Uganda 2-0 Somalia
SomaliTalk
May 28, 2000
Kooxda Somalia
|
War aan kasoo xiganey wargeyska "The Monitor" oo kasoobaxa Uganda waxa uu dheegayaa in kooxda kubadda cagta ee soomaaliya laga badiyey cayaartii xalay fiidkii dhexmartay Somalia iyo Uganda. Sidaas waxaa kuwaram "Andrew Jackson Oryada" oo warka u diray "The Monitor".
Warku waxa uu intaas ku daray in kooxda Uganda ay sinaba ugu suurto geliweydey in ay wax gool ah dhaliyaan qaybtii hore ee cayaarta iyada oo difaaca kooxda Soomaaliya uu ahaa mid aan lamari karin oo aad u adag. Inkasta oo sida warku sheegay weerarka Soomaalidu uusan u cadcadayn sidii la filayey. Waxaana labada gool lagadhaliyey kooxda Soomaalida qaybtii dambe ee cayaarta.
"Cayaar wanaagsan ayaan ku soobandhignay ama ku cayaaray qaybtii hore, laakiin waan daaley", sidaas waxaa yiri Sakaria oo tababaraha Soomaaliya. Muguwa oo ah tababaraha Hippos waxa uu yiri " qaybtii hore ma cayaarin cayaar wanaagsan laakiin qaybtii labaad ayaan cayaartii wanaajiney". Taasi waa warkii aan kasoo xiganey 'The monitor"."
Kooxda Soomaaliya: A. Mohar Hassan, O. Omar, A. Ibrahim, A. Elim, H. Awil, O. Abdulkadir, A. Moyasin, M. Abdifatah, O. Wakil, A. Ali (S. Muktar), A. Abdullahi
Kooxda Hippos: H. Kalyesubula, S. Okumu. H. Erima, A. Kaaya, R. Epangu, N. Kasule (R. Makoba), J. Okello (N. Mutenza) J. Kidega, H. Mbalangu (A. Wejuli), R. Ocii, A. Kadogo
Tartankaan waxaa soo qaban qaabiyey CECAFA (confederation of East and Central Africa Football Associations). Waxaana uu kadhacayaa wadanka Rwanda, waxaana cayaartu bilaabatay May 27, 2000, waxaana cayaarta kamadambaysta ah (final) laqabandoonaa June 10, 2000.
Waxaa cayaarta kasoo qaybgalaya 11 kooxood oo kala ah: Rwanda, Kenya, Eritrea, Somalia, Uganda, Tanzania, Burundi, Ethiopia, Djibouti, Sudan, and Zanzibar.
Waxaan warkan kasoo xiganey wargeyska "The Monitor oo kasoo baxa Uganda iyo UN Somalia
Waxaa soo tarjumey Bahda SomaliTalk
May 26, 2000