Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
BEENIN WAR LAGA SOO XIGTAY NINAAN XOG"OGAAL AHAYN DAGAALKII PUNTLAND

liibaan siciid shabac
 liibaanshabac@hotmail.com 

August 4, 2002

waxaan aad uga xumahay wararka lagu jahwareerinayo dadka aqrista web-pagekan somalitalk waxaase nasiib daro ah in aad soo gudbisaan war aydan soo kala miirin sida xaqiiqdiisu tahay, waxaan aad ula yaabay ninka soo qoray warbixinta waxa ku kalifay inuu soo qoro wararka noocan oo kale ah,

 
Dhacdadii Puntland oo Isu Badashay Wadahadal

Wq. Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike Agosto 4, 2002

waxaa hubaal ah in uu dagaal dhacay labada dhinacna qasaare soo wada gaaray sida xaqiiqda ahna uu dhanka c/llahi yuusuf u badnaa dhaawaca,waxa lama huraan ah in cidwaliba isu xilqaanto nabad in ladoono laakiin taasi waxaa diiday c/llahi yuusuf oo ka doorbiday inuu xoog wax ku maquuniyo,

sida lagu yaqaan BOQOR MAX"UD waa oday nabada jecel marwalbana dadka uu boqorka u yahay ka shaqeeya inay nabad kuwada noolaadaan, hadaba waxaan somalitalk iyo dadka aqristay qoraalkan cadifada lagu soo qorayu sheegayaa inaysan waxba ka jirin in shir lagu xalinayo dagaalada ka dhacay puntland lagu qabtay qardho walina ciidamadu is hor fadhiyaan lana filan karo in dagaal kale dhaco xiliyada inagu soo aadan,waxaase dadku soo dhoweeynayaa cid walba oo diyaar u ah inay xiisada qaboojiso, 

mafilayo in c/llahi yusuf dagaalka joojin lahaa haduu ka xoogroonaaday ciidamada ka soo horjeeda taasina wax ku cadeyneysaa in c/llahi yusuf dib isu habeeynayo si uu usooqado dagaal labaad mana jiraan qoryo lagu wareejiyay ciidanka c/llahi yuusuf,ciidankuna wuxuu kala joogaa xido oo ay joogaan ciidanka jamac iyo qayaadsame oo ay joogaan ciidanka caburintan xabshida u adeega 

waxase xaqiiq ah in tiro kabadan 600 oo kamida cidanka caburinta puntland ay mesha ka baxeen oo aan markale shaqageli karin waayo waxay isugu jiraan wax dhinta,dhaawacmay amaba la qabtayba sida la ogsoonyahay,hadaba waxaan leeyahay dadka waxgaradka ah iyo qofkastoo nabada jecelba inay isu xilqaamaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa degaamada puntland dirirta micna darad ahina loo joojin lahaa,

waxaanse c/llahi yusuf u sheegayaa in uusan mansab soomaaliyeed ku heleeyn inuu laayo dadka gobolada puntland u dhashay waxaana cad oo biyo kama dhibcaan ah inan c/llahi yuusuf soomli dooraneeyn itoobiyan iyo mareeykana aysana soomaali ku qasbi karin cidaysan rabin.

 liibaan siciid shabac
 liibaanshabac@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk

QORAALKA LOO JAWAABEY KA AKHRI HALKAN 

DOODFURAN: Sidee u Aragtaa Xalka Puntland 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.