SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | DAAHIR (BAASTO)

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA

Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto) | ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica  | March 12, 2003

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

QAYBTII 3aad

KHILAAFKII JABHADDII WSLF IYO URURRADII BULSHADA SOOMAALI GALBEED

Lagasoo billaabo dabayaaqadii sannadkii 1983kii oo ahayd markii ay nabad sugidda dowladdii soomaaliya ay xabsiga u taxaabeen 24 xubnood oo ka koobnaa madaxdii ururka dhallinyarada gobanimodoonka soomaali galbeed, madaxdii golaha ardayda iyo golaha dhallinta shaqaysa ee ururka dhallinyarada gobanimodoonka soomaali galbeed iyagoo sheeganaya in ay wataan amar hoggaanka arrimaha gudaha ee jabhadda xoreynta soomaali galbeed waxaa hoos u dhacay mooraalka shacabka iyo ciidanka xoreynta soomaali galbeed. Haddaba waxaa is weydiin mudan maxay tahay sababta ku kalliftay jabhadda in ay xidhxidho howlwadeennadii uruka dhallinyarada iyagoo adeegsanaya ciidamadii nabadsugidda ee soomaaliya?. Si aan su’aashaas uga jawaabno waxaan si kooban dib ugu noqoneynaa tariikhdii ururkii dhallinyarada gobanimodoonka soomaali galbeed.

Ururkii dhallinyarada gobanimodoonka soomali galbeed (U.DH.G.S.G) oo ka dhashay baahida halganka shacabka waxaa la aasaasay 13th June 1979kii waxaana lagu aasaasay magaalada muqdisho oo ah xarunta soomaaliya, waxaana xubno ka ahaa ardaydii dugsiyada sare, dhexe, ardaydii jaamacadaha iyo dhallinyarada shaqaysa, wuxuu ururku ka koobnaa xarunta dhexe ee ururka, golaha ardeyda, golaha dhallinta shaqeysa, qaybo iyo furuuc tiro badan. Madaxda ururka oo ay u muuqatay aragti ah in halganka la badbaadiyo waxay howshoodii koobaad ka dhigteen in ay abaabulaan dhamaystirka ururrada bulshada intooda kale, waxaana la aasaasay ururka haweenka gobanimodoonka soomaali galbeed iyo ururka culimaa udiinka soomaali galbeed kuwaas oo noqday xoog kaaba garabna siiya aragtida ururka dhallinyarada ee ku aaddaneyd tub ku toosinta halganka shacabka soomaali galbeed. Tallaabadii xigtay ee uu ururku qaaday waxay ahayd inuu dhiso aqoonta iyo garaadka siyaasiga ah ee xubnaha ururka taas oo ay garab socotay ololeyaal ay wax barid ugu aadeen xarumaha iyo saldhigyada ciidanka xoreynta soomaali galbeed ay ku lahaayeen gudaha ogaadeenya, arrintaasuna waxay kor u qaadday kalsoonida ay ururku ku qabeen shacabka iyo ciidanka qaybihiisa kala duwan. Jabhaddii xoreyta soomaali galbeed oo aan markii horaba raalli ka ahayn samaysanka ururka dhallinyarada waxay ka caga jiidday howlgallada naf huridda ah ee uu ururku fulinayo. Tallaabadii saddexaad ee uu ururku qaaday waxay ahayd in uu u ololeeyo isbaddal degdeg ah oo lagu sameeyo hoggaankii halganka shacabka arrintaasoo ka cadheysiisay si wada jir ah madaxdii jabhaddii xoreynta soomaali galbeed iyo xukuumaddii maxamed siyaad barre .

Ururka dhallinyarada oo dhaqaalaha uu ku tiirsanyahay ahaa dhigaalka joogtada ah iyo tabarucaadka ay bixiyaan xubnihiisa iyo dadka taageersan wuxuu ku guuleystay in uu caalamiyeeyo siyaasaddiisa isagoo xidhiidh la yeeshay qaar ka mid ah ururrada dhallinyarada adduunka, taasoo u saamaxday in uu ka qayb galo shirar caalami ah gaar ahaan shirkii ururka dhallinyarada carbeed iyo kii ururrada bulshada carbeed oo labadaba lagu qabtay magaalada baqdaad ee dalka ciraaq. Waxaa kaloo uu ururku ka qayb galay shirkii ururka dhallinyarada giriigga oo lagu qabtaya magaalada Athenis. Tallaabooyinkaas waxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyaddii dimoqraadiga soomaaliya u qaadatay sameysanka xoog ka madax bannaan siyaasaddeeda ku aaddan soomaali galbeed, waxayna hoggaankii jabhadda cadaadis ku saareen in uu wax ka qabto waxa uu ugu magac daray dhibka kasoo fool yeeshay dhallinyarada xamaasaddu hayaso.

Iyadoo xaalku halkaas taaganyahay ayey ururradii bulshada soomaali galbeed oo uu hormuud u yahay ururka dhallinyaradu u gudbiyeen hoggaankii jabhadda in uu qabto shirweynihii jabhadda oo dhowr jeer oo hore dib loo dhigay, codsigaas oo saldhig looga dhigay waxyaabaha kusoo kordhay siyaasaddii geeska afrika iyo dareenka aan wanaagsaneyn ee kasoo muuqday mujtamaca soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay kuwaas oo u baahnaa in laga tashado, waxayna taariikhda codsigaasi jabhadda loo gudbiyey ahayd bishii December ee sannadkii 1983kii.

Jabhadda oo ay gadaal ka taaganyihiin maamulkii maxamed siyaad barre iyo sarakiil sarsare oo asal ahaan kasoo jeeda soomaali galbeed ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday codsigii ururka dhallinyarada iyo aragtidii guud ahaan ururradii bulshada iyo ciidankii xoreynta soomaali galbeed, tallabadaasna waxaa ka dhashay iska hor imaad hadheeyey xaruntii jabhadda xoreynta soomaali galbeed. kaddib markii ay jawaabtii codsiga ururku sidaasi noqotay ayaa waxaa ururku go’aan ku gaadhay in uu gabi ahaanba la wareego xaruntii jabhadda ee ku taallay agagaarkii Hotel Jubba, taasina way ku guuleysteen. Intaas kaddib waxay jabhadda oo adeegsaneysa ciidanka nabad sugidda soomaaliyeed qaybtiisa kamaandoosta iyo ciidanka booliiska ee caadiga ah weerar kusoo qaadeen xaruntii ururka dhallinyarada gobanimodoonka soomaali galbeed, halkaasna waxay albaabada u laabeen xafiiskii ururka, waxayna xidhxidheen qaar ka mid ah xubnihii ururka oo ay ka mid ahaayeen:

  1. C/Raxmaan Maxamed Sh.Mahdi (Guddoomiyihii ururka)
  2. Axmed Maxamed Maamuus (Jaalle) (Guddoomiye ku xigeenkii ururka)
  3. Xasan Shariif (Xubin guddigii fulinta)
  4. Ilyaas Cawaale Xuseen (Xubin guddigii fulinta)
  5. C/Laahi Ugaas Muxumed Qani (Xubin guddigii fulinta)
  6. Sacdiya Makhtal Daahir (Xubin golihii dhexe)
  7. Maxamed Salaan Cali (Xubin golihii dhexe)
  8. Daahir Maxamed Cali (Baasto) (Guddomiye ku xigenkii G/Ardayda)
  9. Xuseen Cumar Waafeer (G/ku xigenkii G/dhallinta shaqaysa)
  10. C/Risaaq Maxamuu Axmed-Kayd (Xubin guddigii fulinta G/Ardayda)
  11. Bashiir Axmed Cabdi (Xaaji) (Xubin urur)
  12. Maxamuud Sheekh Yuusuf (Cudud) (Xubin guddigii fulinta G/Ardayda)
  13. Sahra Maamire Sayid (Xubin golihii Ardayda)
  14. Xasan Maxamed Majeerteen (Xubin golihii Ardayda)
  15. Ifraax C/Laahi Xasan (Xubin golihii Ardayda)
  16. Waris Cabdi Ibraahin-geelle (Xubin golihii Ardayda)

Intaas ayaa ah inta aan ilaa hadda ka xusuusanno magacyada xubnihii 24 ka ahaa ee maalintaas la xidhxidhay wax dhintay iyo wax noolba.

Markii ay xubnuhu muddo xabsiga ku jireen ayey jabhaddii oggolaatay in shuruud lagusii daayo, taas oo ahayd in xubnaha guddiga fulinta ee ururka mooyee inta kale lasii daayo, waxaase dadaal dheer kaddib lagu guuleystay in isna lasii daayo C/Laahi Ugaas Muxumed-qani oo ahaa madaxa dhaqaalaha ururka, siideyntiisana ay lagamamaarmaan ahayd. Maamulkii jabhadda xoreynta soomaali galbeed oo uu ka muuqday aargoosi ayaa ku dadaalay in uu xabsi adag ku rido guddoomiyihii ururka, kuxigeenkiisii iyo laba xubnood oo guddiga fulinta ah, waxayse mari waayeen garsoore ka tirsanaa maxkamaddii badbaadada dalka soomaaliya oo lagu magacaabi jiray C/Laahi Axmed Xaashi (Turki). Markii ay ku guuldarreysteen hoggaankii WSLF in ay xubnahaas xabsi dheer u diraan ayey keeneen shardi kale oo ah in masuuliyadda ururka laga qaado afartaas xubnood laguna baddalo ciddii kale ee uu ururku doono haddii kale ay ururka sharcinimadiisa xaaraantinimeyn doonto. Intaas kaddib xubnaha ururka dhallinyarada ayaa go’aansaday in ay yeelaan soo jeedinta jabhadda si jiritaanka ururka loo badbaadiyo waxayna guddoomiye u doorteen C/Laahi Ugaas Muxuxmed-qani, ku xigeenna waxay u doorteen Xuseen xaaji Axmed, go’aankaasna jabhaddu way oggolaatay.

Hoggaankii cusbaa ee ururka wuxuu gacan dabacsan oo ay siyaasad ku dheehantahay kula dhaqmay maamulkii jabhadda si waxbarasho loogu helo dhallinyarada ururka ee dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare, arrintaasina waxay keentay in ay jabhaddu waxbarasho jaamacadeed u dirto dhallinyarada horseedka ka ah halganka maanta jira.

Intaas kaddib waxaa aad hoos ugu dhacay mowqifkii xukuumaddii soomaaliya ee ku aaddanaa Itoobiya iyadoo u nuglaatay rabitaanka Mangistu Haile Mariam oo ay ugu horreysey joojinta taageerada ay soomaaliya siiso halganka Jabhadda Xoreynta Somali Galbeed. Markii ay arrini halkaa mareyso ayaa waxa uu ururka dhallinyaradu usoo jeediyey maamulkii jabhadda in go’aan mideysan oo isku tashi ah laga qaato isbaddallada kasoo cusboonaaday xidhiidhka cusub ee labada dowladood oo dhaawacaya mustaqbalka qaddiyadda, arrinkaasoo fulintiisa ay ku adkaatay maamulkii jabhadda, taasuna waxay sabab u noqotay in uu khilaaf iyo ismaandhaaf mar kale soo dhex galo wada shaqayntii ururka iyo jabhadda, kaddibna waxaa gabi ahaanba xilkii wareejiyey ururkii Dhallinyarada Gobanimodoonka Soomaali Galbeed, waxayna jabhaddii qaadday tallaabo ah inay maamulka ururka u dhiibto cid ay iyadu wadato, waxayna u magacowday nin ka tirsanaa golihii dhexe ee jabhadda oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Ibraahim.

Guntii iyo gabagabadii waxay arrini ku dhammaatay in xafiiskii jabhadda oo ku yaallay agagaarka jubba albaabada laysugu dhuftay lana geeyey xaafado dhexdood iyo meel qarsoon. 

 Akhri Qaybtii 4aad.......

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | 2003

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare..
Faallo

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO