Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
 Prof. Cabdi Samatar oo Diidan Ogolaanshaha Dr. Cali Khaliif Galaydh in uu Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Ali Khalif Galaydh
Star Tribune

Sida eey sheegtay jariidada startribune Cadadkeedii maanta (August 3) ayeey ku cadeeysay in Professor Cabdi Samatar oo in badan Maadada Juquraafiga (Geography)-ga ka dhigayey jaamacada Minnesota uu aad u diidan yahay ogolaanshaha loo ogolaaday in Dr Galayr wax ka dhigo jaamacada minnesota.

Sida wargeysku sheegay proffesor Samatar wuxuu dhambaal u diray madaxa machadka Hamphrey - oo ah halka uu Dr Galayr wax ka dhigi doono - Mr John Brandl, wuxuuna ku eedeeyey in mr galayr uu " Laaluushay warshadii sonkorta (ee mareereey)" xilligii uu maareeyaha ka ahaa, isla markaana uu " Lunsaday lacag gaareysa $1 milion oo doolarka mareykanka ah" - intuu uu wasiirka koowaad ahaa - waa sida uu warka u dhigaye !

Professor Samatar wuxuu raaciyey " Dr Galayr wuxuu leeyahay sooyaal magac xumo dheer bulshada dhexdeeda, taas oo ugu danbeyna wax gaarsiin karta sumcadda machadka & jaamacada minnesota" ha yeeshee madaxa machad Mr Bandl wuxuu sheegay inuu professor Samatar weydiistay inuu cadeeymo u keeno eedeymaha uu dusha ka saaray Dr Galayr, laakiin professor Samatar " wuu ku fashilmay arrintaas" ayuu yiri mr brandl oo cadeeyey inu la xiriiray dowlada federalka ah ee mareykanka, Qaramada Midoobay & jaamacada Syracuse University oo dhamaantood la soo shaqeeyey my Galayr sheegeyna ineeysan aaminsaneyn dhaleeceyntaas.

Mr Brandl oo hadalkiisa sii wata wuxuu raaciyey " waxaan baaritaankeygii ku soo gunaanaday inaan ogaaday in mr Galayr la damacsan yahay in la baabi'iyo sumcadiisa & magiciisaba, mase ogi dadka ka danbeeya " ayuu ku cabaaday mr Brandl oo sheegay ineey cadaalad darro tahay inuu mr Galayr ku diido eedeymo aanan cadeymo wadan, dhamaan dadkii uu la soo shaqeeyeyna weey amaaneen oo wexeey ku tilmaameen in machadka hamphrey hanti weyni u soo hoyatay !

Siciid Fahiye oo ah madaxa Community-ga (jaaliyada)soomaaliyeed ee ugu weyn Minnesota ayaa isagoo arrintan ka hadlaya sheegay in soomaalidu muranka & isqab-qabsiga caan ku yihiin " aad beey u adag tahay inaad kala ogaato qofka run & been ka sheegaya arrimahan oo kale" ayuu yiri Mr Fahiye oo raaciyey " mar hadii aad koox ku kala baxdaan arrimo siyaasadeed wexeey kuugu eedeynayaan wax walba" .

Dr Galayr ayaa saddex-da sano ee soo socota qaadan doona 90.000$ sanadkiiba sida machadku sheegay, wuxuuna u soo guuri doonaa magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis & St.paul.

Mr Galayr wuxuu wargeyska u sheegay inuu C/qasim ka danbeeyey kalsooni kala noqoshadii barlamanku ku kala direen dowladiisa " isagoo isticmaalaya laaluush" ayuu yiri, wuxuuna cadeeyey inuu ka faa'iideystay waqti uu Dr Galayr ku soo maqnaa mareykanka " si uu uga dhaadhacsiiyo dowlada mareykanka ineeyan garaacin somalia" ayuu raaciyey.

Dr Galayr wuxuu aad isaga difaacay dhamaan eedeymaha musuq-maasuqa & fadeexadaha lacageed ee loo soo jeediyey " hadii 1 million $ aan dhacay muqdisho kumaanan laaban kari laheyn oo misana si nabad ah iiguma eeysan ogolaadeen inaan iska soo boxo " ayuu yiri.

Dr Galayr wuxuu noqon doonaa professor-ka seddexaad ee si rasmi ah wax uga dhiga jaamacadaha gobolkan Minnesota oo soomaali ah.

C/raxman Ceynte

ceynteyare@hotmail.com 

MPLS, MN

DOODFURAN: ARAGTIDA DAWEYNAHA ee SAMATAR vs GALAYDH 

ISHA: StarTribune | August 3, 2002

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16


Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada 


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.