Dhakhtar Sheegay in Cudurka Kaadi-Sonkorowgu Ku Soo Badanayo Soomaalida
Maraykanka....
Tarjumadiii SomaliTalk | May 7, 2002
"Soomaalida soo haajirey ee kasoo cararay wadalkooda dagaalku aafeeyey ee soo
degay Minnesota waxay markiiba daahfurayaan (ama ogaanayaan) dhulka ay waxwalba
ku badanyihiin - cunto badan, firaaqo badan - uu keenikaro dhibaatooyin
caafimaad oo aysan qabijirin (ama dhif-iyo-naadir ku ahaa) jaaliyadda
Soomaaliyeed, waa Kaadi-Sonkorowga" sidaas waxaa qoraal ku bilaabay jariidada
Pioneer Press oo kasoo baxda magaalada Minneapolis.
Dr. Mehmood Khan, oo katirsan cisbitaalka lagumagcaabo "Mayo
Clinic" ayaa sheegay in tira badan oo Soomaali oo weliba kordheysa uu ku
dhacay cudurka Sonkorowga (oo afka ingiriiska lagu yiraahdo diabetes), taas oo
dhakhtarku sheegay in badan cudurkaas lagu arkay shansano guduhood kadib markii
ay Maraykanka Yimaadeen, qaarna sidegdega muddo lixbilood gudohood ah.
Dhakhtar Khan waxa uu yiri "waxbaa dhacay, laakiin su'aashu waxa ay tahay waa
maxay waxaasi"?.
Majiro ilaa hadda qof si cilmiyaysan baaritaan rasmi ah (ama daraaso) ugu
sameeyey arrintaan, laakiin Dr. Mehmood Khan waxa uu sheegay in uu jawaabta
garanayo: waa jimicsi la'aan iyo kororka xad-dhaafka ah ee qaadashada cuntada
nooca looyaqaan caloric, gaar ahaan baruurta (ama xayrtu ku badantahay).
Dr. Mehmood waxa uu yiri "majiraan hab lagu ogaan karo lagulana soconkaro
arintan" taas oo ula jeedey kaaadi-sonkorowga ku siyaasayada Soomaalida
Mareykanka, laakiin ayuu yiri "waa loo baahanyahay in la helo habkaas - lagu
ogaan lahaa".
Kaadi-Sonkorowga nooca loo yaqaan "Nooca labaad II" (af-ingiriiskana lagu
yiraahdo Type II diabetes) waxa uu dhacaa marka jirku uu dhumiyo awoodii uu ku
adeegsan lahaa waxa loo yaqaan "insulin" oo ah dhecaan kasoo baxa ganaca kaas oo
kala burburiya sonkorta iyo baruurta ama xayrta si markaas jirku uu u
adeegsado". Haddii aan la daaweyn cudurkani wuxuu keeni karaa dhibaatooyin
caafimaad oo halis ah oo kalagedgedisan, oo ay ka mid yihiin cudurada wadnaha,
indho la'aan, Kelyaha oo istaaga ama shaqayn waaya, lugaha iyo cagaha oo uu ku
dhaco boog keenikarta in lugtiiba go'do.
Soomaalidu marka ay soo gaaraan Maraykanka waxa ay cunaan cunto
ay ka buuxdo Xayr, "waa cunto American McDonald's, KFC iyo pizza"
Dr. Mehmood Khan |
Dhulkoodii Soomaalidu waa lugayn jireen ama baaskiil (bushkuleeti) ayey
qaadanjireen, waxyaabo hawsha-sahla oo badana ma haysan, waxana ay cunijireen
cunto ay ku yartahay xayrtu. Laakiin marka ay soo gaaraan Maraykanka,
firficoonidi jirkoodu siweyn ayuu hoos ugu dhacaa, cunatadooduna waxay isu
bedeshaa cunto xayrtu (baruurtu) aad ugu badantahay, calorie uu ku badanyahay ee
ah cunta American. "Waa McDonald's, KFC iyo pizza" ayuu yir Dr. Khan.
Cilmibaarisyo ayaa sheegay in dadka Maraykanka ah uu ku badanayo cudurkaasi,
laakiin Waxa uu layaabay Dr.Khan in marka miisaanka Soomaalida uu ku kordho 10
ilaa 20 rodol oo keliya uu bilaabmo kaadi-sonkorowgu. Laakiin ayuu yiri Dr. Khan
waxaa lagayaabaa in qeexidda dadka cayilan ay ku salaysnayd qaabka Ameerikaanka.
"Waxaa lagayaabaa in qeexidanadu aysan waafaqsanayn dadkaas (soomaalida)" ayuu
yiri.
Dr. Khan waxa uu taxadar ka muujiyey in isaga iyo dhakhaatiirta kale ee
cisbitaalka Mayo clinic aysan hayn macluumaad rasmi ah oo kusaabsan arinta la
xiriirta kaadi-sonkorowga ee Soomaalida, taas oo aan weli aad loo daraasayn sida
uu dhakhatarku sheegay. Waxaana uu sheegay in loobaahanyahay in cilmibaaris
arintaas ku saabsan la sameeyo, si loo ogaado sababtee iyo maxaa cudurkani
sidaas xad-dhaafka ah ugu kordhaayaa (Soomaalida Maraykanka), iyo sidii
Soomaalida looga caawin lahaa sidii ay u yarayn lahaayeen khatarta cudurkaas.
"Hadii waxyaabaha suurta galka ka ah dadka caddaanka iyo African-American ay
suurtagal kayihiin Soomaalida, markaas waxa ay yaraynkaraan halista cudurkaas
marka ay kordhiyaan jimicsiga jirka iyo in ay miisaankooda yareeyaan" ayuu yiri
dr. Khan
Mayor Clinic waxa uu ku yaala magaalada Rochester oo u dhow magaalada
Minneapolis ee gobolka Minnesota, waana cisbitaal kamida kuwa aadka looga
qadariyo dalka maraykanka amaba kamida kuwa ugu horreeya dalka oo dhan.
CALAAMADAHA LAGU GARTO KAADI-SONKOROWGA
- Harraad xad-dhaaf ah iyo rabitaan cunto oo xad-dhaaf ah
- Kaadi badan, marmarka qaarkood saacad kasta
- Miisaanka oo dhinma (ama yaraada)
- Daal
- Lallabo iyo (lagayaabee) matag
- Aragga oo mugdi ama tashwiish gelayo
- Dumarka oo "infection" soo noqnoqnaya kagadhaco ferjiga iyo iyada oo
lagayaabo in ay caadadu ka joogsato.
- Ragga oo uu kudhaco tabar darro xagga isutaga raga iyo dumarka ah.
- Ragga iyo dumarkaba oo uu ku dhaco infection-ka loo yaqaan "yeast
infection"
GOORMA AYAAD DHAKHTARKAAGA WICI-KARTAA
- Marka aad dareentid lallabo, tabar-darri iyo harraad xad-dhaaf ah; oo
kaadidu noqoto mid soo noqnoqta, xanuun ka dareemeysid dhexda, oo aad
neeftuureysid adigoo hawada u qaadana si ka degdegsan habkii caadiga ahaa.
Waxaas markaas u baahantahay dhakhtar degdega si loo baaro heerka sonkorta
jirkaaga.
- Hadii aad dareemeysid tabar-darro, wadnaha oo degdeg kuu garaacaya,
gariir, dhidid-xad-dhaaf ah, aad dareemeysid in aad si fudud u xanaaqeysid
(car-i-taabo), gaajo ama lulmo degdega. Tani waa halis.
SI AAD WAX BADAN UGA OGAATID CUDUKAAN
ISHA: Pioneer Press, Minneapolis | Tarjumadiii SomaliTalk | May 7, 2002
MACLUUMAAD KUSAABSAN SONKOROWGA...
AKHRI...