SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA KANEEC

c/rizaaq A.adan ali kaneec
kaneec1@hotmail.com


Taariikh Nololeedkii iyo Gabyadii Ismaaciil Mire Cilmi

Qaybtii 5aad


c/rizaaq A.adan ali kaneec
Lasoco isbuuc kasta suugaan taxanaha oo aan kasooweriyey alaha u xariistee abwaankii
waynaa mujaahid Ismaaciil Mire Cilmi:

C/risaaq A.CAli Kaneec

silsilada gabayada ismaaciil mire

Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa xustay gayadiisa taariikhda insaanka waxaa dhowaaan gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliga suugaanta ama adabka manhaj ka mid ah.

Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo koobi Karin misana misena waxaynu dad waynaha ugu talagalnay in aanu xasuusino suugaanta soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow aan soomaali ahayn hada gabayga ay aad ka ulayaabeen suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka sudan wuxuu ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule profeser ka tirsan jaamacadaas baa igu yiri weligey ma arag ninkan nin ka aftaahnsan maraka hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi kuturju mi doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid ismaaciil mire,hadaba yaanana idinku dheereene maanta ayenu qaadano labadana gabay ee ugu horeeya isbuucaan waxay noqon doonaan labadan gabay ee hoos kuxusan waxayna kala yihiin 

1-Gabay:Dani igama hayso
2-Gabay:Ciil kaama baxo

Gabay:Dani igama hayso
Dagaalkii aduunkee labaad,1945- markii dhacay buu ka hadlayaa iyo dhi btii soo gadhey dad iyo duunyaba.
"Dani igama hayso" Ismaciil Mire waxuu yidhi:-

Digta dhici dayuuradaha lali diifaddiyo qiiqa
Dildillaanka dalambabigiyo dunida ciiraysa
Dukaamada af xiran uumiyaha kala dabayl raacay
Minaawaarradu wada degiyo meyka dibadeystey

Isku duulka duunyada la dhacay dala'a meeraaya
Dani igama heysoo oo Darwiish daacadaan ahaye
Cuquubooyin baa dirirayee la isma daareene
Waatii qaraamiga derderan dumarki raaceene

Waatii gabdhihii door ahaa dabo ormeeyeene
Waatii la daradooriyee damacba beelene
Waatay Baashiikii danqaday diiqa geliyeene
Bashku waxuu dalleysanayee daanka dhiganaayey

Dembaa uga siyaadiyo inay derejo waayaane
Dulligiyo laaluush cunkii dabajin weyn reebye
Dab hadduu ku soo karay wixii laysku dawdabaye
Qaxwihii la ii diirin jirey daayey hadalkiise

Caanaha daruur baan intaan dhamo dawoobaaye
Mana doono soor kale haddaan doobi xaabsado e
Daayimow adaan kuu xamdiyey way dan qumisaaye 

Gabay:Ciil kaama baxo

Gabaygan Darwiish Ismaaciil mire u tirshay wiil wiilashiisa ka mid ahaa oo meeshii laga rabay xaga reerka ka soo bixi wayey markuu guursaday,reerkii iyo xoolahii dayacay isagoo markaa ka hadlaya nolosha miyiga iyo waxyaalo badan oo kale waxuu yidhi

Barbaar waxaad ahaataba mar baad beyddan kulantaane
Dhashu waa bishaare haddaad eebbahey barido
Oo uu boqolle wiil kuu dhashood beerka kaga rayso
Waxaad biilka siisaba hadduu turuqyo buuraaado
Bogga laga wereenyow hadduu bili haween yeesho
Hadduu baaqdo goortii uu kaco boohin kugu reebye
Buuryaqabka inaad dayrisaad kaga boqsootaye
Baddu hadday ayaan kaa liqdana kaama ba'o ciilku

Gabar bilicle oo baaxad weyn beri haddaad maagto
Billad iyo xariir iyo haddii boqor kaa laadlaado
Bidhaankaaga oo idil haddaad biicsasho u dhiibto
Aqal buur go'eed le'ef hadday beejimo u raacdo
Oo buuni kuu meheriyood barato xaalkeeda
Bawdad I ka haaddadu hadday baal kaa noqoto
Aad waliba baanbaaniso oo biidna garan weydo
Inaad naago kale baabsataad kaga bogsootaaye
Budda nadday gasho oy urtana kaama ba'o ciilku

Baramboori qaalina haddii baarqab lagu qooqsho
Markey buun baxday goojisaa waana loo bogiye
Saddex iyo haddii toban bilood gaajo lagu raaco
Biyaha guga hadday awr dhashoo biligluhuu goyso
Oo gabankii kugu soo baxsado waa bukaan sida e
Barooddada inaad raratid baad kaga bogsootaye
Haddaad buulka xaaska u dhigtana kaama ba'o ciil

Haddii aad bariidlow wan weyn neef ka barisiiso
Boorka iyo siigada haddaad burush ku duugduugto
Oo uu barwaaqada cunoo baaxo nadalkiisa
Bawhaarka magaaleed golaha badiba loo joogo
Hadduu bederka kugu gaabiyoo kugu baryuureedo
Inaad boqonta dhiidhiibisaad kaga bogsootaaye
Haddaad bahalka geed ugu xidhiaan kama ba'o ciilku

 DIYAARIYE QORAA IYO TARIIKHYAHAN

C/RISAAQ A.ALI KANEEC
kaneec1@hotmail.com
 qaahira bariga dhexe

Faafin: SomaliTalk.com | August 13, 2004

QAYBTA 4aad:: KANEEC

QAYBTA 6aad:: KANEEC

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD