SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | DAAHIR (BAASTO)

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA

Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto) | ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica  |April 20, 2003 

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Qaybtii 6aad

BILOWGII DHAQDHAQAAQA URURKII AL-ITIXAAD AL-ISLAAMI

Haddii aan dib ugu noqonno faallo koobanna aan ka bixinno ururka Al-Itixaad Al-Islaami waxay dhaqdhaqaaqyadiisu billowdeen intii ka danbeysay burburkii soomaaliya, waxa uuna ogaadeeniya si rasmi ah uga sharciyoobay sannadkii 1992kii muddo hal sano ah kaddib isbaddalkii dalka itoobiya ka dhacay ee ay EPRDF ku qabsatay talada dalka, wuxuuna noqday urur si rasmi ah uga diiwaan gashan itoobiya si sharci ahna u howl gala, wuxuuna xafiisyo ku lahaa dhammaan magaalooyinka waaweyn ee ogaadeeniya iyo addis ababa intaba isagoo durbadiiba muujistay awood ciidan iyo mid dhaqaale oo ayna lahayn ururradii kale ee wax kasoo sixiixay heshiiskii addis ababa kuwaas oo kala ahaa ONLF, WSLF, IGLF iyo Horyaal.

Ururka Al-Itixaad ma lahayn qorshe siyaasadeed iyo xeer nidaamyo bannaan-yaal ah oo muuqda oo ay dad badan fahmi karaan wuxuuna ku howl galayey argti diimeed oo go,an. Madaxdii ururka hoggamineysay kama ayna faa,iideysanin bisaylkoodii siyaasadeed iyo aqoontii ay lahaayeen iyagoo si toos ah u garab maray waaqaca siyaasadeed ee adduunka. Awooddooda oo u sawirtay in ay yihiin xoog fulin kara rabitaankiisa ayaa waxay garab marisay ku xisaabtanka ah in waxa ay la dagaallamayaan ay dowlad tahay wakhtiguna dheeraan karo. Waxay ururradii kale ee jiray iyo shacabkaba wixii aan iyaga taageersaneyn ku tilmaameen calmaaniyiin oo macnaheedu yahay diin laawayaal, dhaqankaas oo siyaasiyan ahaa wakhtigaas mid aan meesha ku habbooneyn waxaana abuurmay kala fogaansho ka dhex dhacay Al-Itixaad iyo ururradii kale. Soo dhoweynta EPRDF ay Al-Itixaad soo dhoweysay hal ujeeddo ayey ka lahayd taasoo ah in ay adduunka u sawirto in Ogaadeenya uu ka jiro urur diini ah oo xoog weyn doonayana in uu Itoobiya xididdada u siibo taas oo ahayd hadal wakhtigaas u cuntami karay reer galbeedka iyo mareykanka ayna ku heli kartay taageero dhan walba ah arrinkaasuna wuxuu u fulay sidii ay EPRDF u qorsheysay. Markii ay reer galbeedka iyo mareykanku qaateen fikirkii Melles Zenawi ee Al-Itixaad ku aaddanaa ayey EPRDF billowday sidii ay Al-Itixaad meesha uga saari lahayd iyadoo isticmaalaysa wax kasta oo suuro gal ah.

EPRDF muddo yar kaddib waxay billowday olole ka dhan ah Itixaadka oo ay bulshada kaga dhaadhicineyso in ururkani yahay urur soo galooti ah oo aan dadka iyo dalka midna maslaxo u haynin, ololahaas oo dadka soomaaliyeed ee ay itoobiya gumeysato u fasirteen in uu yahay qaybi oo xukun, wax dareen ah oo in lala yaabo dhaafsiisanna ma aysan helin EPRDF, waxayna cid waliba oo shacabka ka mid ah is weydiisay haddii uu ururku shisheeye yahay maxay u aqoonsadeen oo xafiisyada ugu fureen maadaama ay iyagu dowlad yihiin. Halkii la rabay EPRDF in ay si nabadgalyo ah ula hadasho ururka arrintana u dhex gasho iyadoo uusan dhib dhicin ayaa waxay billowday sahamo ay ku kala bixineyso fadhiisimada ururka Al-Itixaad ee ku yaalla meelo ka mid ah dalka ogaadeeniya iyadoo adeegsaneysa jawaasiis taasoo durbadiiba muujisay waxa ay maaggantahay oo ah weerar dhan walba ah oo ay ku qaadaan ururkaas.

Al-Itixaad oo arrinkaas ka warhayey ma aysan sameynin wax dhaafsiisan in ay diyaar garoobaan oo haddii lasoo weerarona ay is difaacaan iyagoo ka fogaanaya in ayna ku sifoobin kuwa dhibka billaabay in ay yihiin, waxayna iska dhaga mariyeen daandaansiyadii kaga imaanayey EPRDF si ay u muujiyaan in ay nabaddoon yihiin ee ayna colaad doon ahayn.

Inta ayna xabbaddu afka ka bixin maalmo ka hor kulamo kala goonigooni ah oo ay EPRDF la yeelatay qaybo bulshada ka mid ah, ururrada siyaasiga ah iyo shakhsiyaad waaweyn intaba waxaa EPRDFta loogu sheegay in ururka alitixaad uu yahay urur waddani ah oo gobanimodoon ah una taagan soo dhicinta xaqa dadkiisa la duugay taasoo la doonayey in lagu caajis galiyo siyaasad ahaan mowqifka dagaal-doonka ah ee EPRDF waxaana lagu yidhi hadduu jiro mowqif dowladda dhexe ee itoobiya dhankeeda kasoo cusboonaaday oo iyaga ku aaddan in arrinta loo maareeyo sida hadda muuqata si ka duwan nabadgalyana lagu xalliyo, waxaana loo sheegay in ururka Al-Itixaad uusan ka badneyn gacmaha dadkiisa kana hor imaan karin aragtidooda, waxaana EPRDF laga codsaday in ay bixiso fursad iyo wakhti ay si kama danbeys ah ugu wada hadlaan ururka Al-Itixaad iyo dadweynaha, iyadoo loo sheegay madaxda EPRDF in dalka ogaadeeniya aan dagaal diyaar looga ahayn inta ay shaqeyneyso amaba uu raad ka noolyahay dimoqraadiyaddii ay EPRDF ula timid shacabka ogaadeeniya isaguna uu ku raacay.


Itaxaadka Soomaaliya... 
Warbixintii Fahad Yaasiin

Nin meeli u caddahay meeli ka madow EPRDF waxay iyadoo arrimahaas oo dhan iska dhaga marineysa weerar culus ku qaadday bishii August ee sannadkii 1992kii saldhiggii halooyo ee ururka Al-Itixaad. Muddadii intaas ka danbeysay waxa dhacay dagaallo aan la qiyaasi karin oo aad laysugu naaftay labada dhinacba waxayna ciidanka EPRDF oo itoobiya inteeda kale si fudud kusoo maray ku noqotay arritii Al-Itixaadka lamood noqonse weyday, waxayna Itixaadku afka u dhigteen ciidankii EPRDF ee lagu magacaabi jiray (Libaaxyada halgama) taasoo fajac iyo lama filaan ku noqotay dowladda itoobiya.

Inkastoo uu dagaalkaasi xooggiisu socday muddo yar gaar ahaan intii u dhaxaysay dhammaadkii sannadkii 1992kii ilaa billowgii 1994kii wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo si adag ugu sadarreysan diiwaannada dadka wax qora, waxayna arrintaasi kalliftay in dowladda Itoobiya ay ururka Al-Itixaad la gasho heshiis xabbad joojineed oo intii muddo ah socday, ugu danbeyntiina ay iyadu jabisay.

Ugu danbeyntii iyadoo la wada ogyahay cid waliba oo dagaal gasha urur, dowlad iyo qabiil midkii uu doonaba ha ahaadee in ay tabar yaraan ku dhacayso haddana waxaan meesha ka saareynaa oo aan jirin sheegashada itoobiya ee ah inay iyadu tahay midda keentay hoos u dhaca ku yimid Ururka Al-Itixaad, waxaana leenahay waxaa kallifay hoos u dhacaas ay Itoobiya sheegatay khilaaf dhex galay maamulkii ururka ee Itoobiya ma jabiseen mana jabin karteen ururka Al-Itixaad.

Akhri Qaybta 7aad

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | 2003

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare..
Faallo

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.