SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DOODWANAAG

Doodwanaag@hotmail.com


Ma ka Qaybgaleysaa Suugaanta Doodwanaag?

       Waxyaabaha looga baahanyahay maansada ka mid noqoneysa Doodwanaag:   

1. Waa in ay maansadu  waafaqsantahay ujeedadii silsiladdan Doodwanaag loo abuuray oo ah; in dadka la faro wixii wanaag ah, lagana reebo wixii xummaan ah ee dhib u keenaya adduunkooda iyo aakhiradoodaba.  

2. Waa in ay maansadu ka caafimaad qabto aflagaaddo, xaqirid, tookh, qabyaalad, Goboleysi iyo wixii soo raaca.  

3. Waa in ay maansadu noqoto Jiifto deelleey ah 

4. Waa in aysan maansadu noqon mid la tiriyay ka hor waqtigii ay curatay silsiladdan Doodwanaag , oo ku beegneyd 10kii Nofeember 2003. 

5. Waa in hal-abuuraha maansadu uusan waxba ka qabin in maansadiisa la faafiyo iyadoo la adeegsanayo hey’adaha warbaahinta, raallina uu  ka yahay in maansadiisu ay qayb ka noqoto, kaydka  maansooyinka Doodwanaag, ha noqoto qoraal buugag ama duubid maqal ah.  

6. Waa in hal-abuuraha maansadu, uu maansadiisa usoo diro guddiga Tafatirayaasha maansooyinka Doodwanaag - guddi ka madax bannaan hal abuurada ka qeyb qaadanaya silsiladda- si ay iskula eegaan in ay waafaqsantahay ujeedaddii laga lahaa Doodwanaag, taladooda iyo go’aankoodana ku qanacsanyahay.  

7. Waa in hal-abuuraha maansadu uu ka fiirsado inta uusan maansadiisa ku biirin Silsiladda Doodwanaag, waayo kadib marka la faafiyo, suurtogal ma noqon karto in laga reebo silsiladda, haddii uu xitaa curiyaha maansadu sidaas dalbado.

Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer waxaad nagala soo xiriiri kartaa Doodwanaag@hotmail.com  

Ka soo qaybgal wacan 
Bahda Doodwanaag 

LIFAAQ:::

Bahda SomaliTalk waxay  qofkii suugaanta ka qayb qaadanaya ku dhiiri gelinayaan in uu maansada toos ugu diro bahda Doodwanaag si loo soo tifatiro, loona soo turxaan bixiyo. Emailka bahda Doodwanaag waa: Doodwanaag@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 4, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Greatt
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD