SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA KANEEC

c/rizaaq A.adan ali kaneec
kaneec1@hotmail.com


Taariikh Nololeedkii iyo Gabyadii Ismaaciil Mire Cilmi


c/rizaaq A.adan ali kaneec
 
Lasoco isbuuc kasta suugaanta alaha una xariistee abwaankii
waynaa mujaahid Ismaaciil Mire Cilmi:
C/risaaq A.Ali Kaneec
kaneec1@hotmail.com

silsilada gabayada ismaaciil mire 

Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa xustay gayadiisa taariikhda insaanka waxaa dhowaaan gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliga suugaanta ama adabka manhaj ka mid ah.

Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo koobi Karin misana misena waxaynu dad waynaha ugu talagalnay in aanu xasuusino suugaanta soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow aan soomaali ahayn hada gabayga ay aad ka ulayaabeen suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka sudan wuxuu ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule profeser ka tirsan jaamacadaas baa igu yiri weligey ma arag ninkan nin ka aftaahnsan maraka hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi kuturju mi doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid ismaaciil mire,hadaba yaanana idinku dheereene maanta ayenu qaadano labadana gabay ee ugu horeeya isbuucaan waxay noqon doonaan labadan gabay ee hoos kuxusan waxayna kala yihiin

  • 1-Diqdaqaayib
  • 2-Ismaoga

1-Diqdaqaayib

hadaanu isbucaan kubilowno gabayga hore wuxuu kubilowday sidan"

Gabaygan waxaa tiriyey Ismaaciil Mire, xilligii laga guulaystey ciidanka daraawiishta, wuxuuna la hadalayaa hal uu lahaa oo la oran jirey Markab. Ismaaciil Mire isaga oo ku halqabsanaya hashaas ayuu tilmaamayaa dhibta haysata Soomaali.

Maansadii:

Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Dugsi-kululo Doombiraley iyo degalkii Reer-weyne
Darroorrimada laantii lahayd layku dacareeye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Docmiyo Toomihii duri ahaa lagu dugaagowye
doox iyo xirweynaba kufraa degay mareerkiiye
Daaro iyo banglo miiran bay inagu deyreene
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Markaan diriri jirey waadigii damal ka weynaaye
Daliigahanna kurus baa ahaa duudkan feensamaye
Dararna waan lahayd aad murkaha daafta marisaaye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Dulla-carcaraaf waxaan kuugu furay dan iyo caalwaaye
Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye

2-Ismaoga

Gabaygan Ismaacil wuxuu ka tiriyey dilkii Jaamac cali nuur Ilmaadeerna ay ahaayeen aadna uu ujeclaa . Gabaygu wuxuu muujinayaa sida aduunyada laysu maandhaafsan yahay oo aan laysaga war hayn. Nin qabwayn iyo nimaan uba qabin xaalku taagan yahay. Wuxuu yidhi:


Isma oga Ismiir iyo ninkii, ayro foofsadaye
Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye
Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye
Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye
Isma oga nin urugaysan iyo, iilka kii dhigaye
Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa'ibiye
Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile
Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye
Isma oga askari qooqan iyo, nimaan afbuux siine
Isma oga abeer qalableh iyo, inanka doonaaye
Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye
Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday
La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye.

DIYAARIYE QORAA IYO TARIIKHYAHAN

C/RISAAQ A.ALI KANEEC
kaneec1@hotmail.com
 qaahira bariga dhexe


Faafin: SomaliTalk.com | JULY 24, 2004

QAYBTA 2aad:: KANEEC

QAYBTA4aad:: KANEEC

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD