Garoowe: Urur ay Leeyihiin Dadka Sonkorowga Qaba oo La Furay...
Waxaa magaallada Garoowe laga furay xarunta Bukaanka Sonkorowga Qaba ee Soomaaliya (Somali
Diabetes Association) maalintii Jimcaha ee bisha February ahayd 23-ka ee
sanadkan 2008-da,.
Furitaanka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi,
Wasiirka Haweenka & Arrimaha qoyska Caasha Geelle Diiriye, Wasiir ku xigeenka
Caafimaadka Maymuun Cabdi Ducaale, Xildhibaan C/rashiid Maxed Xirsi, Xildhibaan
Bashiir C/casiis Cumar, Agaasimaha Guud ee WWB Max'ed Jibriil Yuusuf
(Gorayo-Haaneed) iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wakiiladda & Golaha
Xukuumadda.
Xildhibaan Axmed Siciid Muuse
Halkaas waxaa hadallo ku saabsan Cudurka Sonkorowga calaamadihiisa,
dhibaatooyinka uu dib ka geysto iyo sida loola tacaali karo ka soo jeediyey
Aasaasaha ururka Xildhibaan AxmedBarre Siciid Muuse oo sheegay in ururka uu u
aasaasay in dadka sonkorta qabaa ay helaan wacyigelin, tababarid iyo daaweyn ku
aaddan sidii bukaanka cudurka qabaa ula tacaali lahaayeen.
Caasha Geelle Diiriye
Waxaa kaloo hadalo wax-tar leh ka soo jeediyey Wasiir Caasho Geelle Diiriye, Agg
Maxed Jibriil, Gudoomiyaha maxkamadda racfaanka sh Siciid Axmed Faarax,
Wasiirkii hore ee arrimaha diinta Sh CaliNuur iyo masuuliyiin kale oo badan
kuwaasoo ku dheeraaday baahidda hadda taagan ee loo qabo in urukan la furo
maadaama hadda cudurka sonkorowgu uu ku socdo xawli aad u badan.
Cumar Shariif
Waxaa kaloo munaasabadaas ka Hadlay Mulkiilaha shirkadda Humancare Cumar shariif
oo sheegay in uu ugu deeqayo bulshada qabta cudurka sonkorowga Mishiinadda lagu
cabiro dhiigga oo lacag la'aan ah isla markaasna uu keeni doono Strip-ka oo
qiimihiisu jaban yahay.
Gudoomiye Axmed Cali Xaashi
Ugu dambayntiina waxaa si rasmi ah xafladii u xiray Gudoomiyaha baarlamaanka
Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi oo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay
furitaanka ururkana kana codsaday hawlwadeenada ururkan in ay dardar geliyaan
caawinta ummadooda, wuxuu kaloo gudoomiyuhu sheegay in uu isagu markii uu maqlay
abaabulka ururka uu la soo xiririiray shaybaarka ururka uuna baaray macaanka
dhiigiisa loona sheegay in uusan cudurka qabin laakiin uu taxadar sameeyo.
Waxaa kaloo ururku soo bandhigay himiladiisa, waxqabadkiisa Iyo yoolka uu
hiigsanyo waxayna u qornayd sidan:
Ururka Bukanka Sonkorowga ee Soomaaliya(SDA).
22 February 2008
Himilo Ururka : (Vission)
Himiladda Ururka Bukaanka sonkorowga ee soomaaliya (SDA) waxay tahay in uu
hogaamiyo ka hortagga & maaraynta sonkorowga ee Soomaaliya & geeska afrikaba.
Waxqabad Ururka : (Mission).
SDA wuxuu ku gaari doonaa himiladiisa:
- Wacyigelin
- Tababarid.
- Xog faafin.
- Daraasad samayn
- Diyaarin xirfadlayaal heegan ah.
Lama-dhaafaan Ururka: (Core Values).
SDA wuxuu rumaysan yahay in sonkorowgu aanu ahayn xayndaab ka hor istaagaya
bukaanka qaba in uu si caadi ah u noolaado, Adeeg kasta oo uu qabanayo SDA waxaa
udub-dhexaad u ah:
- Adeeg Bini-aadaminimo oo Daacadnimo ku dhisan.
- Sinaan keenta Xanaano hagaagsan, iyadoon qofna loo fiirinayn Lab & Dhedig.
- Xisaabtan- SDA wuxuu fulinayaa balanqaad kasta oo uu u sameeyey xubnahiisa oo
waafaqsan himiladiisa.
- Wadaag- SDA wuxuu wakiil ka yahay xubniisa oo dhan si aan kala sooc lahayn.
- SDA wuxuu baritaarayaa xubnihiisa si ay kor ugu qaadaan tayada xanaanadooda,
ugana qaybqaataan fahamka iyo horumarinta dawrka SDA.
- Xilkasnimo- SDA Wuxuu isu-xilqaamayaa yaraynta khilaafyada iyo is-faham xumada
xubniisa, isagoo kor u qaadaya xiriiradda qaybaha kala duwan, faafinayana
fariimaha ku haboon, una diraya dadka ku haboon, waqtiga ku haboon.
Yoolka Ururka : (Goals).
SDA yoolka uu hiigsanayaa waa in bukaanka sonkorowga qabaa ay helaan:
- 1. Daawadda ku haboon oo loo dheelitiro, iyagoo ku helaya qiimo ay awoodi
karaan.
- 2. Fududaynta helida Qalabka barista oo ay awoodi karaan qiimihiisa &
Isticmaalkiisa.
- 3. Dhakhaatiir khibrad leh & cunto-yaqaano ka caawiya maaraynta noloshooda.
- 4. xiriir ay la yeeshaan addun-weynaha si ay ula wadaagaan horumarka sida
xawliga ah ku socda ee maaraynta sonkorowga.
- 5. Xog-is-dhaafsi xubnaha dhexdooda ah, kuna saabsan khibradda ay is-dheer
yihiin.
- 6. Talooyin sugan oo suuro gelinaya in bukaanku maareeyo cuntadiisa,
jimicsigiisa & Daawadiisa.
- 7. Buugaag ku qoran afka-soomaaliga si ay u helaan Aqoon ku saabsan cudurka
sonkorowga sida loola tacaalo & sida looga hortago raadadka-xun ee uu reebi
karo.
- 8. taageero daawo oo ay helaan bukaanka dhaqaale ahaan aan awoodin iibsashada
daawooyinka lagama maarmaanka u ah noloshooda, iyadoo loo marayo barnaamij
deequruurin ah oo ururku samaynayo.
- 9. Web-Page ay ka dheehan karaan xogaha SDA faafinayso, kuna soo dirsan karaan
fariimohooda meel kasta oo ay joogaan.
Qaabdhismeedka Ururka:
Ururku wuxuu ka koobnaanayaa:
- 1. Gudoomiye, gudoomiye K/xigeen iyo Gole fulin oo ay dooranayaan xubnaha
BOD-ku.
- 2. Xubnaha golaha fulinta waxay yeelanayaan qaybo kala duwan.
- 3. BOD-ka waxaa dooranaa xubnaha golaha dhexe.
- 4. SDA wuxuu yeelanayaa Xubno hawl-wadeeno ah oo golaha fulintu
shaqaalaysiinayo.
NB:
· ururku wuxuu yeelanayaa astaan u gaar ah oo ay soo bandhigi doonaan golaha
fulintu.
· Kala-Qeexidda shaqada iyo wadashaqynta waxaa lagu soo saari doonaa xeer ay soo
saaraan golaha fulintu.
· Magaca ururku wuxuu weli ku jiraa xulasho, qof allaale qofkii haya magac ku
haboon wuxuu u soo gudbiyo golaha fulinta.
Marka walaal adigu warkan tafaftir oo iga sax-sax. Midda kale ogeysiis aan bixin
oo meel kore ku yaal samee kuna qor : La xiriir Ururka Sonkorowga Soomaaliyeed
somalidiabetes@gmail.com tel:2525794432 Contact Person: Ahmedbarre Said Muse
Sawiroo xafladda:
Max'ed Jibriil Yuusuf (Gorayo-Haaneed)
Faafin: SomaliTalk.com |
Maarso 2, 2008
MACLUUMAAD KUSAABSAN SONKOROWGA...
AKHRI...