Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - PUNTLAND
BAAQ NABADEED

Ku:
· Dhamaan Issimada PL
· Dhamaan Siyaasiyiinta PL
· Ciidamada Qalabka Sida Iyo Poliska PL
· Culumaau'diinka PL
· Dhamaan Wax-Garadka Aqoonyahanada PL
· Dhamaan Ururada Ganacsatada PL
· Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada PL

Bismilaahi Raxmani Raxiim

Anagoo ah wax garadka dhalinyarada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda Jaaliyadda Puntland ee ku nool dibada gaar ahaan wadamada Ingiriiska, waxaan u tacsiyeyneynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dhamaan dadkii ku geeri yooday dagaalkii ka dhacay agagaarka Qardho.

Annagoo ka amba qaadayna dhibka iyo khilaafka ka aloosan deegaanka PL, una aragna inuu yahay mid reebi kara cawaaqib aan wanaagsanayn, ayaan waxaan si midaysan ugu baaqaynaa dhamaan shacabka reer PL in loo istaago soo celinta midnimada, kalsoonida, ka shaqaynta nabadda iyo xasiloonida iyo isla mar ahaantaas dhowritaanka sharafka iyo karaamada aynu hidaha u leenahay.

Waxaanu aad uga xun-nahay in dhibaatooyinkii ku bilaamay hardanka siyaasadeed ay aakhirkii keeneen dhimasho iyo dhaawac shacab iyo ciidanba. Waxaa argagax nagu beeray dhacdooyinka ka dhacay agagaarka Qardho oo aan ahayn kuwo bulshadeena horay loogu yaqiin.

Waxaan ku baaqaynaa in nabada shacabka Puntland tahay mid muqadisa, lagana hor mariyo wax kasta.

Waxaanu codsaneynaa in la kala saaro danta ummadda iyo danta gaaban ee ah KURSI iyo MADAX doonka.

Waxaanu kula talinaynaa dhamaan bulshoweynta reer puntland ee ku nool dibeda iyo gudahaba inay mid ahaadaan,dulqaad muujiyaan,dadaal dheeraadana la yimaadaan, gaar ahaan xilligaan adag ee dad dano gaar ah lihi ay marin habaabinayan nabada iyo kala danbaynta Puntland.

Waxaan aaminsanahay in Ismada ay yihiin laf dhabarta bulsha waynta reer puntland sidaa awgeed waxaan ugu baaqaynaa in ay go’aamo wax ku ool ah kasoo saraan Dagaaladan

Waxaan ku baaqeynaa in hardanka dagaalka iyo dhiiga macna darada
ku daadanayo la joojiyo iyadoon wax sharuuda lagu xirayn , ciidamada is hor fadhiyana la kala qaado sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaan codsaneynaa in arinta lagu dhameeyo sida mar kasta danta ummaddu ku jirto, waana muhiim in wax kasta laga hor mariyo danta guud ee ummadda reer Puntland.

 

Allaa weyn nikii aamina awood leh

Qoraalkan waxaa qoray jaaliyada puntland ee ku nool wadanka ingiriiska

Wixii faah faahin ah kala soo xiriir

C/rashiid Abshir Hersi

Email: aahersi@yahoo.co.uk 

AFEEF: aragtida qoraalkaan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Agoosto 4, 2002

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.