Mamnuucidda Qaadka Waqtigey Doontoba Hanoqotee
Qore: Abdullah
Assallam Allaikum,
Marka hore waxaan kamid ahaa dadka soo tijaabiyey dhibaatadada uu leeyahay
Qaadka ha ahaato dhinaca caafimaadka, dhaqaalaha, dhaqan xumada, iyo Aqal
dumintaba.
Intaas oo dhan marka lafiirshana wax faa'iido ah oo lataaban karo oo
uu leeyahayna majiraan. Dadka qaarkiis waxay ku doodaan in uu shaqa u abuuray
dad badan laakiin dadka Yaqaana cilmiga Dhaqaaluhu waxaay qabaan mid ka duwan
midka ayqabaan kuwaan kor ku soodheegnay oo ah:
- in uu san qaadku wadanka soo galin habba yaraatee wax dakhli ah oo lacag adag
ah oo dalku aad ubaahanyahay wakhtigan xaadirka ah balse waxa uu ka bixiyaa xoo-gaaga (inta yar) oo laga hello xoolaha ladhoofiyo iyo Lacagta biilka ay ugu soo diraan dadka
dibada jiraa eheladooda.
- Ma abuuro waxshaqo ah oo la taaban karo balse taas cagsigeed waxaa uu lumiyaa
waqti iyo xoogbadan oo looga faa'iidaysan lahaa in wax lagu soo saaro ama
dhaqaale lagu abuurilahaa sababtoo ahaa waxaa dadkeena waqtiga shaqada gaaray ay
waqtigoo intiisa badan ku limiyaan raadinta iyo cunidiisa.
- Waxaa uu ladagaalamaa dakhliga fardiga ah iyo kan guudba.
- Waxaa uu dhiirigaliyaa in Qaadcunuhu uu si toos ah iyo si aan ahaynba ugu
talaxtago hantida guud ee ummadu leedahay iyo tan gaarba marka uu waayo ilkale
oo uu dakhli ka hello lacag uu ku iibsado qaadka uu cuni lahaa.
Ku waas iyo kuwo kale oo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin marka la eego
qaadka waxaa uu mudanyahay waxaa weeye oo kaliyo in wadanka laga mamnuuco haddii
loo hello awoodii iyo dhaqaalihii lagu fulinlahaa arintaas goortaydoontaba
hanoqotee.
Qore: Abdullah
Akhri qaybtii hore (Back)
AKHRI
>> Quudka Naarta & Qaadka (BOQOLSOON)
>> Gabaygii ABSHIR BACADLE ee Qaadka
Posted SomaliTalk.com Team
June 5, 2000
QAYBAHA KALE EE QAADKA