SomaliTalk.com
Tell Your Friends

.
.
.
.
.
.
.
.
column

.
.
.
.
.
.
.
.
column

.
.
.
.
.
.
.
.
saxaabada

.
.
.
.
.
.
.
.
zakaat

Home | Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Sports-News | News Sources
Kooxda Kubbaada Cagta Soomaaliya oo diyaar u ah Guul
SomaliTalk
May 26, 2000

football
Kooxda Somalia
Kooxda kubadda cagta ee Soomaaliya oo lagu magcaabo "Telecoms" ayaa waxa Sabtida cayaari kudhex mari doonta kooxda kale Hippos ee Uganda, waxaana cayaartaasi kadhici doonta garoonka "Nakivubo Stadium ". Kooxda Soomaaliya waxay kuballan qaadeen (insha Allah) in ay guul weyn kasoo hoyn doonaan cayaartaas.

Kooxda somaliya waxaa kharashkeeda bixinaya (sponsor) shirkad kadhisan xamar oo lagu magcaabo Telcoms company of Mogadishu.

"Inkasta oo ay hadda noogu horreyso is-reeb-reebka, hadana aad iyo aad ayaan diyaar u nahay, diyaarna waxaan u nahay guul," sidaas waxaa yiri Ali Hassan oo ah gacanyaraha garsooraha kubbada cagta ee kooxda Soomaaliya, warkaasna waxa uu shalay u sheegay wargeyska "The Monitor".

Inkasta oo uu sheegay in aysan waxbadan ka aqoon kooxda Uganda, laakiin waxa uu sheegay in wiilashiisu (waa kooxda e) ay kubada cagta si xarfad leh u cayaaraan (ama u dheelaan), waxaana uu intaa (Ali Hassan) kudaray "Wax cabsi ah habayaaraatee maqabno waayo waxaan qaadanay tababar aad u adag".

Sida uu sheegay wargeyska "The Monitor" ee kaso baxa Uganda, Kooxda Hippos niyadoodu way dhisan tahay cayaar kulul ayeyna diyaar u yihiin. Madaxa kooxda (Hippos) Jimmy Muguwa iyo Charles Namakoola waxa ay u sheegeen "The Monitor" in kooxdu ay diyaar tahay ayna kuniyad sanyihiin sababtoo ah kooxda oo qaabkoodu wanaagsan yahay iyo kooxda oo niyad san.

Waxaan filayaa maadaama uu kooxda (Hippos) hadda kujiro Hussein Mbalangu, in markaas kooxdu ay cayaar kulul soo bandhigi doonaan," sidaas waxaa yiri Namakoola.

Muguwa iyo Namakoola (waa tababarayaasha kooxda Hippos) waxay u badan tahay in labada cayaaryahan ee Mbalangu iyo Robert Makoba ay geeyaan qaybta weerarka, halka ay dhexda gelinayaan cayartoyada Jimmy Kidega iyo Noah Kasule. Ause Kaaya iyo Patrick Musoke waxay u badan tahay in ay noqodaan difaaca.

Magacyada Kooxda Soomaalidu waa:

A. Mohar Hassan, B. Ahmed Molied, A. Ali Ibrahim, O. Hussein Hassan, A. Oman Ibrahim, O. Osuman Nun, J. Abduhar Moyour, O. Oman Wakil, M. Abdulier, A. Molied Ibrahim, M.Mukh Sheech, A. Mohamad Muhamod, A. Mohamed Ali, A. Adam Elmin, M. Almed, A. Molieod, A. Ahmed Shek.

Lacagta lagu gelayo cayaarta waa:
Pavilion - Shs 10,000
Standing - Shs 8,000
Kirussia - Shs 3,000
May 31: Gp C
Telecom (Somalia) Vs Yanga (Tz)
June 04: Gp C
St. George (Ethiopia) Vs Telecoms (Somalia)

Tartankaan waxaa soo qaban qaabiyey CECAFA (confederation of East and Central Africa Football Associations). Waxaana uu kadhacayaa wadanka Rwanda, waxaana cayaartu bilaabaneysaa May 27, 2000, waxaana cayaarta kamadambaysta ah (final) laqabandoonaa June 10, 2000.

Waxaa cayaarta kasoo qaybgalaya 11 kooxood oo kala ah: Rwanda, Kenya, Eritrea, Somalia, Uganda, Tanzania, Burundi, Ethiopia, Djibouti, Sudan, and Zanzibar.

Waxaan warkan kasoo xiganey wargeyska "The Monitor oo kasoo baxa Uganda iyo UN Somalia
Waxaa soo tarjumey Bahda SomaliTalk
May 26, 2000


Wararka kale Cayaaraha Soomaalida laxiriira

Somali Team in CECAFA Tournament
UN Somalia May 26, 2000
Hippos ready for Somalia
The Monitor, Uganda May 26, 2000
Ciyaaraha Kubbada Cagta ee Afrika | Soomaaliya
SomaliTalk May 24, 2000
Kateregga to miss Uganda-Somalia tie
The Monitor, Uganda May 24, 2000
Somalia's Telecoms will arrive in Kigali before all other teams May,24
The Monitor, Uganda May 23, 2000
Uganda Hippos captain hours before opponents Somalia jet in tomorrow
New Vision, Kampala May 23, 2000

Check also Sport Latest News
SomaliTalk

Allah Is Great
.
S

O

M

A

L

I

A

S

P

O

R

T

S



Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback