SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA KANEEC

c/rizaaq A.adan ali kaneec
kaneec1@hotmail.com


Taariikh Nololeedkii iyo Gabyadii Ismaaciil Mire Cilmi


c/rizaaq A.adan ali kaneec

c/rizaaq A. ali kaneec

Waa suugaan taxane ah lasoco isbuuc kasta...

lasoco suugaanta abwaankii waynaa alaha unaxariistee abwaan mujaahid ismaaciil mire"

...........................

Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa xustay gayadiisa taariikhda insaanka waxaa dhowaaan gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliga suugaanta ama adabka manhaj ka mid ah, Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan kusoo koobi karin,maanta waxaanu soo qadanaynaa labadii gabay ee isbuuc kasta aanu qaadan jirnay maanta waxaanu qaadanaynaa 2gabay ee kala ah. gabayga lamaga baxay {xoogso iyo . Dabkaad hurisay}.markaa maanta waxaynu soo ban dhigayaa labadaas gabay waxaana kubilaabayga, gabayga uguhoreeya magaciisu yahay xoogso.wuxuuna kubilowday sidan.

Gabaygii: Xoogso

Gabaygan wuxuu abwaanku u tiriyey wiil uu dhalay oo cali la odhan jiray.Ismaaciil wuxuu doonayey inuu wiilkiisa u carbiyo nolosha oo ku bogaadiyo inuu shaqaysto.Wiilkiina waa yeelay taladii aabihi,waana shaqo tagay waxuu yidhi ismaaciil:

  • Caliyow xasuus kugu dullee,walad xumaadaaye

  • Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye

  • Wax badan baan sidkaha kuu xayiray,xaas walwaallada e

  • Xiniinyoolihii kula sinnaa,waa ka xoogsadaye

  • xadka qabada niman baa guboo,soo xantoobsadaye

  • Niman baa xeryaha deerka dhiga,xanankii toomoode

  • Liiraha rag baa xamar u tegay,oo u xeeb maraye

  • Niman baa dayuurado ku xidhan,xiima samadaase

  • Niman baa xijiga iibsadiyo,xabag dhunkaaleede,

  • Niman baa xaraabada gala oo xoolo saanyada e

  • Hablaha xuurul caynta rag baa xeel ku guursada e

  • Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qoda e

  • Soddon gu' baan ku xasaamiyey iyo weliba xaalxaale

  • Haddaan xiiqay sidaan kuu lahaa,xaaxiyohow toose

  • Xaawaley kolay tahay dad waa xagafsanaayaaye

  • Xag uun labada daarood ku daran,hays xakabin meele

hada waxaany halkana kusoo ban dhigayaa gabaygii kale isagu wuxuu kubilowday sidatan.haye darwish kaguuxii gabaygaaga ale hakuunaxaristee

Gabay: Dabkaad hurisay

Ismaaciil mire oo Calidhuux ka duqaynayaa oo ku tilmaamaya inuu had iyo jeer gardarro wixii la gudboonaana uusan falin. Dinaca kalena Qamaan ayuu ku dhaliilayaa inuusan gabaygii hiil iyo tolnimo midna u qaadan ee uu la kacay eedayn iyo dood aan meesha ku jirin Ismaaciil wuxuu yidhi:-

  • Inkastoo dalkii kala fog yahay, hadalku soo duulye

  • Dabeelaha Xagaagii dhiciyo, dowlahaa sidaye

  • Noo dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede

  • Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne

  • Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluuye,

  • Allaylehe dembaab lama hadlee, kulama doonayne!

  • Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye

  • Dal dhan buu gubaa qaraf yaroo, duur la geliyaaye

  • Dooxooyin idil bay xushaa, digo hulaaqdaaye.

  • Inkastoo diciif yahay naflaha, ama la daadduunsho

  • Inta daamankiisu is hayaan, anafo daynwaaye

  • Deeq iyo markuu nabad heluu, daawo furayaaye.

  • Markii aan Daraawiish jirneed, nagu duqeyneysey

  • Nama duufsan Shiikh Maxamedkii, duubka noo xidhaye

  • Annagaaba diintiyo sharciga, daalib ku ahayne.

  • Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey

  • Cawlkii la dabay oo middida, dabaxda loo waayay

  • Oo qoday birtii lagu dig dhabay, kuugu duurxula’e,

  • Allaylehe dadkii kugu danniyay, waaba kuu digaye!

  • Afartaa ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,

  • Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,

  • Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!

  • Dulka jooji kuma daalayee,dhibic haddaan daadshay

  • Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;

  • In Qamaan ka diday waan ognahay, diirnixii gabaye

  • Laba dibi midkii baqanayaa, ways dalliciyaaye

  • Dinnaahyada horaa laga gartaa, deyrka kii jebine

  • Intuu dabada meermeeriyuu, dadab u boodaaye

  • Weligiiba dagaal kuma xerayn, Deleb Ogaadeene

  • Dalkaa nabad ahaan jiray markuu, daaddahayn jiraye

  • Duqoodii horaa lagu ogaa, inu danqaataaye

  • Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh

  • Oo awrku doobbinahayaa, Deleb ku qooqaayo

  • Daahyaale geelii la helay, dalawadii meertay

  • Markii Dabafurkii laysku helay, lagu darbaysiiye

  • Daya eeyda iyo qaalmihii, soo durdurinaayay

  • Ee doonka laga laynayiyo, dumarka ooyaaya

  • Dar-ku-rogidda goortii horweyn, laga durduuraayo

  • Sidii duul goboo shirey markay, wada dekeynayso

  • Dig markay tidhaahdee fushaa, “daya!“ tidhaahdaane

  • Dab rasaas ah iyagoo sitey, dacas la jiifaane

  • Dagaag magangelyo ah baannu nahay, daa’imaa odhane

  • Xaqoodii hadday dabagalaan, kuma dambaabeene.

  • Afartaa ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,

  • Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,

  • Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!

  • Duulka jooji kuma daalayee,dhibic haddaan daadshay

  • Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;

  • Doqontaa intaad diri lahayd, adigu maad duushid?

  • Oo didisid geelaa fadhiya, Doollo dhinaciisa?

  • Oo dumar-la-moodkii lahaa, daacad ugu geysid

diyaariye c/risaq A.ali kaneec

email"kaneec1@hotmail.com

abdirizaqkaneec}qoraa xaga taariikhda iyo cilmi ga bulshada

 DIYAARIYE QORAA IYO TARIIKHYAHAN

C/RISAAQ A.ALI KANEEC
kaneec1@hotmail.com
 qaahira bariga dhexe


Faafin: SomaliTalk.com | August 4, 2004

QAYBTA 3aad:: KANEEC

QAYBTA 5aad:: KANEEC

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD