore doorashadii 2000 ayaa gobolku waxaa codod 3400 cod ah ku guulaystay Algore oo wakhtigaasi Bush la tartamaayey, balse waagaasi wuxuu Bush ku guulaystay gobolka weyn ee Ohio oo hadda u muuqda inuu taageero laxaadleh siinaayo Senator Kerry, markaa wuxuu Madaxweyne Bush hadda ogyahay haddii uu ku guul daraysto Wisconsin markaa inuu waayayo Madaxtinimada Guriga cad, Madaxweyne Bush wuxuu maanta qudbad u jeediyey taageerayaashiisa oo iskugu soo uruuray degmada Onalaska ee aan sidaasi uga durugsanayn xarunta gobolka Wisconsin, isaga oo la hadlaya taageerayaashiisa ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa "Ololahani maaha oo qudhaata laba musharax ee waa laba jiho oo kala qeexaya in aynu dib ugu laabano cabsi iyo murugo badan oo dadkeena ay badeen argagixisadu, iyo in aynu argagixisada la dagaalano oo aynu weeraro intaanay inna weerarin, waxaanan huba in aanay saacadayda argagixiso hadda fursad u heli doonin inay weerar u gaystaan shacabkayga" markii ay madaxweynaha ka soo baxday afkiisa intaasi ayaa waxaa sacab iyo masraxad isku darray taageerayaashiisa oo og in Madaxweyne Bush uu haysto cadaadis xagga cododka ahi, haddadani oo aan warbixintani qorayo waxaa si toos ah uga ololaynaya gobolka Wisconsin labada Musharax oo midi joogo xaruntiisa Devenport ka kalana joogo Highland.

Dhinaca kale sida ay xaqiijiyeen la taliyayaasha ololaha Madaxweyne Bush waxaa goor aan fogayn ololaha Bush ku soo biiri doona Jilaaga weyn ee hollywood ahna badhasaabka gobolka California ninka xooga weyn Arnold schwezeneger oo lagu xasuusto aflaamtiisi (terminators), waxaa la filaya inuu siin doono inyar oo gacan ah madaxweynaha isaga oo soo jiidan doona dadka isaga jecel, balse sida khubarada fiirada gaarka ah ku haysa doorshadani tibaxayaan waxaa hubaal ah in ay doorashadani tahay mid aan weligeed hore usoo marin taariikhda dalka maraykanka halka cod ee la is dheeraadana uu msharaxa kale u yahay cidiyo ku dirir.

CODKA MUSLIMIINTA EE DALKA MARAYKANKA

Sida uu xaqiijiyey ururka Muslimiinta maraykanka ugu weyn waxaa codka muslimiintu sannadkani %80 uu u xaglinaya xagga Senator John Kerry, xagga %11 ay u codaynayaan ninka madaxa banaan ee asalkiisu ka soo jeedo waddanka Lebnon Ralph Nader, %2 waxay codkooda siinayaan Madaxweyne Bush oo u badan shiicada muslimiinta ah, sida kal hore 2000 ay muslimiinta maraykanku cod badan usiiyeen Madaxweyne Bush ayaa lagu tilmaamaya inay xaglintani aadka u badan ka dhalatay cadhada weyn ee ay muslimiinta maraykanku ka qaadeen nacaybka maamulka Bush ka dib weeraradii 11 september iyo weerarada uu Bush ku qaaday labada dal ee islaamka ah ee Ciraaq iyo Afghanistan, iyo weliba cadaadiska uu ku hayo dunida islaamka.

Sidaan hore u ballan qaaday waxaan maanta soo qaadan doona saadasha cododka dhawr Saxaafadood oo dalka maraykanka ah waana kuwani

CNN/US GALLUP

Sida uu qaaday barnaamijka CNN/US GALLUP haddii ay maanta oo ay bishu tahay 26 October sannadka 2004 ay doorashada dalka maraykanku dhici lahayd iyada oo ay ku tartamayaan Madaxweyne George W. Bush oo u tartamaya Xisbiga Jamhuuriga, Senator John F. Kerry oo u tartamaya Xisbiga Dimuqraadiga iyo Ralph Nader oo ah musharax Madax banaan waxay kala heli lahaayeen sida tani

  • Madaxweyne Bush  ........ %49
  • Senator John Kerry  ..........%47
  • Ralph Nader   ................... % 1

Sidoo kale barnaamijka saadasha cododka maraykanka ee Televisionka qaranka maraykanka ee ABC sida uu qaaday

  • Senator John Kerry  ................%49
  • Madaxweyne Bush  ................. %48
  • Ralph Nader  ............................% 1

Sidoo kale barnaamijka Reuters Polls sida uu qaaday waxay ahayd maanta sida tani

  • Madaxweyne George W. Bush  ....%48
  • Senator John Kerry  ....................%48
  • Ralph Nader  ..............................  %1

La soco ololaha doorashada dalka maraykanka iyo warbixinaha salaasada ee natiijada doorashada maraykanka iyo somalitalk.com.

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

WAA KUMA KEERRY... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD